Friday, July 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Xiriirka Soomaliyeed ee Shataranjiga oo daaha ka rogay tartanka shataranjiga Iskuulada “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Ciyaaraha, Wararka
0
Xiriirka Soomaliyeed ee Shataranjiga oo daaha ka rogay tartanka shataranjiga Iskuulada “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xiriirka Soomaliyeed ee Shataranjiga ayaa daaha ka rogay tartanka shataranjiga ee Iskuulada Gobolka Banaadir

Furitaanka tartankan  shataranjiga ee iskuulada gobolkan Banaadir ayaa waxaa kasoo qeyb galay Guddoomiyaha xiriirka Soomaliyeed ee shataranjiga Axmed Cabdi Xasan Wataac iyo mas’uuliyiin ka kala socday iskuulada tartanka ka qeyb galaya.

Related posts

Madaxda Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay bahda Caafimaadka

Madaxda Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay bahda Caafimaadka

July 23, 2026
Wafdi uu hogaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug oo gaaray Degmada Baxdo

Wafdi uu hogaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug oo gaaray Degmada Baxdo

July 23, 2026

Tartankan oo markii ugu horeysay la qabanayo ayaa waxaa ka qeyb galaya ardayda da’doodu ay ka yartahay 18-ka sano, waxaana tartamayaasha loo qeybiyey afar heer oo kala duwan oo kala ah ardayda da’doodu ay ka yartahay 12-ka sano, 14-ka sano, 16-ka sano iyo 18-ka sano.

Ugu horeyn waxaa furitaanka tartankan Shataranjiga ee ka hadlay Guddoomiyaha Guddiga Wabarashada iyo Garsoorka ee xiriirka Soomaliyeed ee Shataranjiga Cabdalla Cabdalla Cali kaas oo tartankan ku tilmaamay mid taariiqi ah oo loo baahnaa, waxuuna intaa kudaray in tartanka uu bilow u yahay tartamo ballaaran oo loo qaban doono iskuulada dalka .

Guddoomiyaha xiriirka Soomaliyeed ee Shataranjiga Axmed Cabdi Xasan Wataac oo isna ka hadlay furitaanka tartanka ayaa sheegay iney xiriirkiisu guul u tahay qabashada tartanka shataranjiga ee iskuulada Gobolkan Banaadir oo ay ka qeyb galayaan arday aad u da’yar.

“Ciyaartan  waxa ay ka qeyb qaadataa  kaabidda maskaxda  ubadka , hadafkeenuna  waa sidii aan u soo saari laheyn  ubad Soomaliyeed  oo maskax  horumarsan leh kaasoo   dalkiisa iyo  Isboortigiisa horumar gaarsiin kara.” Ayuu yiri Guddoomiye Wataac.

Guddoomiyaha ayaa  intaa kaidb ballan qaaday in ciyaaryahanki  natiijo wanaagsan ka keena tartanka uu fursad u helayo inuu Soomaaliya ku matalo ciyaaraha da’yarta Shatranjiga  Qaaradda iyo Adduunkaba.

Tartanka oo ka qeyb galayaan 30 Arday oo ka socta 10  iskuul   ayaa socon  doona mudoo laba maalmood ah, waxaana gabagabdiisa abaal marino qiimo badan la gudoonsiin doonaa ardayda soo tiigsata kaalmaha 1-aad 2-aad iyo 3-aad.

W/D: Xuseen Maxamed Hadafow

Email: [email protected]

Previous Post

Shaqaalaha Wasaaradda Haweenka ee Koonfur Galbeed oo loo furay siminaar

Next Post

DAAWO SAWIRRADA: Guddoomiyaha Aqalka Sare oo si diiran loogu soo dhaweeyay garoonka Muqdisho

Next Post
DAAWO SAWIRRADA: Guddoomiyaha Aqalka Sare oo si diiran loogu soo dhaweeyay garoonka Muqdisho

DAAWO SAWIRRADA: Guddoomiyaha Aqalka Sare oo si diiran loogu soo dhaweeyay garoonka Muqdisho

Madaxda Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay bahda Caafimaadka

Madaxda Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay bahda Caafimaadka

July 23, 2026
0

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa maanta kulan la yeelatay bahda caafimaadka dalka oo isugu jira Hay’addaha caafimaadka dowladda...

Wafdi uu hogaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug oo gaaray Degmada Baxdo

Wafdi uu hogaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug oo gaaray Degmada Baxdo

July 23, 2026
0

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan, ayaa maanta gaaray Degmada Baxdo ee Gobolka Galgaduud....

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Dhaqanka iyo Farshaxanka

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Dhaqanka iyo Farshaxanka

July 23, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Dhaqanka iyo Farshaxanka, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo...

Wasiirka Amniga XFS oo daah-furay Barnaamijka Iskaashiga Dhismaha iyo Xoojinta Amniga Xuduudaha

Wasiirka Amniga XFS oo daah-furay Barnaamijka Iskaashiga Dhismaha iyo Xoojinta Amniga Xuduudaha

July 23, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In