Friday, April 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo “Dowladda Federaalka ah waxay dadaal dheer gelisay xasillinta deegannada Galmudug”+Sawirro

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo “Dowladda Federaalka ah waxay dadaal dheer gelisay xasillinta deegannada Galmudug”+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Wasiirka Maaliyadda XFS oo khudbad ka jeediyay kulanka Bangiga Dunida ee Washington

Wasiirka Maaliyadda XFS oo khudbad ka jeediyay kulanka Bangiga Dunida ee Washington

April 17, 2026
Mas’uuliyiinta Buuhoodle oo u istaagay ciribtirka muqaadaraadka

Mas’uuliyiinta Buuhoodle oo u istaagay ciribtirka muqaadaraadka

April 17, 2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo wadatashiyo la leh madaxda iyo qeybaha bulshada ee Galmudug ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ah ay go’antahay nabadeynta Gaalkacyo iyo guud ahaan Gobolka Mudug.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo munaasabad soo dhaweyn ah u sameeyey Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihiin socdaalka dib u heshiisiinta ee uu ku marayo Madaxweynahau Dowlad Gobolleedka Galmudug.

“Madaxweynaha inta uu nala joogay waxaan uga warbixinnay xaaladda guud ee gobollada, annagoona u gudbinay baahiyaha jira. Runtii muhiimad weyn ayuu noo leeyahay socdaalkaagu Mudane Madaxweyne.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyey shacabka iyo Dowlad Goboleedka Galmudug soo dhaweynta qiimaha badan ee ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna sheegay in socdaalka uu ku marayo gobollada Galmudug uu yahay mid uu ku xoojinayo nabadda iyo is dhex-galka Bulshada.

“Maadama aan cidna kali noolaan Karin waa in dhammaanteen aan danta dalka u mideysannahay. Dowladda Federaalka ah waxay dadaal dheer gelisay xasillinta deegannada Galmudug iyo sidii aan u mideyn laheyn shacabka ku dhaqan.”

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in heshiiska dhawaan lagu mideeyey dhinacyada Galmudug uu ka tarjumayo hiigsiga Dowladda Federaalka ah ee ku aaddan Galmudug oo xasilloon, dadkeeduna nabad iyo horumar gaareen.

Munaasabadda soo dhaweyn ah waxaa ka soo qeyb galey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Guddoomiye Kuxigeenka koowaad ee Golaha Aqalka Sare Mudane Abshir Maxamed Axmed, Wasiirro iyo xildhibaanno heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ah, qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kale ee bulshada.

Dhanka kale, Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa oo ay wehelinayaan Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Puntland ayaa waxaa marti qaad ugu sameeyey goob beer ah oo 45 Km ka jirta waqooyiga magaalada Gaalkacayo Islaan Bshiir Islaan Cabdulle Islaan Faarax oo ka mid ah duubabka dhaqanka Soomaaliyeed. Sidoo kale, waxaa marti qaadkan mid lamid ah u sameeyey Madaxweynaha iyo wafdigiisa Ugaas Maxamuud Ugaas Cabdulqaadir.

Previous Post

Argagaxisada Al-Shabaab oo bilaabay in si awood ah u Askareeyaan Carruurta

Next Post

Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka iyo guddoonka gobolka Shabellada hoose oo Qoryooley lagu soo dhaweeyay.

Next Post
Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka iyo guddoonka gobolka Shabellada hoose oo Qoryooley lagu soo dhaweeyay.

Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka iyo guddoonka gobolka Shabellada hoose oo Qoryooley lagu soo dhaweeyay.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo khudbad ka jeediyay kulanka Bangiga Dunida ee Washington

Wasiirka Maaliyadda XFS oo khudbad ka jeediyay kulanka Bangiga Dunida ee Washington

April 17, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa khudbad taabaneysa dhinacyo badan ka jeediyay fadhiga loo dhan...

Mas’uuliyiinta Buuhoodle oo u istaagay ciribtirka muqaadaraadka

Mas’uuliyiinta Buuhoodle oo u istaagay ciribtirka muqaadaraadka

April 17, 2026
0

Maamulka Degmada Buuhoodle,saraakiisha boliiska,kuwa daraawiishta iyo odayaasha dhaqanka ayaa yeeshay kulan looga hadlaayay xaaladda amni ee degmadaasi iyo qaabka loo...

Madaxda Wasaaradda Sportiga XFS oo kulan muhiim ah la qaatay Ururada Dhallinyarada

Madaxda Wasaaradda Sportiga XFS oo kulan muhiim ah la qaatay Ururada Dhallinyarada

April 17, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Axmed Yuusuf Xasan ayaa kulan la qaatay hoggaamiyeyaasha ururrada dhallinyarada ee ka...

Xildhibaan Aweys Maxamed Cumar oo Nirobi kula shiray Mas’uuliyiin ka tirsan K/ Kuuriya

Xildhibaan Aweys Maxamed Cumar oo Nirobi kula shiray Mas’uuliyiin ka tirsan K/ Kuuriya

April 17, 2026
0

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Ka hortagga iyo La dagaallanka fikradaha Xagjirka ah ee wata rabshadaha Mudane...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In