Tuesday, January 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka G/Banaadir oo ka qeybgalay Munaasabad lagu taageerayay waxqabadka dowladda oo lagu qabtay Muqdisho

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo goor dhow u ambabaxay dalka Masar
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Gudoomiye ku xigeenka maamulka G/Banaadir ee dhinaca Arrimaha Bulshada, gudoomiyayaal degmo, mas’uuliyiin kala duwan iyo dadweyne farabadan ayaa ka qeybgalay munaasabad uu soo qaban qaabiyay maamulka degmada X/weyne islamarkaana lagu xusayay 8-da Febrayo oo ah maalintii la doortay madaxweyne Maxamed C/laahi “Farmaajo” taasoo lagu qabtay xarunta degmada X/weyne.

Boqolaal dadweyne ah oo watay boorar iyo halku dhigyo ay ku muujinayeen waxqabadka madaxweyne Maxamed C/laahi “Farmaajo’ uuna horkacayay gudoomiyaha degmada X/weyne ayaa socod ka soo bilaabay kawaanka kaluunka ee demadaasi,  iyagoo isugu tegay xarunta degmadaasi.

Related posts

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo furay wajiga Labaad ee barnaamijka wadajirka Booliska ee (JPP II) .

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo furay wajiga Labaad ee barnaamijka wadajirka Booliska ee (JPP II) .

January 20, 2026
Guddiga amniga iyo taakulaynta Hirshabeelle oo booqday deegaanka Jabad Godane.

Guddiga amniga iyo taakulaynta Hirshabeelle oo booqday deegaanka Jabad Godane.

January 20, 2026

Kooxda fanaaniinta xidigaha degmada X/weyne ayaa halkaasi ku soo bandhigay sugaan dhaxal gal ah oo ka tarjumeysa waxqabadka dowladda madaxweyne Farmaajo sanadkii la soo dhaafay. iyadoo  xubno ka tirsan bulshada degmadaasi ay halkaasi ka jeediyeen hadallo ay ku taageerayaan waxqabadka dowladda.

Gudoomiyaha degmada X/weyne Cumar Shariif Jeeg ayaa halkaasi ku soo bandhigay waxqabadka Dowladda, isagoo bulshada degmadaasi ka dalbaday iney taageeraan dowladda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna hoosta xariiqay in dowladdu muujisay waxqabad la taaban karo muddadii sanadka aheyd ee ay jirtay.

Gudoomiye ku xiegaanka maamulka G/Banaadir Basmo Caamir oo xafladaasi soo xirtay ayaa sheegtay in dowladdu kasbatay taageerada bulshada Soomaaliyeed kaddib markii ay muujisay waxqabad la taaban karo sanadki ay jirtay.

Munaasabadan ayaa ku soo beegmeysi xilli ay maanta ku beegantahay 8-Febrayo oo ah markii markii la doortay madaxweyne Maxamed C/laahi ‘Farmaajo.

Previous Post

Akadeemiyad goboleedka Af Soomaaliga oo tababar u qabatay 50 dhallinyaro ah+Sawirro

Next Post

Siihayaha Wasiirka Warfaafinta oo tababar u soo xiray 50 Saxafi

Next Post
Siihayaha Wasiirka Warfaafinta oo tababar u soo xiray 50 Saxafi

Siihayaha Wasiirka Warfaafinta oo tababar u soo xiray 50 Saxafi

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo furay wajiga Labaad ee barnaamijka wadajirka Booliska ee (JPP II) .

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo furay wajiga Labaad ee barnaamijka wadajirka Booliska ee (JPP II) .

January 20, 2026
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jeneral Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta si rasmi ah u furay shir...

Guddiga amniga iyo taakulaynta Hirshabeelle oo booqday deegaanka Jabad Godane.

Guddiga amniga iyo taakulaynta Hirshabeelle oo booqday deegaanka Jabad Godane.

January 20, 2026
0

Guddiga Amniga iyo Taakulaynta Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa maanta booqday deegaanka Jabad Godane, halkaas oo maalintii shalay cashar loogu dhigay Khawaarijta....

Wasaaradda Qorsheynta XFS oo Muqdisho ku soo bandhigtay waxqabadkeedii 2025.

Wasaaradda Qorsheynta XFS oo Muqdisho ku soo bandhigtay waxqabadkeedii 2025.

January 20, 2026
0

Munaasabad ballaaran oo lagu soo bandhigayay waxqabadka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya intii lagu guda...

Madaxda Hay’adaha SoDMA iyo SPA oo yeeshay kulan mira-dhal ah

Madaxda Hay’adaha SoDMA iyo SPA oo yeeshay kulan mira-dhal ah

January 19, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta Hay’adda SoDMA kulan kula yeeshay Guddoomiyaha Hay’adda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In