Sheekh Abuubakar Bashiir Cabdullaahi La-taliyaha Madaxweeynaha Soomaaliya ee Diinta iyo wafdiga uu hogaaminayo oo gaaray deegaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud ayaa uu kuurgalaya xaaladda nabadgelyo iyo midda horumar ee halkaasi ka jirta.
Wafdiga ayaa inta uu joogo Deegaankaasi la kulmo Doona Qaybaha Bulshada Gaar ahaan waxgaradka iyo odayaasha beelahii kal Horle ku dagaalamay Deegaanka si loo Gaaro xal Nabadeed .
La-taliyaha Madaxweeynaha Soomaaliya ee Diinta ayaa Warbaahinta Qaranka uu sheegay inay xogwaraysi la yeelan doonaan dhinacyada ku dagaalamay deegaanka Xeraale si ay ugu kala dabqaadaan dhinacyadaasi oo in muddo ah ay soo jiitamayso colaada u dhaxeeysay, isagoo raja wanaagsanka muujiyay in xal Nabadeed laga gaaro arinkaasi .
La Taliyaha Madaxweeynaha Soomaaliya ee dhinaca Diinta oo uu Madaxweeynu u xilsaanay dhamaystirka Nabadaynta Bulshada ku dhaqan Caabuwaaq iyo Guddi isugu jira waxgaradkaiyo qaybaha bulshada ayaa ku guulaysatay in xal laga gaaro colaaddii u dhaxeysa beelahii ay dirirtu ku dhexmartay Gobolka Galgaduud.
Halkan ka dhageyso Wareysiga