Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Gaalkacyo: Madaxweyne Farmaajo oo dhagax dhigay Xarunta Nabadeynta iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliyeed “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Gaalkacyo: Madaxweyne Farmaajo oo dhagax dhigay Xarunta Nabadeynta iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliyeed “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalmahan safar ku marayay deegaanno ka tirsan Puntland ayaa gaaray xarunta Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Galmudug ee magaalada Gaalkacyo, isaga oo shacabkii soo dhaweeyay u sheegay in dowladda Federaalka ay ka go’antahay Nabadeynta Gaalkacyo.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka ku nool Gobolka Mudug midnimo iyo wadajir si ay u gaaraan horumarka ay higsanayaan, isla markaana dadaal dheeri ah geliyaan sidii ay uga gudbi lahaayeen khilaafaadka soo noq-noqday ee ragaadiyey nolashooda.

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

“Nabad la’aanta waxaa idin kaga maqan horumar. Annaga dowlad ahaan wixii mashaariic horumarineed ah ee aad u baahantihiin waa idin keeneynaa, balse reer Gaalkacayo maanta waa in ay kala doortaan in ay ku tartamaan Colaadda ama horumarka.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qaadeyso tallaabo kasta oo ay ku xaqiijineyso midnimada iyo wada jirka bulshada Gobolka Mudug, isagoo faray dhammaan dhinacyada kale ee heer Gobol iyo heer Degmo in ay u istaagaan Dib-u-heshiisiinta dadka walaalaha ah ee ku nool Galkacyo..

“Dib u heshiisiinta aan wadno waxa ay tahay in qofkasta oo gobolkan ku sugan uu kaalintiisa ka qaato sidii aan u ilaashan lahayn midnimadeenna iyo wada jirkeenna. Gaalkacayo oo nabad ah waa Soomaaliya oo nabad ah.”ayuu Madaxweynuhu hadalkiisa ku daray.

Dhanka kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo uu wehelinayo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa dhagax dhigay Xarunta Nabadeynta iyo Dib u Heshiisiinta Soomaaliyeed iyo xabsiga dhexe ee Galmudug oo laga hirgelinayo Gaalkacayo.

Sidoo kale, Madaxweynuhu wuxuu dhagax dhigay waddo isku xiri doonta degmada Hobyo iyo magaalada Gaalkacayo ee Gobolka Mudug.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulamo wada tashi la qaatay Madaxda heer Dowlad Goboleed, duubabka dhaqanka, culimada iyo qeybaha kale ee bulshada, si loo dar dar geliyo dadaallada Nabadeynta iyo dib u heshiisiinta shacabka.

Previous Post

Daraasad laga sameeyay abaaraha dalka ku dhuftay oo lagu soo bandhigay Kismaayo “SAWIRRO”

Next Post

Gudoomiyaha Dhalinyarada Gobolka Mudug ee Galmudug oo ka hadalay soo dhawaynta Madaxwayne Farmaajo

Next Post
Gudoomiyaha Dhalinyarada Gobolka Mudug ee Galmudug  oo ka hadalay soo dhawaynta Madaxwayne Farmaajo

Gudoomiyaha Dhalinyarada Gobolka Mudug ee Galmudug oo ka hadalay soo dhawaynta Madaxwayne Farmaajo

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In