Wednesday, May 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul wasaaraha cusub oo la kulmay Safiirka UK ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul wasaaraha cusub oo la kulmay Safiirka UK ee Soomaaliya “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

kheyre2

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta la kulmay Safiirka UK u qaabilsan Soomaaliya David Concar, iyadoo Safiirka uu soo dhoweeyay magacaabista Mudane Kheyre, uguna hambalyeeyay xilka culus ee loo wakiishay.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul-Adxa

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul-Adxa

May 26, 2026
Wasiirka Qoyska XFS oo war kasoo saartay Doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday KGS

Wasiirka Qoyska XFS oo war kasoo saartay Doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday KGS

May 26, 2026

Safiirka UK ayaa sheegay in dowladda Britain ay si dhow ula shaqeyneyso Ra’iisul Wasaaraha cusub iyo Xukuumadda uu soo dhisi doono, waxaana uu Danjire David Concar tilmaamay in UK ay ugu deeqday Soomaaliya lacag gaareysa boqol milyan oo gini oo ah gargaar cusub, si wax looga qabto abaaraha iyo xaaladda 600, oo carruur oo soo wajahday xaalad nafaqo darro ah.

Sidoo kale Safiirka UK ayaa uga warbixiyay Ra’iisul Wasaaraha cusub qaban qaabada shir heer sare ah oo ay marti gelineyso dowladda UK, kaasoo dhowaan ka dhici doono magaalada London, waxaana shirka ka soo qeyb geli doona dowlado badan, iyadoo looga hadlayo arrimaha amniga, dhaqaalaha, abaaraha iyo dib u dhiska Soomaaliya, waxaana la filayaa in Soomaaliya loogu deeqo dhaqaale.

Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo taageerada UK ay had iyo jeer la garab taagan tahay Soomaaliya, waxaana uu ka mahad celiyay booqashada iyo is barashada Safiirka cusub ee UK u qaabilsan Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha magacaaban Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa bilaabay la kulanka Safiirada Beesha Caalamka u jooga Soomaaliya, iyagoo ka wada hadlaya taageerada Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka u dhaxeeya dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Beesha Caalamka.

kheyre (1) kheyre1 kheyre2 kheyre3

Previous Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso Barnaamijka Faaqidaada ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso Barnaamijka Faaqidaada ee Radio Muqdisho

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul-Adxa

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul-Adxa

May 26, 2026
0

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaasabadda barakeysan ee Ciidul-Adxa oo ah munaasabad xambaarsan qiime...

Wasiirka Qoyska XFS oo war kasoo saartay Doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday KGS

Wasiirka Qoyska XFS oo war kasoo saartay Doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday KGS

May 26, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa hambalyo u dirtay dhammaan...

GMXIQ oo walaac ka muujiyay dhacdadii ka dhacday deegaanka Digta Margoos ee gobolka Jubbada Hoose

GMXIQ oo walaac ka muujiyay dhacdadii ka dhacday deegaanka Digta Margoos ee gobolka Jubbada Hoose

May 26, 2026
0

WAR SAXAAFADEED Muqdisho, 26 Maajo 2026 – Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa walaac xooggan ka muujiyay...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY BULSHADA RAYIDKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY BULSHADA RAYIDKA

May 25, 2026
0

Muqdisho, May 25, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay bulshada rayidka ah Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In