Madaxda Qaranka ayaa ka tacsiyeeyay geerida Allaha u naxariistee Ugaas Cabdulqaadir Sheekh Xuseen oo ka mid ahaa odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed oo maanta lagu dilay Muqdisho.
Madaxda Qaranku waxa ay tacsi u dirayaan eheladii marxuumka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Ugaas Cabdulqaadir oo ka mid ahaa nabad doonnada sama ka taliska ah.
Niman hubeysan ayaa Allaha u Naxariistee Ugaas Cabdulqaadir Sheekh Xuseen ku dilay degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.
Innaa Lillaahi wa Innaa Illaahi Raajicuun,