Thursday, January 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS”Waxaa dhaqan galay go’aankii Qoondada Khaadka”

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS”Waxaa dhaqan galay go’aankii Qoondada Khaadka”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hadalka ka soo baxay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dambeeyey markii maanta  mas’uuliyiinta Wasaaradda ay kormeer ku tageen Garoonka diyaarahadaha iyagoo u kuurgalaya, dhaqan galka go’aanadaasi.

Wasiirk ku xigeenka  Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Diiriye Khaliif oo ay wehliyaan Xoghayaha Joogtadaha Abuukar Maxmed Daahiye iyo Agaasimaha guud C/llaahi Xayir Ducaale ayaa la kulmay ganacsatada qaadka soo degsatay,si ay u hubiyaan dhaqangalka go’aanadaasi,oo ujeedkiisu ahaa xalka gaarisata murano iyo isbar bar yaac ka taagnaa arrimahaasi sida ay mas’uuliyiintu ay sheegeen.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026

Mudane Maxamed Diiriye Khaliif Wasiirk ku xigeenka  Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa warbaahinta Qaranka uga warrmaya go’aankaasi dhaqan galkiisa.

“Waxaan maanta u imaanay halkani in aan u kuur galno Degreeto ay soo saartay Wasaaradda ayna ogyihiin Wasaaradaha Gaadiidka iyo Duulista Hawada,Maaliyadda, iyo ciidamada Booliska qeybta qaabilsan Canshuuraha,taasi oo ahayd in aan wax ka bedelnay qaabkii uu ku imaan jiray qaadka anagoo go’aansanaya in Muqdisho iyo Shabeelooyinka ay imaadaan 14 Tan maanta ayuuna dhaqangalay, way mahadsanyihiin ganacsatadii amarkaasi qaadatay”, Ayuu Yiri Wasiir kuxigeenka Ganacasiga iyo Warshadaha.

Wasiir kuxigeenka ayaa sidoo kale xusay in diyaaradii Khaadka gayn jirtay magaalada Jowhar la joojiyay islamarkaana Muqdisho uu ku soo degaayo,isagoo xusay in wadatashiyo lala yeeshey ganacsatada Khaadka la isku waafaqay in qoondo loo sameeyo.

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa ugu baaqay ganacsatada dhamaan in ay dhaqan geliyaan go’aanada ka soo baxay Wasaaradda,islamarkaana xusay in qofkii ka dhaga adeega sharciga lala tiigsanayo.

 

Previous Post

Wasaaradda Bartoolka iyo Macdanta ee dowladda Soomaaliya ayaa magaalada Nairobi tababar ugu soo xirtay Shaqaale ka tirsan Wasaaradda

Next Post

Guddoomiye Jawaari oo soo xirey Bandhigga Buugaagta Muqdisho.

Next Post
Guddoomiye Jawaari oo soo xirey Bandhigga Buugaagta Muqdisho.

Guddoomiye Jawaari oo soo xirey Bandhigga Buugaagta Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa Hoygiisa ku qaabilay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiir...

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026
0

Waxaa maanta kulankoodii ugu horreeyey yeeshay labadii guddi farsamo ee kala matalaya Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed....

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

January 28, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali, ayaa kulan la qaatay...

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

January 28, 2026
0

Muqdisho, Arbaco, 28 Jannaayo 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In