Wednesday, March 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

10 Sharci oo ku saabsan qaabka loo weriyo wararka argagixisada la xiriira

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
10 Sharci oo ku saabsan qaabka loo weriyo wararka argagixisada la xiriira
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Tartamayaasha Degmada Hodan oo caawa ku guuleystay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Hodan oo caawa ku guuleystay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

March 17, 2026
Gobolka Banaadir oo deeq lacageed oo Ciid-siin ah u qeybiyey dad baahiya gaar ah qaba

Gobolka Banaadir oo deeq lacageed oo Ciid-siin ah u qeybiyey dad baahiya gaar ah qaba

March 17, 2026

Hadafka ururada argaxisada ayaa ah in ay abuuraan (Environment) bey’o ama xaalad cabsi ah, arggagixin, baqdin gelin ka weecisa qof ama bulsho in ay fikiraan ama aragtidooda cabiraan, taasi oo saameyn xun ku yeelata bulshada meeshana  ka saarta in ay ka jawaab celiyaan.

Ururada argagixisada waxa ay aad u door bidaan adeegsiga Warbaahinta , si ficilada ay sameynayaan u gaarto dhegaha dad badan si saameynta meesha ay joogaan ugu weynaato dunida oo idil.

“ Propaganda-da waa Oxygen-ka argagaxa”,  Waxa sidaas tiri, Ra’isul wasaarihii hore ee Britan, Margaret Thatcher (Iron Lady)  oo la dhihi jiray marwadii birta .

Waa in la’is waydiiyaa sawirada loo adeegsanayo warbaahinta ama wararka loo gudbinayo dad-weynaha in ay yihiin kuwa mudan in shacab la gaarsiiyo ama yihiin kuwa u adeegaya ururada argagixisada, waa inaad ogaataa in hubka uga weyn ee ururada argagixisada uu yahay ‘Propoganda’,   si looga fogaado arrimahan waxa ay Wakaalada Wararka u faafisa Waddanka aan saaxiibka dhaw naha ee Turkiga, Anadolu Agency(AA) ka diyaarisay 10-sharci oo ku aadan sida loo wariyo wararka argagixisada, waana sida soo socota:-

1. Ha warin wararka deg-degga ee aadan xaqiiqdooda heyn (Xan ama hebel baa sheegay)

Xaqiiji warka, wariyaha lagama aqbalayo inuu qeexo/ sheego sida ay meesha wax uga dhaceen. Isku haley macluumaad uu bixiyey ama bixiyeen mas’uliyiin. Dhanka kale haddii aan la gaari Karin mas’uuliyiinta, bayaan saxafi uusan jirin, waa inaad ku noq-noqotaa xaqiijinta sheekada.

Ha isku haleyn baraha bulshada adiga oo daba socda dhacdo argagixiso, hana adeegsan macluumaad kasta adigoon helin bayaan saxafi(War-saxaafadeed) oo rasmi ah.

Dunida maanta, macluumaadka waxa uu u fidaaa sida dab keyn qabsaday, diyaarinta warka weerar agagixiso oo ku salaysan ku tiri-ku teen(War Suuq) iyo mala’awaal waxa uu dhalinayaa khalad aan daawo lahayn.

Ha iloobin sida ay u adag tahay in la daaweeyo saameynta xun ee ka dhalata macluumaad aan la hubinin ama la xaqiijinin.  Ha u qaadan wax  fudud adigoo u dan leh ku hor mar wax u baahan hubin.

2. Ha meel marin hadafka ururada argagixisada

Urarada argagixisada ujeedkooda waxa uu yahay in ay abuuraan cabsi iyo agagixin ay dad badan ku gaaraan iyaga oo u maraya ficilo xasaasi ah. Wararka iyo sawirada la faah-faahiyey ee la xiriirta dhacdada agagixiso waxa ay u adeegaysaa   ujeedka ururada agagixisada, uma adeegayso xuriyadda macluumaadka.  Xadidaada wararka noocan ah in la baahiyo waa in lagu go’aamiyaa, looguna adeegaa danaha bulshada ama waxtar uu u leeyahay.

Ha sheegin sida weerarka argagixiso loo qorsheeyey, loo fuliyey ama waxa ka dhasha.

3. Dad badan inaad gaarto walaacaaga yuusan noqon, loolan ha u gelin gaaristooda

Ha iloobin in urarada agagixisada ay door bidayaan in ficiladooda ay soo jiitaan dareenka warbaahinta si ay u gaaraan dad badan, sidaa daraadeed, marka la warinayo wararka agagixiso, ka tag dhamaan walaaca la xiriira tartan. Isku day in aad bulshada u sheegto war xaqiiqa ah oo aan jahwareer abuureynin.

4. Ha isticmaalin  sawirada dad dhintay ama dhaawaca

Waa xushmad daro adeegsiga sawirada noocaan ah, balse waxa aad isticmaali kartaa muuqaal guud oo meesha mashaqada ka dhacday ah oo aan bixinaynin argagax, waxaad isticmaalaysa falcelinta ay samaynayaan ciidamada amaanka iyo shaqaaalaha caafimaadka ee gurmadka bixinayaan taasi oo gudbinaysaa fariin wanaagsan oo muujinaysa in ciidanka amaanka iyo shaqaalaha caafimaadkuba ay gacanta ku hayaan xaaladda.

Xusuusnow haddii aad si kale u tabiso, taasi macnaheeda waa adiga oo ka caawisay in aad xoojisay saamaynta xun ee ay bulshada ku yeelanayso iyo dacaayadda ay doonayaan argagixisada.

5. Ha isticmaalin eray bixinta urarada agagixisada

Jabhad, kuwa kacdoonka, kuwa u dhaq-dhaqaaqa naf hurnimada, iyo IWM ee ay la baxaan. Ka fogow in aad isticmaasho mansabka iyo sifooyinkooda taasi ka dhigi karta in aad  sharciyeyso ururadaa, tusaale ‘Taliye, Gudoomiye/ Madaxweyne, Xisbi/koox, madax ama hogaamiye.

Ha xoojinin isticmaalka magacyada ururada agagixisada, ha sheegin aqoonsigooda/ dhalasho iyo magacyada isku afgartaan haddii aysan u adeegaynin danta shacabka.

6. Haku deg-degin in aad shaaca ka qaado aqoonsiga maydka

Ha shaacin aqoonsiga kuwa noloshooda ku waayey weerar agagixiso ilaa ay  mas’uuliyiinta ku wargeliyaan eheladooda !

Ha iloobin waxyeelada ka dhalan karta in shaqsiyaad ka ogaadaan warbaahinta geerida kuwii ay jeclaayeen, waxay dhalinaysaa dhibaato khatar ah.

7. Ha daabicin ama werinin ‘War-saxaafadeedka’ Ururada argagixisada

Waa inaad werin ama daabicin bayaan saxaafadeedka hogaamiyeyaashooda ama argagixasada, haddii aan dan ugu jirin dadweynaha. Ha iloobin in bayaanada ay ku buuxaan xeerar.  Waraysi gaar ah hala yeelan argagixisada. Waraysiyada waxa ay u adeegayaan dacaayada ururka, wuxuuna siinayaa xubnaha ururka agagixisada sumcad weyn, sidoo kale sharci buu ka dhigayaa iyaga.

8. Ka taxadir macluumaadka iyo sawirada baraha bulshada

ha iscticmaalin macluumaadka aad ka hesho baraha bulshada adigoon xaqiijin.

9. Ka warqab fahamka hawl-galada urarada argagixiso !

Ururada argagixiso waxa ay door bidaan ( is-dilka, cunto ka soomida, qaraxyada ismiidaaminta.) si warbaahinta ay u daboosho. Marka aad werinayso arrimahan ee qaybta ka ah aragtida hawl-galada ururka argagixiso, ka fekar danta dadweynaha. Ha noqon agabkii Propogando-da ee lagu kuleylayn lahaa dhacdadaas.

10. Ha sheegin u diyaar garowga hawl-gallada ka dhanka ah argagixisada

 Ciidamada amaanka way ku adkaanaysa haddii ay sidaa dhacdo, sidaa daraadeed hawl-galada military ama sirdoon ha werin !

Ha iloobin in ka hor dhicista ama sheegista hawl-galada diyaar-garowgooda tusaale in la baahiyo ama la daabaco in ay u adeegsan karaan ururada argagixiso, waxa ayna carqaladeynayaan ama dhaawacayaan dadaalada ciidamada amaanka.

Gunaanud:- Marka aan ka soo tagno tabankan qodob ee aan ka turjumay buug-yaraha Anadolu. Soomaaliya waxa ay dagaal kula jirtaa Shabaab iyo urur taabacsan Daacish kuwaa oo ah ururo argagixiso, waxaa haboon in warbaahinta dalka ay ku buraarugaan qaabka loo tabiya wararaka la xiriira argixisada ayna xil weyn iska saaraan maareyntooda iyagoo markasta u hiilinaya shacabka.

W/D: Maxamed Cisman Cabdi “ Black Cobra”

Madaxa qeybta English-ka ee SONNA

Previous Post

Dowladda Federaalka, Dowlad goboleedya Xubanaha ka ah iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo wada gaaray Heshiis ku-meel gaar ah oo ku saabsan dakhliga ruqsad bixinta Kalluumaysiaga

Next Post

Ergayga Hey’ada UNHCR u qaabilsan Soomaaliya oo K/Afrika kala hadlay qaxootiga Soomaalida ee dalkaasi ku nool “SAWIRRO”

Next Post
Ergayga Hey’ada UNHCR u qaabilsan Soomaaliya oo K/Afrika kala hadlay qaxootiga Soomaalida ee dalkaasi ku nool “SAWIRRO”

Ergayga Hey'ada UNHCR u qaabilsan Soomaaliya oo K/Afrika kala hadlay qaxootiga Soomaalida ee dalkaasi ku nool "SAWIRRO"

Tartamayaasha Degmada Hodan oo caawa ku guuleystay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Hodan oo caawa ku guuleystay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

March 17, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Gobolka Banaadir oo deeq lacageed oo Ciid-siin ah u qeybiyey dad baahiya gaar ah qaba

Gobolka Banaadir oo deeq lacageed oo Ciid-siin ah u qeybiyey dad baahiya gaar ah qaba

March 17, 2026
0

Guddoomıyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdısho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta deeq lacageed oo Ciid-siin ah...

Hay’adda SoDMA oo Maalintii 3-aad Gurmad Biyo Dhaamin ah ka waddo Baydhabo

Hay’adda SoDMA oo Maalintii 3-aad Gurmad Biyo Dhaamin ah ka waddo Baydhabo

March 17, 2026
0

Maalintii 3-aad, Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed si gaar ah gudaha iyo tuulooyinka ku xeeran magaalada Baydhabo, waxaa si xowli ah...

Xarunta Boqor Salmaan oo maanta Muqdisho ka daah-furtay qeybinta Zakaatul Fitriga.

Xarunta Boqor Salmaan oo maanta Muqdisho ka daah-furtay qeybinta Zakaatul Fitriga.

March 17, 2026
0

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo kaashaneysa Al-Mahasin Foundation, ayaa si rasmi ah maanta gobolka banaadir ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In