Thursday, June 5, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

WARMURTIYEED laga soo saaray shirkii Golaha Afhayeenada oo lagu soo gaba gabeeyay Baydhabo

admin by admin
December 30, 2017
in Wararka
0
WARMURTIYEED laga soo saaray shirkii Golaha Afhayeenada oo lagu soo gaba gabeeyay Baydhabo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay Ururrada Bulshada Rayidka ah

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay Ururrada Bulshada Rayidka ah

June 3, 2025
Soomaaliya oo ka qeybgalaysa Shirweynaha Shaqaalaha Caalamiga ah ee ILO

Soomaaliya oo ka qeybgalaysa Shirweynaha Shaqaalaha Caalamiga ah ee ILO

June 3, 2025

WARMURTIYEED

Golaha Afhayeenada Golayaasha Xeer-dejinta Soomaaliya

26-29 Diseembar 2017

Baydhabo

Golaha Afhayeenada Golayaasha Xeer-dejinta ayaa kulankoodii 4aad ku yeeshay Magaalada Baydhabo ee Xarunta ku-meelgaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Koonfur-Galbeed 26kii ilaa 29ka Diseembar 2017 waxaana ka soo qaybgalay:

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya:

  1. Guddoomiyaha Golaha Shacabka, MudaneMaxamed Sheekh Cusmaan Jawaari
  2. Guddoomiye ku-xiggeenka 2aad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalle Cawad

Golaha Wakiilada Dowlad-Goboleedka Puntland:

  1. Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlad – Goboleedka Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi
  2. Guddoomiye ku-xiggeenka 1aad Golaha Wakiilada Dowlad – Goboleedka Puntland Mudane Cabdixamiid Sheekh Cabdisalaan Ciise

Golaha Wakiilada Dowlad-Goboleedka Jubaland:

  1. Guddoomiye ku-Xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada Dawladgoboleedka Jubaland Mudane Adan Khaliif Xaaji Yuusuf

 

Golaha Wakiilada Dowlad-Goboleedka Galmudug:

  1. Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlad – Goboleedka Galmudug Mudane Cali Gacal Casyre
  2. Guddoomiye ku – Xigeenka 2aad ee Golaha Wakiilada Dowlad – Goboleedka Galmudug Mudane Maxamed Axmed Maalin

 

Golaha Wakiilada Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed:

  1. Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlad – Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdiqaadir Sharif Sheekhuna Maye
  2. Guddoomiye ku- Xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada Dowlad – Goboleedka Koonfur GalbeedMudane Maxamed Nuur Maxamed Macalin
  3. Guddoomiye ku – Xigeenka 2aad ee Golaha Wakiilada Dowlad – Goboleedka Koonfur GalbeedMudane Aweys Xuseen Macalin

Golaha Wakiilada Dowlad – Goboleedka Hirshabeele:

  1. Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlad – Goboleedka Hirshabeele Mudane Sheikh Cusman Bare Maxamed

 

  1. Ujeedada kulanka 4aad wuxuu ahaa sii xoojinta iskaashiga, khibrad iswaydaarsiga, qorsheynta barnaamijyada tayo-kordhinta hay’adaha xeer-dejinta, qiimeynta mashruuca taakuleynta hay’adahaxeer-dejinta (Parliament Support Project) oo kulmiya dhamaan Golayaasha Xeer-dejinta dalka, u kuurgalidda baahiyaha Golayaasha iyo qorsheynta xal u helidooda, iyo dib-u-eegista heshiiska isafgaradka ee Golayaasha Xeer-dejinta.
  2. Afhayeenadu waxay mahadnaq iyo boogaadin u jeediyeen Golaha Xeer-dejinta ee Dowlad – Goboleedka Koonfur-Galbeed soo dhoweynta diirran iyo martigalinta qiimaha badan muddada uu kulanku ka socday Xarunta KMG ah Koonfurgalbeed  ee Baydhabo. Ka qeybgalayaasha kulanka 4aad ee Afhayeenada waxay fursad u heleen kormeeridda xarumaha hay’adaha Dowlad – Goboleedka Koonfur-Galbeed, waxaana farxad weyn noo ah horumarka muuqda ee muddada kooban ugu hirgalay Dowlad – Goboleedka iyo shacabka Koonfur-Galbeed.
  3. Kulankan 4aad waxaa diiradda lagu saaray baahida guud iyo baahiyaha gaar ahaaneed ee Golayaasha Xeer-dejinta, waxaana lagu diyaariyey nuqul-qoraal soo koobaya baahidda Gole walba leeyahay iyada oo la isla gartay in si wadajir ah xal loogu raadiyo caqabadahaas, hortabinna la siinayo hadba sida loo kala baahi badan yahay, gaar ahaan Golayaasha dhowaan dhismay sida Hirshabelle iyo Galmudug.
  4. Waxaa kulanka lagu guddoonsaday in kulan wadajir ah lala yeesho hay’adaha deeq-bixiyeyaasha iyo hay’adaha sida tooska ah ula shaqeeya Golayaasha Xeer-dejinta horraanta sanadka 2018.
  5. Waxaa kulanka lagu guddoonsaday in dib-u-eegis iyo toosin lagu sameeyo mashruuca tayo-dhisidda Golayaasha (Parliament Support Project) si loo waafajiyo baahiyaha hortabinta u leh Golayaasha Xeer-dejinta.
  6. Waxaa lagu heshiiyey in lagu dhiirigaliyo, garabna lagu siiyo hay’adaha fulinta heer Federaal iyo Dowlad-Goboleed dardargalinta iyo dhamaystirka arrimaha ka dhiman federaaleynta dalka.
  7. Waxaa kulankan lagu guddoonsaday xoojinta xiriirka guddiyada Golayaasha ee isku shaqada ah, sare u qaadidda tababarada wadajirka ah ee xubnaha iyo shaqaalaha Golayaasha, aqoon-isweydaarsiga iyo xog-isweydaarsi ku dhisan in Gole walba garab ku siiyo Golaha uu ka hor dhismay ama ka khibrad iyo tayo roon yahay.
  8. Waxaa la isku afgartay in la dhiirigaliyo addeegsiga tiknoolojiyada casriga ah ee isgaarsiinta (Video Conferencing Technology) si xiriirka, aqoon-isweydaarsiga iyo xog-isweydaarsigu u noqdo joogto.
  9. Waxaa la isla qaatay in Gole walba wadatashi isugu noqdo si looga fiirsado adeegsiga kalmadda ‘SHARCI-DEJINTA’ iyada oo kulankan lagu soo Jeediyey inay ku habboon tahay lana dhiirigaliyo adeegsiga kalmadda ‘XEER-DEJINTA’.
  10. Si waafaqsan qodobka 6aad ee Heshiiska Isafgaradka Golaha Afhayeenada, kulanka 5aad wuxuu ka dhici doonaa Caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho Abriil 2018.
Previous Post

Fursad Shaqo

Next Post

Fursado shaqo oo ka banaan Wasaaradda Maaliyadda.

Next Post
Fursado shaqo oo ka banaan Wasaaradda Maaliyadda.

Fursado shaqo oo ka banaan Wasaaradda Maaliyadda.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay Ururrada Bulshada Rayidka ah

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay Ururrada Bulshada Rayidka ah

June 3, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku kulmay qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka...

Soomaaliya oo ka qeybgalaysa Shirweynaha Shaqaalaha Caalamiga ah ee ILO

Soomaaliya oo ka qeybgalaysa Shirweynaha Shaqaalaha Caalamiga ah ee ILO

June 3, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yusuf Mohamed, ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Ingiriiska

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Ingiriiska

June 3, 2025
0

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Safiirka Cusub ee Boqortooyada Ingiriiska u...

Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay shabakad khawaarij ah

Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay shabakad khawaarij ah

June 3, 2025
0

Cabdinaasir Maxamed Xasan, afgaradiisuna tahay Macallim Xaaji ayaa lagu eedeeyay in uu khawaarijta u sameyn jiray gaadiidka ay qaraxyada ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In