Saturday, February 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ehelada Maxaabiista Soomaaliyeed Ee Hindiya Laga Soo Celinayo Oo Soo Dhaweeyey Tallaabada Dowladdu Qaaday “Dhageyso”

admin by admin
9 years ago
in Wararka, Wararka Raadiyahaa
0
Ehelada Maxaabiista Soomaaliyeed Ee Hindiya Laga Soo Celinayo Oo Soo Dhaweeyey Tallaabada Dowladdu Qaaday “Dhageyso”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Qaar ka mid ah ehelada maxaabiista Soomaaliyeed ee in mudo ah ku xernaa dalka Hindiya oo siyaabo kala gedisan ula soo xiriiray Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa bogaadiyey tallaabada at Dowladda Federaalka Soomaaliya heshiiska kula gashay dalka Hindiya kaasi oo dhigaya in dowladdu lasoo wareegto maxaabiista Soomaaliyeed ee dalkaasi ku xeran.

Sahra Maxamuud Maxamed oo seeygeeda uu ka mid yahay maxaabiistaasi ayaa Radio Muqdisho ku tiri “waxaan u mahad celinayaa dowladdeena Soomaaliyeed , caawa aad ayaan u faraxsannahay waxeey dowladdu qabatay shaqo weyn, aniga waxaa iiga Jira maxaabiista odaygeeyga carruurteeyda aabahood oo 7sano iyo bar naga xiran, manta waxaan aad ugu faraxsannahay in Dalkiisa la keeno oo aan xabisiga ku booqan karno”.

Related posts

Wasaaradda Duulista XFS oo jawaab ka bixisay warar been abuur ah oo laga faafiyey

Wasaaradda Duulista XFS oo jawaab ka bixisay warar been abuur ah oo laga faafiyey

February 28, 2026
Mareykanka iyo Israa’iil oo weeraro duqaymo ah ka gaystay Iiraan

Mareykanka iyo Israa’iil oo weeraro duqaymo ah ka gaystay Iiraan

February 28, 2026

C/risaaq Muuse oo isna uu walaalkiis ka mid yahay maxaabiistaasi waxa uu Radio Muqdisho u sheegay “waxaan idiinla soo xiriiray inaan dowladda Soomaaliyeed mahad celin u jeediyo, ma qiyaasi karo dareenkeenna aniga iyo dadka Soomaaliyeed aadbaan ugu mahad celineynaa dowladda Soomaaliya tallaabadan iyo tallaabadii ka horeysay ee maxaabiista looga soo celiyey dalka Ethiopia hadana waxaan ku faraxsannahay in maxaabiistan uu walaalkeey ku jiro loosoo celiyo dalkooda oo lagu xiro waxeyna noola mid tahay ayaga oo gurigooda lagu dhex xeray”.

Sidoo kale Nadiifo Tahliil Xirsi oo Iyana ka mid ah ehelada maxaabiistaasi at dowladda Soomaaliya kala wareegeyso dalka Hindiya ayaa Radio Muqdisho u sheegtay “waxaan aad iyo aad ugu faraxsannahay oo aniga carruurteeda ,ehelkeey iyo deriska aan u damaashaadeeynaa heshiiska ay dowladda Soomaaliya la gashay India aad ayaan u soo dhaweyneynaa, wax weyn ayey dowladdu qabatay waxaan leeyahay kor Alle haka dhigo”.

http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2017/08/Ehellada-Maxaabiista-Soomaaliyeed-ee-India.mp3

Dhowaan ayey aheyd markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sidaan oo kale ugu guuleysatay iney dalka Ethiopia kala soo wareegto in ka badan 100 maxaabiis ah kuwaasi oo sanado badan ku xernaa dalkaasi waxaana tallaabadan ay qeyb ka tahay dadaallada ay Dowladdu ugu jirto wax u qabashada muwaadiniintiisa caalamka ku kala dhibaateeysan

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada Oo Intiisa Badan Looga Hadlay Heshiiska Ay Dowladda Kula Soo Wareegeyso Maxaabiista Soomaaliyeed Ee Hindiya

Next Post

Wasiirka Tacliinta sare oo Khartuum kulan kula qaatay dhigiisa Dalka Suudaan ”SAWIRO”

Next Post
Wasiirka Tacliinta sare oo Khartuum kulan kula qaatay dhigiisa Dalka Suudaan ”SAWIRO”

Wasiirka Tacliinta sare oo Khartuum kulan kula qaatay dhigiisa Dalka Suudaan ''SAWIRO''

Wasaaradda Duulista XFS oo jawaab ka bixisay warar been abuur ah oo laga faafiyey

Wasaaradda Duulista XFS oo jawaab ka bixisay warar been abuur ah oo laga faafiyey

February 28, 2026
0

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya waxay si cad u beeninaysaa wararka been abuurka ah ee maalmahan lagu baahinayay baraha...

Mareykanka iyo Israa’iil oo weeraro duqaymo ah ka gaystay Iiraan

Mareykanka iyo Israa’iil oo weeraro duqaymo ah ka gaystay Iiraan

February 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Israa’iil ayaa sheegtay inay gantaal ku weerartay Iiraan, halka sarkaal Mareykan ah uu u sheegay Al Jazeera in Mareykanku...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal amni xaqiijin ah ka fuliyay qaybo kamid ah bariga Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal amni xaqiijin ah ka fuliyay qaybo kamid ah bariga Hiiraan

February 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO(HIIRAAN):-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhacay bariga gobolka Hiiraan, kaas oo qayb ka...

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo kulan Afurin ah ku qabatay xarunta Safaaradda ee magaalada Nairobi

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo kulan Afurin ah ku qabatay xarunta Safaaradda ee magaalada Nairobi

February 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO(NAIROBI):-Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Nairobi ayaa martigelisay  Cashadii Sannadlaha ahayd ee Afurka, taas oo xalay lagu qabtay Xarunta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In