Monday, December 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxaabiis laga keeney Dalka India oo garoonka diyaaradaha Muqdisho laga soo dejiyay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Maxaabiis laga keeney Dalka India oo garoonka diyaaradaha Muqdisho laga soo dejiyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa gelinkii dambe ee maanta garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho laga soo dejiyay ilaa 40 maxaabiis ah oo laga keenay Dalka India, kuwaasi oo dhameystay xukun ay horey ugu riday maxakamada ku taala Dalkaasi.

Garoonka diyaaradaha waxaa ku soo dhaweeyey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre, Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad iyo mas’uuliyiin kale.

Related posts

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

December 15, 2025
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

December 15, 2025

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in maxaabiistan ay qeyb ka yihiin maxaabiis horey looga soo daayay ilaa saddex Dal, wuxuuna intaasi ku daray in 70 kale oo ku jira xabsiyada Dalka India dhawaan la keeni doono Soomaaliya.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa uga mahadceliyay Xukuumadda Soomaaliya dadaalka ay ku bixinayso sidii loo soo deyn lahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xir xiran xabsiyada Caalamka.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey ugu guuleysatay in ay soo dayso maxaabiis badan oo ku jirtay xabsiyo ku yaala Ethiopia iyo Jaziiradda Seychelles, dalka India ayaa kamid ah wadamada ay ku xir xiran yihiin maxaabiista Soomaaliyeed.

Previous Post

Madaxweynaha Jubbaland oo bogaadiyay hawlgallo lagu xasuuqay Al-Shabaab

Next Post

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Maxaabiis laga soo daayay Dalka Hindiya “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Maxaabiis laga soo daayay Dalka Hindiya “SAWIRRO”

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Maxaabiis laga soo daayay Dalka Hindiya "SAWIRRO"

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

December 15, 2025
0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 22-aad. Kulanka waxaa...

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

December 15, 2025
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa daahfuray kulan aqoon-is-weydaarsi ah oo ku saabsan hagaajinta...

Duqa Muqdisho oo Dhagax-dhigay Mashaariic Muhiim u ah Dadweynaha Caasimadda

Duqa Muqdisho oo Dhagax-dhigay Mashaariic Muhiim u ah Dadweynaha Caasimadda

December 15, 2025
0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta hoggaamiyay munaasabadda dhagax-dhigga xarumo muhiim u...

Hay’adda Tirakoobka oo daah furtay warbixintii ugu horreysay ee Soomaaliya ee Tilmaamayaasha Deegaanka

Hay’adda Tirakoobka oo daah furtay warbixintii ugu horreysay ee Soomaaliya ee Tilmaamayaasha Deegaanka

December 15, 2025
0

Hay’adda Qaranka ee Tirakoobka Soomaaliyeed (SNBS), iyada oo kaashanaysa wasaaradaha ay wada-shaqeeyaan iyo bah-wadaagta horumarinta, ayaa si rasmi ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In