Friday, March 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirada Ganacsiga XFS iyo Dowlad Goboleedyada oo Muqdisho ku kulmay

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Wasiirada Ganacsiga XFS iyo Dowlad Goboleedyada oo Muqdisho ku kulmay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Hay’adda SoDMA oo howlo biyo dhaamin ah ka wado deegaanno hoostaga Baydhabo

Hay’adda SoDMA oo howlo biyo dhaamin ah ka wado deegaanno hoostaga Baydhabo

March 20, 2026
Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

March 20, 2026

Kulalankani oo ujeedkiisu ahaa  sidii loo horumarin lahaa waxsoo saarka ganacsiga Soomaaliya iyo sidii suuqyo cusub loogu furli lahaa wax soo saarka beeraha Xoolaha iyo kallunka ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho,kaasi oo ay so qaban qaabisay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Waxaa ka qeybgalay kulankaasi Wasiirada Ganacsiga iyo warshadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowlada Goboleedyada,iyo madaxda Rugaha Ganacsiga Soomaliay oyo kuwa maamul Goboleedyada,iyadoo intii uu kulankaasi socday siweyn loogu gurfeeyey sidii loo heli lahaa fursado sahlayo in badeecada Dalka ay hesho suuqyo Caalami ah loona dhoofin lahaa.

Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya oo ka hadlay furitaanka kulankaasi ayaa sheegay in  looga baahanyahay Ganacsatada in marka hore ay bixiyaan canshuuraha dalka,taasi oo keeni karta in uu yimaado horumar  dhanka ganacsiga ah,isagoo xusay in ka wasaarada ahaan ay qaadanayaan dowrkoodi ku aadan sidii dalka loo gaarsiin lahaa horumar dhianacyo badan leh oo ganacsiga ah.

Sido kale waxaa halkaasi ka hadlaya Wasiiradii ganacsiga Dowlad Goboleedyada,Jubbaland,Fariid Jaamaca Suleymaan,K/Galbeed Warsame Dhoofane Dhaqane,Hirshabeele,Yaxye Ismaaciil Maxamed,Galmudug Cabdiladhiif C/llaahi Warsame,kuwaasi oo sheegay in ay soo dhaweynayaan qorshayaasha lagu horumarinayo ganacsiga Soomaaliya,iyagoo dhanka kale soo bandhigay aqabadaha horyaala dhinaca ganacsiga Dalka oo ay kamid yihiin in ganacsatadu ay ogaadaan in mas’uuliyad weyn ay ka saran tahay bulshadooda.

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa wadad dadaalo lagu horumarinayo Ganacsiga Dalka,si loola jaanqaado dunida inteedi kale,iyadoo ay raadinayso fursado dalka lagu maalgashan karo,sida uu sheegay Wasiirka Wasaaraddaasi.

Previous Post

Malaayiin Dollar oo loogu deeqy waxbarashada wadamada saboolka ah

Next Post

Wasiirada Kaluumeysiga iyo Howlaha Guud oo Baydhabo kulamo kula leh madaxda K/Galbeed Soomaaliya

Next Post
Wasiirada Kaluumeysiga iyo Howlaha Guud oo Baydhabo kulamo kula leh madaxda K/Galbeed Soomaaliya

Wasiirada Kaluumeysiga iyo Howlaha Guud oo Baydhabo kulamo kula leh madaxda K/Galbeed Soomaaliya

Hay’adda SoDMA oo howlo biyo dhaamin ah ka wado deegaanno hoostaga Baydhabo

Hay’adda SoDMA oo howlo biyo dhaamin ah ka wado deegaanno hoostaga Baydhabo

March 20, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), oo kaashaneysa Wasaaradda Gargaarka Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed, isla markaana ku guda jirta Todobaadka Gurmadka...

Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

March 20, 2026
0

Ciidamada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan furimaha hore ee dagaalka, gaar ahaan gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa saakay si...

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo salaadda Ciid Fidriga ku tukaday Masaajidka Villa Hargeysa

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo salaadda Ciid Fidriga ku tukaday Masaajidka Villa Hargeysa

March 20, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya 20, Maarso, 2026: Guddoomiyaha Golaha Sbacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Madaxweynaha JFS oo Ciidul Fitriga kula qaatay Ciidamada degaanka Gandarshe ee Sh/Hoose

Madaxweynaha JFS oo Ciidul Fitriga kula qaatay Ciidamada degaanka Gandarshe ee Sh/Hoose

March 20, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta munaasabadda Ciidul Fitriga kula qaatay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In