Tababarkaan oo ay Soo qaban qaabisay Wasaaradda Cadaaladda Xukuamadda Fedaraalka ah ee Soomaaliya oo looga hadlayay Aqoon isweydaarsi ku saabsan sharciga iyo ilaalinta Xuquuda Caruurta ayaa lagu qabtay magaalada muqdisho
Tababarkaan ayaa waxaa loo qabtay Wakiilo ka kala socda Ciidamada Asluubta, Booliska, Cadaaladda, Ururada Qareenada Haweenka iyo kuwa kale ayaa waxaa daah furay Wasiirka Cadaaladda Xukuumada Fedaraalka ah ee Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji Wuxuuna sheegay in muhiim ay tahay in garsoorka la horumariyo si ay u yaraato Cabshooyinka dadka qaar ay qabaan.
Dhanka kale, Wasaaradda Cadaalada Xukumada Fedaraalka ah ee Soomaaliya ayaa kullamo gaar ah la yeeshay Wakiilo ka kala socda Bahda Cadaaladda ee maamuul goboleedyada Dalka kuwaasi oo maalinta Beri ka qeyb geli doona shirweyne oo ay isugu imanayaan Bahda Cadaaladda Xukumada Fedaraalka ah ee Soomaaliya.