Thursday, November 27, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Muqdisho uga qeyb galay shir ku saabsan Iskaashiga Baarlamaanka FS iyo kuwa Dowlad Goboleedyada

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Muqdisho uga qeyb galay shir ku saabsan Iskaashiga Baarlamaanka FS iyo kuwa Dowlad Goboleedyada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Golaha Shacabka ee BJFS oo ka dooday heshiiska aas-aasida ciidanka heeganka Bariga Afrika.

Golaha Shacabka ee BJFS oo ka dooday heshiiska aas-aasida ciidanka heeganka Bariga Afrika.

November 26, 2025
Wasiirka Caddaaladda oo soo xiray kulan lagu qiimeeyay horumarka Caddaaladda iyo Asluubta.

Wasiirka Caddaaladda oo soo xiray kulan lagu qiimeeyay horumarka Caddaaladda iyo Asluubta.

November 26, 2025

Ujeedada shirkan wada tashiga ah ayaa ah sameynta isu duwida iyo iskaashiga Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Baarlamaanada Dowlad Goboleedyada, waxaana shirkan oo uu shir guddoominayay kusimaha madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna guddoomiyaha Golaha Shacabka, sidoo kale ka qeyb galay gudoomiyaaasha Baarlamaanada dowlad goboleedyada ,xildhibaano ka tirsan golaha shacabka, xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo mashruuca horumarinta Qaramada Midoobay iyo madaxda Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay ee UNDP oo shirkan soo qaban qaabisay.

Shirkan oo qeyb ka ah mashruuca taakulaynta Baarlamaanada ee UNDP shalay oo uu furmay waxaa looga hadlay arimaha istaraatiijiyada oo ah labada aqal ee dalka iyo sharci dejinta federaalka iyadoo maanta oo uu galay maalintii labaad ayaaa waxaa diirada lagu saaray arimo ay ka mid yihiin isku duwida sharciyada ,aas-aaska madasha afhayeenada qaranka ,sare u qaadida awooda xirfadeed iyo wadaagidda macluumaadka iyo arimo kale.

C/kariin Xaaji Cabdi ‘’Buux’’ oo ah xoghayaha guud ee golaha shacabka ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in shirka maanta uu ku saabsanaa in gudoomiyaasha baarlamaanada dowlad goboleedyada laga dhageysto qorshayaashooda ku saabsan horumarinta baarlamaanada dowlad goboleed kasta iyo qodobo kale oo ay ka qeyb galayaashu ka wada hadleen.

Arimaha istiraatiijiyada baarlamaanada dowlad goboleedyada ,taakuulaynta baarlamaanka soomaaliya iyo qodobo kale ayaa looga doodi doonaa shirkan oo lagu wado in isla maalinta beri ah lasoo gaba gabeeyo.

Previous Post

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare”Waxaan bilaabi doonaa Barnaamijyo Bulshada aan ugu ifineyno shuruucda dalka”

Next Post

FAALLO:- Gulufka Xoogga Dalka iyo ciribtirka haraadiga Al-shabaab

Next Post
FAALLO:- Gulufka Xoogga Dalka iyo ciribtirka haraadiga Al-shabaab

FAALLO:- Gulufka Xoogga Dalka iyo ciribtirka haraadiga Al-shabaab

Golaha Shacabka ee BJFS oo ka dooday heshiiska aas-aasida ciidanka heeganka Bariga Afrika.

Golaha Shacabka ee BJFS oo ka dooday heshiiska aas-aasida ciidanka heeganka Bariga Afrika.

November 26, 2025
0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga todobaad kulankiisa 15-aad, waxaana shir...

Wasiirka Caddaaladda oo soo xiray kulan lagu qiimeeyay horumarka Caddaaladda iyo Asluubta.

Wasiirka Caddaaladda oo soo xiray kulan lagu qiimeeyay horumarka Caddaaladda iyo Asluubta.

November 26, 2025
0

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah u soo...

Waxaa maalintii seddexaad galay shirweynahan Culimada Soomaaliyeed. 

Waxaa maalintii seddexaad galay shirweynahan Culimada Soomaaliyeed. 

November 26, 2025
0

Shirweynahan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS, ayaa maanta diiradda lagu saaray dood cilmiyeedyo kala...

Wasiirka Warfaafinta oo Qaahira uga qeyb-galaya Shirka 55-aad ee Wasiirrada Warfaafinta Carabta.

Wasiirka Warfaafinta oo Qaahira uga qeyb-galaya Shirka 55-aad ee Wasiirrada Warfaafinta Carabta.

November 26, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In