ย Waxaa Magaalada Khartoum ee Caasimadda Dalka Suudaan gaaray 115 arday oo deeq waxbarasho ka heshayย Suudaan Ardaydan Cusub ayaa waxaana garoonka Diyaaradaha ee magaalada khartuum kusoo dhaweeyay Jaaliyadda, Safaaradda, iyoย ย Ururka ardayda Qaranka Soomaaliyeed.
Agaasimaha Wasaarada Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare ee Soomaaliyaย ย Mudane Ismaaciil Yuusuf Cismaan oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaaย sheegay in ardayda Soo gaartay Suudaan tiradoodu tahay 115 arday,Waxaana uu intaa kudaray Agaasimaha dufcadani inay tahay tii 9aad ee ay wasaaradda waxbarashad Soomaaliya keento Dalka Suudaan laga soo bilaabo 2009 ilaa haatan.
Dhanka kale Gudoomiyahaย Ururka ardayda Qaranka Soomaaliyeedย Maxamed Cabdi Qani Nuurย ย Cusmaan oo Warbaahinta Qaranka la hadlay ayaa aad u soo dhaweyay ardayda cusub asigoona kula dardaarmay ardayda inay ilaaliyaan sharciga u yaala Dalkane Suudaan.
Gabagabadii qaar kamid ah Ardayda deeqda waxbarasho ka heshay Suudaan ayaa aad ugu mahadnaqay sida quruxda badan ay u soo dhaweeyan Ardayda reer Suudaan iyo Madaxdii ka socotay Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Suudaan.
Yuusuf Maxamed Macalin (Yusuf Kashmiir)