Ardaydii Soomaaliyeed oo deeqda waxbarsho ay u dirtay Dowladda Soomaaliya ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Qaahira ee Caasimadda Dalka Masar,kuwaasi oo shalay ka amba baxay magaalada Muqdisho.
Safiir ku xigeenka Soomaaliya ee Masar Mudane Ilyees Sheekh Cumar oo lahadlay Wakaaladda SONNA ayaa sheegay in ardaydan ay la kulmeen soo dhaweyn wanaagsan,iyadoo ay kaalin mug leh ku lahayd Safaaradda Soomaaliya ee Masar.
Ilyees Sheekh Cumar ayaa uga mahadceliyay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo guud ahaan madaxtooyada Soomaaliya dowrkoodi ku aadan ahmiyadda la siiyay ardayda Soomaaliyeed in la dhiiro geliyo waxbarashadooda,wuxuuna xusay in waxweyn ay tahay in madaxweyne Farmaajo uu bixiyay qarashaadka diyaaradii qaaday ilaa 76dii Arday oo deeqda waxbarasho heley kadib heshiis ay horey u wada gaareen madaxda Dowladaha Soomaaliya iyo Masar Markii wafdigii uu hoggaaminayay madaxweyne Farmaajo uu Dalkaasi dhawaan tagay.
Dhanka kale ardaydaasi oo iyagoo ku sugan Qaahir lahadlay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa ka mahadceliyay sida madaxtooyada Jamhuuriyadda Soomaaliya ay isaga xilsaartay daryeelka iyo waxbarashada ardayda Soomaliyeed,iyagoo xusay in ay tahay talaabo mudan in lagu daysado.
Safiir ku xigeenka Soomaaliya Ilyees Sheekh Cumar oo la socday ardaydaasi Muqdisho ilaa Masar, ayaa dadaal u galay in uu ardaydaasi ku hubsado deegaanadii loogu talagalay oo uu ku simay waxaan uu sidoo kale ku ammaanay ardaydii horey u joogtay Dalka Masar oo u istaagay in ay soo dhaweeyaan walaalohooda martida u ah,iyagoo deegaano u diyaariyay.
Wadanka Masar ayaa kamid ah wadamada sida aadka ah u taageera Soomaaliya gaar ahaan dowrkiisa ku aadan deeqaha waxbarasho ee ardayda Soomaaliyeed ay u fidiyaan taasi oo wax badan ka bedeli karta horumarka bulshada.