Madaxweynaha dawlad Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 25 October 2017 qado sharaf u sameeyey guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo mas’uuliyiinta kale ee Guddoonka wehelinayseyba.
Munaasibadda qado sharafta oo ka dhacday Hido Raac Garoowe ayaa waxaa Madaxweynaha Puntland ku wehelinayey Guddomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi iyo ku-xigeenadiisa, mas’uuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland, Qunsulka dalka Ethiopia u fadhiya dawladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.
Madaxweynaha dawlad Goboleedka Puntland oo ka hadlay munaasibaddaasi ayaa sheegay in Puntland sharaf iyo wanaag u tahay soo dhoweynta iyo qado sharafta ay u sameeyeen guddoonka Baarlamaanka DFS iyo mas’uuliyinta wehelinayseyba, waxaana uu tilmaamay in dadka Soomaaliyeed yihiin dad walaalo ah oo is jecel oo leh dhaqan marti-soor iyo mid diinba.
“Sharaf weyn bay noo tahay aniga iyo dawladdayaduba inaad noo timaadaan, inaan meeshan maanta ku wada qadaynona runtii waxay ii tahay sharaf iyo wanaag badan, waxaan aamin sanahay dadka Soomaaliyeed waa dad mid ah walaalo ah oo is jecel, waxaanu leenahay dhaqan wanaagsan, waxaanu leenahay Diin wanagsan” ayuu yiri Dr Cabdiweli.
“Waxaan dhegeystey maalin gabadh caddaan ah oo af English ku heesta, waxaa la waydiiyey Soomaalida dhaqanka ugu wanaagsan oo aad ka baratay maxay tahay? waxay tiri dhaqanka ugu wanaagsan ee aan Soomaali ka bartay waa deeqsinimo hal sano ayaad ku dhex noolaanaysaa adigoon lacag la’aan ah oo aan waxba haysanin, waxaa iyana lawaydiiyey dhaqanka ugu xun oo aad ka baratayna maxay tahay? waxay tiri waa xanta oo aanay kaa qarsanayn” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.
Sidoo kale Dr Cabdweli ayaa sheegay in Baarlamaanka Golaha Shacabka ee DFS uu metelo shacabka Soomaaliyeed, kan Aqalka Sarena uu metelo dawladdaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaloa, waxaana u sheegay in loo baahan yahay si dawladdnimadu u gaamurto in la qaado dariiqii saxda ah ee lagu heli lahaa Soomaali mida, Soomaali Qurux badan, taasna waxaa aasaas u ah wada shaqayn joogta ah.
Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland Dr. cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa cadeeyey in Puntland diyaar u tahay wada shaqayn dhaba oo ay la yeelato Dowladda Federaalka ah Soomaaliya, isla markaana ay markasta la jeceshahay dawladdeeda Fadaraalka Soomaaliya wax kasta oo wanaag ah.
Guddoomiyaha Baarlamaanka DFS Mudane. Maxamed Cismaan Jawaari ayaa dhankiisa tilmaamay in wax lagu faano ay tahay horumarka Puntland ka gaartay Nidaamka Federaaliisamka, waxaana uu ka mahadnaqay soo dhoweynta shacabka reer Puntland iyo dawladdooduba ula-heelanaayeen tan iyo maalintay yimaadeen isaga iyo weftiga uu hogaaminayey.
“Maanta waxaan aan aad ugu farxay oo aan rabo inaan ku dhiiri geliyo dawlad goboleedyada kalena, kalfadhi la furayo Madaxweynihii dawladdu joogo oo uu ka hadlaayo wixii hawl ahaa ee u qabsoomay uu ku wargelinayo golihiisii Wakiillada waa arrin i dhiiri gelisey oo aadna an ugu bogey oo fadaraaliisamku inuu hore u soconayo mustaqbalna leeyahay aan ogaadey waana u hambalyay nayaa Puntland talaabada wanaagsan ee ay qaadayso Mudane Cabdiweli Gaas adiga waxaan kaarabaa inaad u sheegto Madaxweyneyaasha kale ee dalka sidaa aad u shaqaynayso anaguna waxaan u sheegi doonaa goloyaasha shacbiga iyo dhawladda dhexeba” ayuu yiri Guddoomiye Jawaari
Ugu danbayn, Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kula dardaarmay Baarlamaanka Puntland, Baarlamaanka DFS iyo Xildhibaanada Aqalka Sare DFS inay yeeshaan wada shaqayn dhaw oo lagu horumarinaayo dastuurka DFS.