Tuesday, June 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya oo ka warbixiyay socdaal ay ku tegeen gobolka Shabeelaha Dhexe “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya oo ka warbixiyay socdaal ay ku tegeen gobolka Shabeelaha Dhexe “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi uu hogaaminayay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Faarax Wehliye ayaa howlo shaqo u tegay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe, iyadoo wafdiga ay qeyb ka ahaayeen Wasiirada Arrimaha gudaha ee dowlad goboleedyada Koonfurgalbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug.

Ujeedka socdaalka wafdiga ayaan ahaa hirgelinta barnaamijka Wadajir ee dardargelinta nidaamyada dowladaha Hoose ee dalka, iyadoo shir arrintaasi ku saabsan oo socday muddo saddex cisho ah lagu qabtay magaalada Jowhar ee xarunta Dowlad goboleedka Hirshabeelle, kaasi oo ugu dambeyn la isku raacay in la dhaqan geliyo nidaamyada dowladaha Hoose.

Related posts

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Nairobi ka daah-furtay kulanka Kooxda Farsamada ee Xargaha Badda Hoose Mara

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Nairobi ka daah-furtay kulanka Kooxda Farsamada ee Xargaha Badda Hoose Mara

June 22, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqday Tiyaatarka Qaranka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqday Tiyaatarka Qaranka

June 22, 2026

Sidoo kale wafdiga ayaa kulan gaar ah la qaatay qeybaha bulshada, kuwaasi oo warbixino looga dhageysanayay qeybaha bulshada, si loo ogaado baahiyaha gaarka ah ee ay qabaan.

Wasiirka Arrimaha gudaha ee Hirshabeelle Mudane Maxamed Cali Caadle oo wafdiga ku soo dhaweeyay magaalada Jowhar ayaa sheegay inay diyaar u yihiin dhaqan gelinta barnaamijka Wadajir ee nidaamyada dowladaha Hoose.

Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Prof Yaxye Cali Ibraahim ayaa sheegay in barnaamijkan ay Wasaaraddu soo waday muddo badan, isagoo ku booriyay maamul goboleedyada inay dhaqan geliyaan barnaamijkan.

Wasiirka Arrimaha gudaha ee Dowlad goboleedka Koonfurgalbeed Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Aadan Sate oo ku hadlayay magaca Wasiirada arrimaha gudaha ee dowlad goboleedyada ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan qorsheyaasha ay waddo Wasaaradda Arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Faarax Wehliye ayaa sheegay in barnaamijkan wadajir ay ahmiyad gaar ah siineyso Wasaaradda, isagoo xusay inay gacan ka geysanaan fulinta barnaamijkan, isla markaana xoogga la saari doono dhanka dib-u-heshiisiinta.

Mudane Cabdullaahi Faarax Wehliye Wasiiru dowlaha arrimaha gudaha Soomaaliya iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa socdaal ku tegay Degmada Warshiikh, halkaasi oo si diiran loogu soo dhaweeyay.

Guddoomiyaha Degmada Warsheekh Axmed Xuseen ayaa mas’uuliyiinta uga warbixiyay baahiyaha gaarka ah ee ay qabaan.

Xildhibaan Mino Xasan Shibis oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa wafdiga uga mahadcelisay kormeerka ay ku tegeen Warsheekh, waxaana ay xustay in barnaamijka Wadajir ee nidaamka dowladaha Hoose uu yahay mid wax weyn u taraya bulshada gobolka.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Faarax Wehliye ayaa ka mahadceliyay sida diiran ee loogu soo dhaweeyay Degmada Warsheekh, isagoo xusay in baahiyaha gaar looga bixi karo inay dhaqan geliyaan barnaamijka ay waddo Wasaaradda.

“Barnaamijka wadajir ee nidaamka dowladaha Hoose waa barnaamij loogu talagalay in degmo weliba ay maamulkeeda soo dhisato oo ay sameystaan gole deegaan, kuwaasi oo dooran doono Guddoomiyaha degmada iyo ku-xigeenadiisa, haddiii shalay warqad la idinkugu soo magacaabi jiray guddoomiyaha, maanta arrintu halkaasi ma taagna, ee gacantiina ku doorta, Degmada Warsheekh waxa ay noqon doontaa tii ugu horeysay ee Barnaamijka laga hirgeliyo” ayuu yiri Mudane Cabdullaahi.

Wafdiga ayaa ugu dambeyn socdaal ku soo maray Degmada Balcad, halkaasi oo ay kula kulmeen maamulka Degmada iyo qeybaha bulshada, iyagoo soo indho indheeyay Warshaddii Dharka ee Balcad.

Wafdiga uu hogaaminayay Wasiiru dowlaha arrimaha gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya oo socdaalkooda shaqo qaatay muddo afar cisho ah oo dhanka dhulka ah ayaa dib ugu soo laabtay Muqdisho.

Previous Post

Wasiirka Warfaafinta: Warbaahinta ha iska ilaaliso wararka been abuurka ah ee ka durugsan xushamadda iyo dhaqanka diblomaasiyadda

Next Post

Ra’isul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo lagu wareejiyey sharciga la dagaalanka Musuqa “SAWIRRO”

Next Post
Ra’isul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo lagu wareejiyey sharciga la dagaalanka Musuqa “SAWIRRO”

Ra'isul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo lagu wareejiyey sharciga la dagaalanka Musuqa "SAWIRRO"

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Nairobi ka daah-furtay kulanka Kooxda Farsamada ee Xargaha Badda Hoose Mara

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Nairobi ka daah-furtay kulanka Kooxda Farsamada ee Xargaha Badda Hoose Mara

June 22, 2026
0

Nairobi, Kenya – 22 Juun 2026 – Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), iyadoo kaashanaysa Hay’adda Maaliyadda Caalamiga ah (IFC), ayaa maanta...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqday Tiyaatarka Qaranka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqday Tiyaatarka Qaranka

June 22, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud oo ku guda jira dardargelinta howlaha diyaarinta maalmaha Xorriyadda,...

Dhaqaatiirta Isbitaalka Al-Ixsaan oo baritaano caafimaad oo lacag la’aah u sameeyay shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta

Dhaqaatiirta Isbitaalka Al-Ixsaan oo baritaano caafimaad oo lacag la’aah u sameeyay shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta

June 22, 2026
0

Dhaqaatiirta Isbitaalka Al-Ixsaan ee Muqdisho ayaa maanta Howladeennada Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS u sameeyay baaritaan caafimaad oo...

Guddoonka Labada Aqal oo ka tashaday furitaanka kalfadhiga 8-aad ee BJFS 

Guddoonka Labada Aqal oo ka tashaday furitaanka kalfadhiga 8-aad ee BJFS 

June 22, 2026
0

Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan gaar ah ku yeeshay hoyga Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In