Thursday, May 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qoyska Hooyo Xakiimo Cismaan oo wiilkooda ku waayay qaraxii 14-kii bishan (Xanuunkii uu reebay Qaraxa)

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Qoyska Hooyo Xakiimo Cismaan oo wiilkooda ku waayay qaraxii 14-kii bishan (Xanuunkii uu reebay Qaraxa)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Qoyska Hooyo Xakiimo Cismaan Jimcaale waxaa Qaraxii Isgoyska 14-ka Oktoobar Ex-Zoobe uga dhintay Wiilkeeda Cali Daahir Kulane, Cali wuxuu Yaanyo ku gadi jiray xaafadda Seeybiyaano ee Degmada Hodan, waxaana uu subax kasta kasoo kalihi jiray Degmada Kaxda oo ay reerkiisa deganyihiin.

Allaha u naxariistee Marxuun Cali Daahir waxaa markii uu qaraxa dhacayay uu ka soo tagay miiskiisa Yaanyada, waxaana uu u soo socday Suuqa Bakaaraha oo uu adeeg ka soo gadan rabay, waxaana marka uu marayo Isgoyska Qaraxa uu ka dhacay uu la kulmay qaraxii halkaas ayuuna ku geeriyooday.

Related posts

Wasiirka Qoyska oo Geneva kulan kula qaadatay Danjiraha Xuquuqul Insaanka Dowladda Ingiriiska

Wasiirka Qoyska oo Geneva kulan kula qaadatay Danjiraha Xuquuqul Insaanka Dowladda Ingiriiska

May 7, 2026
Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo kulan la qaatatay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah QM

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo kulan la qaatatay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah QM

May 7, 2026

Sida Sawirka Hoose idiinkaga Muuqata Cali waxaa uu Masruufi jiray oo u shaqeyn jiray Aabihiis Daahir Kulane oo ah ruuxa sariirta saaran, ahna ruux xanuunsan iyo Hooyadiis oo heesa dhowr carruur ah oo walaalihiis ka dhinteyn, sida Hooyo Xakiima ay ii sheegtay.

Hooyo Xakiimo waxaa sidoo kale ay ku warantay in Cali uu lahaa Xaas una dhashay saddex carruur ah iyo mid ay hadda uurka ku siddo, ayagana uu asaga masruufi jiray.

Allaha Unaxriistee Geerida Cali cidna ogama danbeyn guriga Hooyo Xakiimo, ilaa hadana wax dab ah lagama shidin ileyn isagaa u shaqeyn jiray, mana jirto cid kaalmeesay ilaa iyo iminka.

Guriga Hooyo Xakiimo waxaa hada jooga Aabe Daahir Kulane oo ah qof Xanuunsan oo sariir saaran, wax aan caano aheyna aanan quudan, carruur uu ka dhintay Cali walaakiis, Wiilka yar ee dhabta u saaran Hooyo Xakiimo oo ay dhashay gabar dhashay oo ku xanuunsan Sacuudiga, Xaaska iyo Carruurta uu Cali ka dhintay oo marka la isku daro noqonaya 15ruux, Guriga eedaganyihina waa labo Aqal oo buushash ah waxaana udhisay dadka xaafadda oo lacag u aruuriyay hadda kahor.

Sidoo kale Waxaa Magaalada ku nool wiilkale oo Hooyo Xakiimo ay dhashay oo qaba Cudurka qalalka kaas oo dad ehel ah la nool balse Xaafadda aan ku nooleyn.

Fadlan Caawi Reerkan Dhibaateysan oo ku nool Degmada Kaxda ee Magaalada Muqdisho kalana Xariir Hooyo Xakiimo Cismaan Jimcaacle oo laga helo taleefankan 00252-615215392.

W/Q: Cabdifataax Arizona

Previous Post

Guddoomiye cusub oo loo magacaabay degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe

Next Post

Ciidanka Xoogga Dalka oo Shabaab ka saarey deegaano ka tirsan Shabeelada Hoose

Next Post
Ciidamada Kenya iyo Maleeshiyaadka Shabaab oo ku dagaalamay deegaanka Kulbiyow

Ciidanka Xoogga Dalka oo Shabaab ka saarey deegaano ka tirsan Shabeelada Hoose

Wasiirka Qoyska oo Geneva kulan kula qaadatay Danjiraha Xuquuqul Insaanka Dowladda Ingiriiska

Wasiirka Qoyska oo Geneva kulan kula qaadatay Danjiraha Xuquuqul Insaanka Dowladda Ingiriiska

May 7, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland kulan mira...

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo kulan la qaatatay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah QM

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo kulan la qaatatay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah QM

May 7, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, Dr. Maryam Qaasim, ayaa maanta kulan la yeelatay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee...

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Xoojinaysa Iskaashiga Adeegyada Baasaboorrada iyo Socdaalka

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Xoojinaysa Iskaashiga Adeegyada Baasaboorrada iyo Socdaalka

May 7, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta xarunta Wasaaradda...

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐫𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐤𝐚 𝐣𝐚𝐫𝐞𝐲 𝐚𝐝𝐞𝐞𝐠 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐤𝐨𝐫𝐝𝐡𝐢𝐲a𝐲 𝐈𝐬𝐛𝐢𝐭𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐫𝐭𝐢𝐢𝐧𝐢

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐫𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐤𝐚 𝐣𝐚𝐫𝐞𝐲 𝐚𝐝𝐞𝐞𝐠 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐤𝐨𝐫𝐝𝐡𝐢𝐲a𝐲 𝐈𝐬𝐛𝐢𝐭𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐫𝐭𝐢𝐢𝐧𝐢

May 7, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa xarigga ka jaray qeybo si heersare...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In