Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/Wasaare Khayre oo kulan la qaatay Guddiga Gurmadka Abaaraha, baaqna direy “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
R/Wasaare Khayre oo kulan la qaatay Guddiga Gurmadka Abaaraha, baaqna direy “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, March 4, 2017….Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa kulan gaar ah la qaatay Guddiga Gurmadka Abaaraha, waxana ay si gaar ah uga wada hadleen wax u qabashada dadka Soomaaliyeed ee saameynta ballaaran ay ku yeesheen Abaaruhu.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Kulankan oo ay guddida gurmadka abaaraha ugu warbixiyeen Ra’iisul Wasaaraha waxa ay soo bandhigeen in xaaladu tahay mid ku adag dadka xoolo dhaqatada ah iyo duunyadaba, iyagoo hogo tusaaleeyey soona bandhigay in ay jiraan dad ay isugu darsameen abaaro iyo shuban biyood.

Ra’iisul Wasaaruhuna waxa uu u balan qaaday in aanay ka xukuumad ahaan waxba kala hari doonin dadkaasi abaartu haleeshay, haday noqoto gargaarka biyaha, saadka dadka iyo xoolaha wixii awoodooda ah, guddiguna ay dedaalkooda sii kordhin doonaan mar walbana uu ku dabajoogi doono sida ay wax u socdaan si dadka iyo duunyadaba loo badbaadiyo ilaahay ayaa wax badbaadin karee.

“Dadka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan waxa maanta looga fadhiyaa in ay badbaadiyaan walaalahooda dibaateysan oo haddii aan wax lala gaarin gaajo u dhiman doona; Waxay noqon doontaa howsha Xukuumaddu maalmaha soo socda mid ku wajahan abaaraha oo kaliya”ayuu yiri R/Wasaare Xasan Khayre.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa tilmaamay in 48dii saac ee la soo dhaafay ay ku dhinteen qaar kamid ah gobollada Koonfureed gaar ahaan gobolka Bay dad tiradoodu gaareyso 110 ruux oo saameeyeen abaaraha iyo cudurka Shuban Biyood halkaasi ka dilaacay, isagoona xusay in xiligan loo baahan yahay iskaashi buuxa iyo wada shaqayn dhex marta Shacabka iyo Dawladda si wadajir loogu gurmado dadka Soomaaliyeed ee dhiban.

Ugu danbeyn, Wuxuu ugu baaqay Ganacsatada iyo cid walba oo dhaqaale haysta in gurmadka qeybtooda ay ka qaataan, isla markaana ay badbaadiyaan dadka u dhimanaya gaajada iyo haraadka. Isagoo dhinaca kale tilmaamay in wadajir loogu duceeyo dadka iyo dalka Soomaaliyeed in ALLE uu ka qaado colaada iyo abaaraha soo noq-noqday.

 

 

Previous Post

Madaxweynaha Puntland oo xilka qaadis ku sameeyay Guddoomiyaha Hay’adda Wadooyinka Puntland

Next Post

Kulankii baarlamaanka iyo Xasan Sheekh oo xubin baarlamaani ah loo dhaariyay

Next Post
Wareegga koowaad ee codeynta doorashada oo la soo gabo gabeeyay

Kulankii baarlamaanka iyo Xasan Sheekh oo xubin baarlamaani ah loo dhaariyay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In