Monday, October 27, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxda Qaranka oo hadalo dar daaran ah u jeediyay kumanaan dadweyne ah oo isugu soo baxay Caasimadda “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Madaxda Qaranka oo hadalo dar daaran ah u jeediyay kumanaan dadweyne ah oo isugu soo baxay Caasimadda “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Guddoomiyaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka qeybgalay bannaan bax ballaaran oo looga soo horjeeday dhibaatooyinka ay shacabka ku hayaan maleeshiyada Al-Shabaab iyo qarixii Soobe, kaasi oo ka dhacay Garoonka kubadda Cagta ee Kooonis ee magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiinta ayaa khudbad u jeediyay shacabkii ka qeybgalay dibad baxa, iyagoo ku booriyay in ay muujiyaan isku duubni si loo wajoho ka hortaga khataraha uu cadowgu u soo maleego Ummadda Soomaaliyeed.

Related posts

Bulshada degmada Cadale oo saaka u dareeray goobaha codbixinta doorashooyinka Qof iyo Cod

Bulshada degmada Cadale oo saaka u dareeray goobaha codbixinta doorashooyinka Qof iyo Cod

October 26, 2025
Tababar Ku Saabsan Ka Hortagga Wararka Been Abuurka Ah Oo Suxufiyiin Soomaaliyeed Looga Furay Muqdisho

Tababar Ku Saabsan Ka Hortagga Wararka Been Abuurka Ah Oo Suxufiyiin Soomaaliyeed Looga Furay Muqdisho

October 26, 2025

Ra’iisul Wasaraah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in lagu soo duuley jiritaanka Ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna ka codsaday shacabka in waxkasta meel la iska dhigo, loona soo jeesto xoreynta Dalka.

“Waxaan codsanayaa inaan kuligeen wada istaagno oo aan u duceyno dadkii naga geeriyooday in ilaahay uu u naxariisto, Eehaladii iyo Ummadda Soomaaliyeed waxaan leenahay Ilaah samir iyo imaan ha idinka siiyo, sidii aan u duceysan aan u wada inkaarno, ilaahay baan u baryaynaa ma aflaxaan’ ayuu yiri Mudane Kheyre.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa uga mahadceliyay dadkii ka qeyb qaatay u gurmashada dadkii ay waxyeelada ka soo gaartay, isagoo xusay inay jiraan dhallinyaro ilaa iyo maalintii falku dhacay u taagan inay u adeegaan bulsahda, waxaana uu ugu dambeyn u mahadceliyay dowladihii u soo gurmaday shacabka.

“Waxaan rajeynayaa in14-kii bishan ay noqoto maalin ay Soomaaliya dib u dhalatay, waxaan sidaas ula jeedaa in ay noo taalo hal shaqo oo ah inaan dalkeena xoreyno, si aan dalkeena u xoreyno waa inaan qabyaaladda dhinac iska dhignaa, waa inaan nin jecleysiga dhinac iska dhignaa, waa in qof naga mid ah uusan qarinin Shabaab, qof Shabaab ah qofkii gabaad siiya waa dambiile” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa daboolka ka qaaday in Xukuumadda ay sameyn doonto qorshe lagula dagaalamayo argagixisada Al-Shabaab, iyadoo la kaashaneyso shacabka Soomaaliyeed.

Intaasi kadib ayaa waxaa halkaasi khudbad dheer oo khiiro gelisay shacabka Soomaaliyeed ka jeediyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxmed Cabdullaahi Farmaajo,oo siweyn uga hadlay khataraha bulshada ay ku hayaan maleeshiyada Shabaab shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku dheeraaday kahadalka ahmiyadda ay leedahay in cadowga SHabaab laga difaaco dalka iyo dadka Soomaaliyeed,wuxuuna xusay in la sameynayo ciidamo loogu magac daray ciidamada difaaca Shacabka.

“Waxaan leeyahay carruurtii, Aabayaashii iyo hooyooyinkii ku dhintay qarixii 14kii bishan dhacay illaahay ha u naxriisto,gacan ka xaqdaran ayaa dishey,aan u duceyno in illhaahay naxriistiisa uu siiyo,intii dhaawacantayna uu bogsiiyo,dadkaasi waxay ahaayeen mujaahidiin,waa ay shahiideen,dalka dhibaatada in muddo ah kajirta waxaa sabab u ah inaga oo caasinay illaahay aan u towbad keeno oo aan cafisweydiisano inagana aan iscafino si aan u helno naxriista Alle”, Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa u mahad celiyay dowladihii ka qeyb qaatay u gurmashada dadka Soomaaliyeed ee dhibaatadu gaartay,wuxuuna xusay in mar un loo abaal gudi doono,wuxuu sidoo kale ku ammaanay ciidamada Qaranka sida ay ugu istaageen howlaha gurmadka ah tan iyo malintii qaraxa uu dhacay,wuxuuna ku tilmaamay geesiyaad adag.

“14kii bishan waxay noqonaysa Taariikh madow oo Soomaaliya ay xusuusan doonto 100 sano ee soo socota,balse uu yiri waxay ku xiran tahay sida ay uga jawaabaan dhalinyarada Soomaaliyeed,waxaa la sameynayaa ciidamada difaaca shacabka waxaa lagu bilaabayaa 14 milyen oo dowladdu bixinayso,waxaana kow ka ah shaqaalaha Dowladda,ha la is qoro dalka hala difaaco”,ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay ciidamada Amisom dowrka ay ka qaadanayaan difaaca dalka,balse wuxuu xusay in looga baahanyahay shacabka Soomaaliyeed in iyaga ay is difaacaan hubkuna ay qaataan si ay uga hortagaan dhagaraha cadowga.

 

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Khayre oo ka tacsiyeeyey geeridii Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin

Next Post

DAAWA SAWIRRADA: Banaan bax ka dhan ah Al-Shabaab oo ka dhacay Buuhoodle

Next Post
DAAWA SAWIRRADA: Banaan bax ka dhan ah Al-Shabaab oo ka dhacay Buuhoodle

DAAWA SAWIRRADA: Banaan bax ka dhan ah Al-Shabaab oo ka dhacay Buuhoodle

Bulshada degmada Cadale oo saaka u dareeray goobaha codbixinta doorashooyinka Qof iyo Cod

Bulshada degmada Cadale oo saaka u dareeray goobaha codbixinta doorashooyinka Qof iyo Cod

October 26, 2025
0

RADIO MUQDISHO(CADALE):-Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta degmada Cadale ee Gobolka Shabeellada Dhexe ka daahfuray ololaha...

Tababar Ku Saabsan Ka Hortagga Wararka Been Abuurka Ah Oo Suxufiyiin Soomaaliyeed Looga Furay Muqdisho

Tababar Ku Saabsan Ka Hortagga Wararka Been Abuurka Ah Oo Suxufiyiin Soomaaliyeed Looga Furay Muqdisho

October 26, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ku simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, ahna Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Cabdinaasir Xuseen Xasan, ayaa tababar...

Wasiirka Dekadaha XFS oo kulamo lagu dardargelinayo arrimaha doorashooyinka ka bilaabay Bakool

Wasiirka Dekadaha XFS oo kulamo lagu dardargelinayo arrimaha doorashooyinka ka bilaabay Bakool

October 26, 2025
0

R ADIO MUQDISHO:-Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee XFS, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa kulamo wadatashi iyo wacyigelin ah ka...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya

October 25, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa la kulmay Danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In