Monday, August 18, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Isgaarsiinta oo ka hadashay qorshayaasha looga gaashaaman karo cilladaha internet-ka

admin by admin
July 18, 2017
in Wararka
0
Adeegii Internet-ka oo soo laabtay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dadaal dheer oo ay si wadajir ah u bixiyeen Dawladda Soomaaliya iyo Shirkadda gaarka loo leeyahay ee hirgelisay adeegga Fiber Optic-ga ayaa waxaa lagu guuleystay in dib loo soo celiyo adeeggii internet-ka ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Muddadaas ku dhow 3da toddobaad waxaa dalka soo gaaray khasaare dhaqaale oo taabtay qeybaha kala duwan, sida ganacsiga, waxbarashada, caafimaadka iyo adeegyada dawladda.

Related posts

Danjiraha JFS ee Shiinaha oo lagu guddoomay nuqul ka mid ah waraaqaha aqoonsiga

Danjiraha JFS ee Shiinaha oo lagu guddoomay nuqul ka mid ah waraaqaha aqoonsiga

August 18, 2025
๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐จ๐จ ๐—๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐ค๐ฎ ๐ช๐š๐š๐›๐ข๐ฅ๐ž๐ฒ ๐–๐š๐Ÿ๐๐ข ๐ค๐š ๐ฌ๐จ๐œ๐๐ž๐ฒ ๐‡๐ž๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐‚๐ฎ๐ง๐ญ๐š๐๐š ๐€๐d๐ฎ๐ฎ๐ง๐ค๐š ๐že ๐–๐…๐

Haseyeeshee, waxa ay Wasaaradda boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyadda dadaal aan kala goโ€™ lahayn u gashay sidii loo yareyn lahaa khasarahaas, Shirkadda gaarka loo leeyahay ee adeegga gacanta ku haysana looga caawin lahaa xallinta arrintan.

Annaga oo ka faaโ€™iideysaneyna fursaddan, ayaa waxa aynu jecelnahay inaan dhinacyada kala duwan la wadaagno tilmaamaha aan dooneyno in looga gaashaanto dhibaato noocan oo kale ah:

1. In si degdeg ah loo ansixiyo Xeerka Isgaarsiinta Qaranka, kaasoo qeexaya masโ€™uuliyadaha dhinac kasta. Sharcigu wuxuu dadweynaha siinayaa awood ay magdhaw ku weydiisan karaan haddii shirkadaha ay ka soo bixi waayaan adeeggii ay heshiiska kula galeen.
2. Shirkaddaha Isgaarsiinta iyo adeegyadda Internet-ka waxaa laga doonayaa inay sameyaan qaab xarigga looga ilaalin karo maraakiibta ku soo xiraneysa Dekedda Muqdisho, taasoo u baahan inay isla qorsheeyaan hayโ€™adaha kale ee dawladda ee ay arrintaas khuseyso.
3. Shirkadaha ka shaqeeya internet-ka waxaa la farayaa inay sameystaan khad kale oo keyd ah (backup) si haddii mid cillad ku timaado ay ugu badbaadaan khadka kale.
4. Waxaa ganacsatada lagu baraarujinayaa in ay dalka ka furantahay fursad ganacsi oo ay ku maal-gashan karaan xargo kale. Baahida internet ee sii kordheysa iyo kalsoonida lagu qababa waxay muujinayaan in loo baahan yahay xarko kale.
5. Wasaaradda waxa ay gacanta ku haysaa qorshe qaran oo ay qeyb ka noqon doonaan dhamaan daneeyayaasha isgaarsiinta dalka, kaas oo damaanad qaadi doona helitaanka isgaarsiin tayo leh, la isku halayn karo oo la awoodi karo, kuna baahsan dhammaan dalka oo dhan.

Wasaaraddu waxay ugu dambeyntii shacabka Soomaaliyeed uga mahad celineysaa dulqaadkii ay muujiyeen muddadii uu maqnaa khadka. Waxaana rajeyneynaa in haddii la fuliyo talooyinkaas in laga gaashaaman doono inay soo noqoto cillad noocan oo kale ah.

DHAMMAAD

Previous Post

Wasiirka Amniga โ€œWaxaan dhisaynaa ciidamo gaar ah oo qaabilsan amniga madaxda iyo xarumaha dowladdaโ€

Next Post

Duqeymo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo ka dhacay Jubbada Hoose

Next Post
Duqeeyn qasaare geysatay oo kooxda UGUS lagula beegsaday Galgaduud

Duqeymo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo ka dhacay Jubbada Hoose

Danjiraha JFS ee Shiinaha oo lagu guddoomay nuqul ka mid ah waraaqaha aqoonsiga

Danjiraha JFS ee Shiinaha oo lagu guddoomay nuqul ka mid ah waraaqaha aqoonsiga

August 18, 2025
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, H.E. Dr. Hodan Osman Abdi, ayaa maanta magaalada Tokyo ugu gudbisay nuqul ka mid...

๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐จ๐จ ๐—๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐ค๐ฎ ๐ช๐š๐š๐›๐ข๐ฅ๐ž๐ฒ ๐–๐š๐Ÿ๐๐ข ๐ค๐š ๐ฌ๐จ๐œ๐๐ž๐ฒ ๐‡๐ž๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐‚๐ฎ๐ง๐ญ๐š๐๐š ๐€๐d๐ฎ๐ฎ๐ง๐ค๐š ๐že ๐–๐…๐

๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐จ๐จ ๐—๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐ค๐ฎ ๐ช๐š๐š๐›๐ข๐ฅ๐ž๐ฒ ๐–๐š๐Ÿ๐๐ข ๐ค๐š ๐ฌ๐จ๐œ๐๐ž๐ฒ ๐‡๐ž๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐‚๐ฎ๐ง๐ญ๐š๐๐š ๐€๐d๐ฎ๐ฎ๐ง๐ค๐š ๐že ๐–๐…๐

August 18, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS H.E Dr. Ali Haji Adam ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatey Wakiilka...

Xogta horjooge ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay gobolka Bakool

Xogta horjooge ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay gobolka Bakool

August 17, 2025
0

RADIO MUQDISHO(BAKOOL): Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXD), oo ku duulaya xog sirdoon iyo raad-joogis dheer, ayaa xalay howlgal qorsheysan ku...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha XFS Oo Daahfuray Shirweynaha Wadatashiga Qaran Ee Tababaridda Khubarada Fidinta Xanaanada Xoolaha

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha XFS Oo Daahfuray Shirweynaha Wadatashiga Qaran Ee Tababaridda Khubarada Fidinta Xanaanada Xoolaha

August 17, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee XFS Mudane Maxamed Saneey Dalmar, ayaa Maanta magaalada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In