Friday, December 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Haweenka oo tababar la xiriira fahamka xaquuqda carruurta u qabatay qeybaha bulshada “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Haweenka oo tababar la xiriira fahamka xaquuqda carruurta u qabatay qeybaha bulshada “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tababar wacyi galin ah oo la xiriirta Fahamka Xuquuqda Carruurta, diyaarinta warbixinta  heshiiska Caalamiga ee Axdiga Carruurta ayaa loo qabtay qaar  ka mid ah Xildhibaanada Golaha  Shacabka, Saraakiisha hay’adaha Dowladda iyo  Bulshada Rayidka.

Siminaarka oo ay soo agaasintay Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa socday muddo hal cisho ah, waxaana diiradda lagu saaray inta uu socday wacyigelinta fahamka xuquuqda carruurta.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

December 11, 2025
Taliyaha CXDS oo dhagax-dhigay Saldhigga degmada Howlwadaag.

Taliyaha CXDS oo dhagax-dhigay Saldhigga degmada Howlwadaag.

December 11, 2025

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqda Insaanka ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Deeq  Suleyman Yuusuf  oo si rasmi ah u furay siminaarka ayaa sheegay in u jeedka tababarka uu yahay in si fiican qeybaha bulshada looga fahamsiiyo xaquuqda carruurta, isagoo intaa ku daray inay joogteyn doonaan tabbabarada nuucaani oo kale ah.

Madaxa barnaamijyada xaquuqda carruurta ee Wasaaradda Haweenka Maxamed Cabdi Cali oo siminaarka bixinayay ayaa si wacan u sharxay hanaanka ku aadan fahamka xaquuqda carruuurta iyo diyaarinta warbixinta heshiiska caalamiga ah ee xaquuqda carruurta, iyadoo ka qeyb galayaasha ay ka dhiibteen aaraah kala duwan.

Agaasimaha Waaxda Horumarinta Qoyska iyo Xaquuqda carruurta Marwo Faadumo Maxamed Macalin oo soo xirtay siminaarka ayaa sheegtay in tabbarada nuucaani oo kale ah ay  yihiin kuwa lagu baraarujinayo qeybaha bulshada, si ay door uga qaataan ilaalinta xaquuqda carruurta.

Xildhibaan Dahabo Suusow oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa ka hadashay muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo xaquuqda carruurta, waxaana ay hoosta ka xariiqday in ka Xildhibaan ahaan ay door ka qaadan doonaan sidii bulshada loogu wacyi gelin lahaa ilaalinta xaquuqda carruurta.

 

 

 

 

 

 

Previous Post

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka oo shir gudoomiyay shir heer sare ah oo looga hadlayey arrimaha Gargaarka-Sawirro

Next Post

Carruur agoon ah oo loo sameeyay xaflad lagu dhiiri gelinayo “SAWIRRO”

Next Post
Carruur agoon ah oo loo sameeyay xaflad lagu dhiiri gelinayo “SAWIRRO”

Carruur agoon ah oo loo sameeyay xaflad lagu dhiiri gelinayo "SAWIRRO"

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

December 11, 2025
0

Tripoli, 11 December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa ka qeybgaley...

Taliyaha CXDS oo dhagax-dhigay Saldhigga degmada Howlwadaag.

Taliyaha CXDS oo dhagax-dhigay Saldhigga degmada Howlwadaag.

December 11, 2025
0

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen. Sulub Axmed Firin ayaa maanta si rasmi ah dhagax dhigay dhismaha cusub ee saldhigga Booliiska...

Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Hirshabeelle oo Jowhar ku qabtay kulan dadweyne.

Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Hirshabeelle oo Jowhar ku qabtay kulan dadweyne.

December 11, 2025
0

Qaar ka mid ah Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Baarlamaanka Dowlad-goboleedka Hirshabeelle ayaa magaalada Jowhar ku qabtay kulan dadweyne oo looga...

Ciidanka XDS oo toogtay naftii hallige khawaarij ah.

Ciidanka XDS oo toogtay naftii hallige khawaarij ah.

December 11, 2025
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa afaafka hore ee xeradda Jeneraal Dhagabadan ee Magaalada Muqdisho ku toogtay naftii-hallige khawaarij ah oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In