Thursday, September 11, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Xulalka Koonfur Galbeed iyo Puntland oo u soo gudbay wareegga xiga ee tartanka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
December 15, 2017
in Ciyaaraha, Wararka
0
Cayaartoyda Xulka G/Benaadir oo guul ka gaaray dhigooda Jubbaland “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xulalka kubbada cagta Koofur Galbeed iyo Puntland ayaa galabta cayaar kulul ku dhexmartay garoonka kubadda Cagta ee Benaadir Stadium, iyadoo cayaarta ay lahayd xiiso gaar ah maadaama la wada sugayay cidda ka soo gudbeysa wareegga koowaad ee tartanka.

Xulka Koofur Galbeed ayaa qeybtii hore ee cayaarta ku hormaray hal gool taasi oo ka dhigneyd in qeybtii hore lagu kala nastay 1-0 oo ay ku hogaaminayeen cayaartooyda Xulka Koonfur Galbeed, balse qeybtii dambe ee cayaarta ayaa Xulka kubada Cagta ee Puntland waxa ay la yimaadeen goolkii bar baraha ahaa, taasi oo cayaarta ka dhigtay 1-1.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Suldaan Mustafa Awseed

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Suldaan Mustafa Awseed

September 10, 2025
Ku-simaha Madaxweynaha JFS oo Qaabilay Safiirka  Qatar ee Soomaaliya

Ku-simaha Madaxweynaha JFS oo Qaabilay Safiirka Qatar ee Soomaaliya

September 10, 2025

Waqtigii loogu talagalay cayaarta waxa ay ku soo idlaatay bar baro 1-1, waxayna labada xul ay xaqiijiyeen inay u soo gudbeen wareega labaad ee tartanka dowlad goboleedyada, waxaana tartanka isaga haray xulka Hirshabelle oo noqday xulkii ugu horeeyay ee tartanka ka hara kadib markii labadii kulan ee ay hore u ciyaareen ay ka urursadeen hal dhibic oo qura.

Xulka Puntland ayaa waxaa kulanka wareegga afar dhamaadka ah ay isku soo beegmeen xulka gobolka Banaadir oo hogaaminaya, halka xulka Koofurgalbeed uu la ciyaari doono xulkii soo badiya Galmudug iyo Jubaland kulanka ay yeelan doonaan maalita beri ah.

Taranka ciyaaraha dowlad goboleedyada oo ay maamuleyso Wasaarada Dhallinyarada iyo Isboortiga ayaa si xiiso leh ugaga socda garoonka Koonis Stadium degmada C/casiis ee Gobolka Benaadir.

Previous Post

Taliska Ciidanka Asluubta oo dib u dhis ku sameynaya xarumihii Taliska

Next Post

Wafdiga uu hogaaminayo Guddoomiyaha Gobolka Sh/Dhexe oo kormeeray tuulooyin hoostaga Balcad

Next Post
Wafdiga uu hogaaminayo Guddoomiyaha Gobolka Sh/Dhexe oo kormeeray tuulooyin hoostaga Balcad

Wafdiga uu hogaaminayo Guddoomiyaha Gobolka Sh/Dhexe oo kormeeray tuulooyin hoostaga Balcad

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Suldaan Mustafa Awseed

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Suldaan Mustafa Awseed

September 10, 2025
0

Guddoomiyaha Hey'adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Suldaan Mustafa Awseed, oo ka mid...

Ku-simaha Madaxweynaha JFS oo Qaabilay Safiirka  Qatar ee Soomaaliya

Ku-simaha Madaxweynaha JFS oo Qaabilay Safiirka Qatar ee Soomaaliya

September 10, 2025
0

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta...

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan miro-dhal ah la yeeshay madax ka tirsan Dowladda Ingiriiska

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan miro-dhal ah la yeeshay madax ka tirsan Dowladda Ingiriiska

September 10, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xalay magaalada Muqdisho kulan casho-sharaf ah kula yeeshay Agaasimaha...

Madaxweynaha JFS oo kulan mira dhal ah la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya

Madaxweynaha JFS oo kulan mira dhal ah la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya

September 10, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada-hadallo miro dhal ah kula yeeshay magaalada Addis-ababa Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In