Monday, July 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya oo ka qeyb galaya Shirka Wasiirada Qorsheynta ee Wadamada Carabta

admin by admin
9 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya oo ka qeyb galaya Shirka Wasiirada Qorsheynta ee Wadamada Carabta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Wasiirka  Qoyska XFS oo guddoomisay Shirka Guddiga Hagista Barnaamijka Haweenka

Wasiirka Qoyska XFS oo guddoomisay Shirka Guddiga Hagista Barnaamijka Haweenka

July 27, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Gaaray Dhuusamareeb

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Gaaray Dhuusamareeb

July 27, 2026

 Shirka Wasiirada Qorsheynta ee Wadamada Carabta ayaa maanta ka furmaya Dalka Kuwait, waxaana Soomaaliya uga qeyb galaya Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Somaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan.

Mudane Jamaal Maxamed Xasan iyo Wafdiga uu hoggaaminayo oo gaaray Dalka Kuwait, ayaa si weyn loo dhaweeyay, waxaana wasiirka uu ka mahad celiyay soo dhaweynta wanaagsan ee loo  sameeyay, isagoo sheegay in inta uu ku sugan yahay dalka kuwait uu kulamo la qaadan doona madaxda sare dalkaasi iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool halkaasi.

Dhinaca kale Wasiir Jamaal Maxamed Xasan, ayaa waxa uu  kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Dhaqaalaha ee (kuwait Fund). Mudane Abdul Wahab Albadir, waxaana wasiirka uu warbixin uu ka siiyey horumarka Soomaaliya ay sameeyneyso iyo dadaalada hadda socda, siddii ay uga qeyb qaadan lahayd dowladda Kuwait oo soomaaliya xariir wanaagsan kala dhaxeeyo.

Agaasimaha Sanduuqa Dhaqaalaha Dowladda Kuwait, Mudane Abdul Wahab Albadir, ayaa  waxuu boggaadiyay  Horumarka ka socda dalka soomaaliya,  waxuuna sheegay in Kuwait door wanaagsan ay ka qaadan doonta taageerada dowladda Somaaliya iyo shacabkeeda.

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo maanta ku wajahan Magaalada Qardho

Next Post

Dawladda Federaalka Soomaaliya oo ku baaqday in la joojiyo colaadda deegaanka Tukaraq

Next Post
Madaxtooyada Soomaaliya oo been abuur ku tilmaantay warqad baraha bulshada la soo dhigay

Dawladda Federaalka Soomaaliya oo ku baaqday in la joojiyo colaadda deegaanka Tukaraq

Wasiirka  Qoyska XFS oo guddoomisay Shirka Guddiga Hagista Barnaamijka Haweenka

Wasiirka Qoyska XFS oo guddoomisay Shirka Guddiga Hagista Barnaamijka Haweenka

July 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Danjire Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa guddoomisay kulankii ugu horreeyay...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Gaaray Dhuusamareeb

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Gaaray Dhuusamareeb

July 27, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Gen. Khaalid), ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee...

Agaasimaha Qorshaynta iyo NIS Foundation oo xoojinaya iskaashiga lagu taageerayo hirgelinta NTP 2025–2029

Agaasimaha Qorshaynta iyo NIS Foundation oo xoojinaya iskaashiga lagu taageerayo hirgelinta NTP 2025–2029

July 27, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Cabdifataax Cabdulqaadir Faarax (Abdifatah Hared), ayaa kulan la yeeshay wafdi...

Hoggaamiyaha KGS oo soo xiray Shirka Banbaxa Golaha Wasiirrada Koonfur Galbeed Soomaaliya

Masuuliyiin ka tirsan DFS oo ka qeyb galay munaasabad lagu xusay sannad-guurada 5-aad ee Ololaha Nadaafadda Xeebaha

July 27, 2026
0

Muqdisho — Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu qabtay magaalada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In