Thursday, December 11, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dawladda Federaalka Soomaaliya oo ku baaqday in la joojiyo colaadda deegaanka Tukaraq

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Madaxtooyada Soomaaliya oo been abuur ku tilmaantay warqad baraha bulshada la soo dhigay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

December 11, 2025
Taliyaha CXDS oo dhagax-dhigay Saldhigga degmada Howlwadaag.

Taliyaha CXDS oo dhagax-dhigay Saldhigga degmada Howlwadaag.

December 11, 2025

Muqdisho, 10 Jannaayo 2018 – Dawladda Federaalka Soomaaliya oo ka walaacsan collaadaha ka soo aloosmay deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, ayaa ku baaqaysa in dhinacyada ku dagaalamaya deegaanka Tukaraq ay si deg deg ah oo shuruud la’aan ah u joojiyaan dagaalka.

Qorshaha Dawladda Federaalka ayaa ah in si deg-deg ah ay u joojiso dagaallada iyo colaadaha, waxeyna baaq u diraysaa Somaliland iyo Puntland, mas’uuliyiinta deegaankaas, odayaasha dhaqanka, aqoonyahanada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada inay mas’uuliyad gaar ah iska saaraan joojinta dagaallada iyo colaadaha oo ay dawladda kala shaqeeyaan nabadeynta iyo isku soo dhaweynta dadka walaalaha ah.

Guud ahaan dalka intiisa badani waxuu ka soo kabanayaa colaadihii iyo amni-daradii ragaadisay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan degaanadan ay hadda mashaqadu ka dhacday waxey muddooyinkii dambe ahaayeen deegaanno nabad oo xasillooni ka jirto.

Dawladda Federaalka ayaa wadda dadaallo lagu xoojinayo dib-u-heshiisiin waarta oo dhammaan deegaannada la dhex dhigo, waana nasiib darro in xilligan ay dagaallo aan loo baahneyn dhacaan, tanoo fursad siineysaa dhammaan inta diidan nabadda iyo horumarka.

Dawladda Federaalka waxey ugu baaqeysaa dhammaan qeybaha ay khuseyso inaan wadajirkeenna iyo isku xirnaanteenna adkeeyno oo aan khilaafkeenna ku xallinnaa si nabad, wadahadal iyo dib-u-heshiisiin.

DHAMAAD

Previous Post

Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya oo ka qeyb galaya Shirka Wasiirada Qorsheynta ee Wadamada Carabta

Next Post

DAAWO SAWIRRADA: Wasiirka Cadaalada iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta oo Xariga ka jaray xarunta Taliska Ciidanka Asluubta

Next Post
DAAWO SAWIRRADA: Wasiirka Cadaalada iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta oo Xariga ka jaray xarunta Taliska Ciidanka Asluubta

DAAWO SAWIRRADA: Wasiirka Cadaalada iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta oo Xariga ka jaray xarunta Taliska Ciidanka Asluubta

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

December 11, 2025
0

Tripoli, 11 December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa ka qeybgaley...

Taliyaha CXDS oo dhagax-dhigay Saldhigga degmada Howlwadaag.

Taliyaha CXDS oo dhagax-dhigay Saldhigga degmada Howlwadaag.

December 11, 2025
0

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen. Sulub Axmed Firin ayaa maanta si rasmi ah dhagax dhigay dhismaha cusub ee saldhigga Booliiska...

Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Hirshabeelle oo Jowhar ku qabtay kulan dadweyne.

Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Hirshabeelle oo Jowhar ku qabtay kulan dadweyne.

December 11, 2025
0

Qaar ka mid ah Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Baarlamaanka Dowlad-goboleedka Hirshabeelle ayaa magaalada Jowhar ku qabtay kulan dadweyne oo looga...

Ciidanka XDS oo toogtay naftii hallige khawaarij ah.

Ciidanka XDS oo toogtay naftii hallige khawaarij ah.

December 11, 2025
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa afaafka hore ee xeradda Jeneraal Dhagabadan ee Magaalada Muqdisho ku toogtay naftii-hallige khawaarij ah oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In