Saturday, November 22, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka 37aad ee Midowga Idaacahada Dowladaha Carabta oo la soo gabo gabeeyay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Shirka 37aad ee Midowga Idaacahada Dowladaha Carabta oo la soo gabo gabeeyay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirka 37aad ee Midowga Idaacadaha dowladaha Carabta ayaa maanta lagu soo gabo gabeeyay magaalada Tunis ee caasimadda Dalka Tunisia, kaasi oo looga hadlayay horumarinta Warbaahinta Carabta iyo sidii loo tayeyn lahaa.

Kulanka oo mid sanadkiiba mar la qabto isla markaana socday 11-ka ilaa iyo 13-ka oo ah muddo saddex cisho ayaa waxaa lagu casuumay oo ka qeyb galay Agaasimeyaasha Idaacadaha iyo Telefishinada dowladaha Carabta, quburo, Wakiilo ka socday ururada iyo xubno matalayay Hay’adaha Warbaahinta Yurub oo shirka lagu casuumay.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo magacaabay lataliyaha Sare ee Siyaasadda.

Madaxweynaha JFS oo magacaabay lataliyaha Sare ee Siyaasadda.

November 20, 2025
Shirka Golaha Wasiirrada oo diiradda lagu saaray Abaarta Dalka

Shirka Golaha Wasiirrada oo diiradda lagu saaray Abaarta Dalka

November 20, 2025

Gabo gebada shirka waxaa laga soo saray Warmurtiyeed, kaasi oo lagu cadeeyay taageero ay siinayaan Madaxdii shirka ka qeyb gashay Warbaahinta Soomaaliya, gaar ahaan qalab iyo tababarid shaqaale, si sare loogu qaado aqoonta iyo xirfadda suxufiyiinta Soomaaliyeed.

Shirka waxaa dhanka Soomaaliya uga qeyb galay Wafdi uu hogaaminayo Agaasimaha Radio Muqdisho Mudane Cabdifataax Daahir Jeyte, oo ay ka midyihiin Eng, Fu’aad Muxudiin Khaliif, Fiidow Maxamuud Fiidow, kuwaasi oo markii uu shirka soo idlaaday kaddib kulamo gaar gaar ah la qaatay qaar ka mid ah Agaasimeyaashii shirka ka qeyb galay.

Previous Post

Golaha Shacabka oo ansixiyay Misaaniyadda Dowlada 2018

Next Post

Shirweynaha Qaran ee Xeer-Ilaaliyeyaasha Soomaaliyeed oo la soo gabo gabeeyay “SAWIRRO”

Next Post
Shirweynaha Qaran ee Xeer-Ilaaliyeyaasha Soomaaliyeed oo la soo gabo gabeeyay “SAWIRRO”

Shirweynaha Qaran ee Xeer-Ilaaliyeyaasha Soomaaliyeed oo la soo gabo gabeeyay "SAWIRRO"

Madaxweynaha JFS oo magacaabay lataliyaha Sare ee Siyaasadda.

Madaxweynaha JFS oo magacaabay lataliyaha Sare ee Siyaasadda.

November 20, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa u magacaabay Dr. Yaxya Ibraahim Macalin La-taliyaha Sare ee Siyaasadda...

Shirka Golaha Wasiirrada oo diiradda lagu saaray Abaarta Dalka

Shirka Golaha Wasiirrada oo diiradda lagu saaray Abaarta Dalka

November 20, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta ka qeyb galay shirka Khamiislaha ee Golaha Wasiirrada, kaas...

Wasaaradda Haweenka oo Xustay 10 sano guurradii heshiiska Xuquuqda Carruurta ee QM.

Wasaaradda Haweenka oo Xustay 10 sano guurradii heshiiska Xuquuqda Carruurta ee QM.

November 20, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka qayb galay munaasabad lagu xusayo sanad...

Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay heshiisyo caalami ah.

Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay heshiisyo caalami ah.

November 20, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, kaas oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre....

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In