Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maamulka Beerta Nabadda ku amray inay joojiyaan lacagaha laga qaadayo dadka galay Beerta Nabadda, maadaama uu maamulka sheegay in Beerta Nabadda ay tahay goob Hanti guud, isla markaana uu maamulka Gobolka uga Mahadcelinayo ganacsatada sida ay u dhiseen.
Wareego ka soo baxday Xafiiska Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda ee Gobolka Benaadir Marwo Maluuka Dheere Cabdiqaadir ayaa lagu sheegay in wixii maanta ka dambeeya ay Beerta Nabadda noqon doonto mid lacag la’aan ah.
Halkan ka Akhriso wareegtada Maamulka Gobolka