Monday, August 18, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidanka booliska Galmudug oo gaari la soo dhacay ku wareejiyay Puntland

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
May 14, 2017
in Wararka
0
Ciidanka booliska Galmudug oo gaari la soo dhacay ku wareejiyay Puntland
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidanka booliska Galmudug ee ka howlgala magaalada Gaalkacyo ayaa saaka ku guuleeystay inay gacanta ku soo dhigaan gaari land cruser ah oo ay laheyd wasiir ku xigeenka wasaarada haweenka dowlad gobaleedka Puntland Farxiyo Yuusuf Xirsi, kadib howlgalo ay ka sameeyeen deegaanada gobalka Mudug.

Gaariga ayaa laga soo dhacay saddex maalin ka hor deegaano ka tirsan kuwa dowlad gobaleedka Puntland isla markaana loola soo baxsaday dhanka deegaanada Galmudug.

Related posts

Danjiraha JFS ee Shiinaha oo lagu guddoomay nuqul ka mid ah waraaqaha aqoonsiga

Danjiraha JFS ee Shiinaha oo lagu guddoomay nuqul ka mid ah waraaqaha aqoonsiga

August 18, 2025
𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐞𝐲 𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐞𝐲 𝐇𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐧𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐀𝐝d𝐮𝐮𝐧𝐤𝐚 𝐞e 𝐖𝐅𝐏

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐞𝐲 𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐞𝐲 𝐇𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐧𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐀𝐝d𝐮𝐮𝐧𝐤𝐚 𝐞e 𝐖𝐅𝐏

August 18, 2025

Taliyaha qeybta booliiska Gobalka Mudug ee Galmudug Gaashaanle sare Maxamed Nuur Cali Gadaar ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in burcaddii gaariga soo dhacday lagu guuleystay in gacanta lagu soo dhigo, kuwaasi oo uu sheegay inay ku xiranyihiin saldhiga magaalada Gaalkacyo.

“Gaarigaan waxaa si sharci dara ah uga soo dhacay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Haweenka darawalkii gaariga u waday, waxaana uu damcay in uu gato, isagoo ula soo baxsaday dhanka Galmudug, laakiin nasiib wanaag waxay noqatay Wasiirka gaarigeedii oo nabad qaba in aan furihiisii gacanta ka saarno meeshay doontana ay u wadan karto tuugiina xabsiga uu ku jiro” ayuu yiri Taliyaha qeybta booliska Galmudug.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Haweenka ee dowlad gobaleedka Puntland Farxiyo Yuusuf Xirsi ayaa dhankeeda uga mahad celisay ciidanka booliiska Galmudug sida ay markasta ugu heelanyihiinn ka hortagidda falalka noocaan oo kala ah iyo in lagu wareejiyo gaarigeedii oo badqaba, waxaana dhanka kale Wasiirku ay soo dhaweeysay wada shaqeynta ciidamada booliska Gobalka Mudug ee Galmudug, iyadoo ugu baaqday in ay sii xoojiyaan howsha lagaga hortagayo cid kasta oo isku dayda in falal ammaanka wax u dhimi karta ay ka sameyso deegaannada gobalka Mudug.

Previous Post

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka oo sheegay in adeegga Garsoorka la gaarsiin doono guud ahaan dalka

Next Post

Wasiirka Warfaafinta oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiir ku-xigeenka Turkiga ee Soomaaliya

Next Post
Wasiirka Warfaafinta oo shaqo ka fariisin ku sameeyey Agaasimaha Guud & Agaasimaha Maamulka arrimo la xiriira eedeymo musuqmaasuq ah

Wasiirka Warfaafinta oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiir ku-xigeenka Turkiga ee Soomaaliya

Danjiraha JFS ee Shiinaha oo lagu guddoomay nuqul ka mid ah waraaqaha aqoonsiga

Danjiraha JFS ee Shiinaha oo lagu guddoomay nuqul ka mid ah waraaqaha aqoonsiga

August 18, 2025
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, H.E. Dr. Hodan Osman Abdi, ayaa maanta magaalada Tokyo ugu gudbisay nuqul ka mid...

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐞𝐲 𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐞𝐲 𝐇𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐧𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐀𝐝d𝐮𝐮𝐧𝐤𝐚 𝐞e 𝐖𝐅𝐏

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐞𝐲 𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐞𝐲 𝐇𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐧𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐀𝐝d𝐮𝐮𝐧𝐤𝐚 𝐞e 𝐖𝐅𝐏

August 18, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS H.E Dr. Ali Haji Adam ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatey Wakiilka...

Xogta horjooge ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay gobolka Bakool

Xogta horjooge ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay gobolka Bakool

August 17, 2025
0

RADIO MUQDISHO(BAKOOL): Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXD), oo ku duulaya xog sirdoon iyo raad-joogis dheer, ayaa xalay howlgal qorsheysan ku...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha XFS Oo Daahfuray Shirweynaha Wadatashiga Qaran Ee Tababaridda Khubarada Fidinta Xanaanada Xoolaha

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha XFS Oo Daahfuray Shirweynaha Wadatashiga Qaran Ee Tababaridda Khubarada Fidinta Xanaanada Xoolaha

August 17, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee XFS Mudane Maxamed Saneey Dalmar, ayaa Maanta magaalada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In