Friday, July 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Gaadiidka oo dar dargelineyso hirgelinta sharuucda gaadiidka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Gaadiidka oo dar dargelineyso hirgelinta sharuucda gaadiidka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankan oo lagu soo bandhigayay shirciga lagu dhaqayo Gaadiidka noocyadiisa kala duwan  oo ay soo saartay Wasaaradda  Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliyed ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa  ka soo qeyb galay Wasiiro, Xildhibaanno, Taliska ciidanka ilaalada Nabadgelyada Wadooyinka ee Taraafiko, gaadiidleyda qaar ka mid ah ganacsatada Gaadiidka  iyo marti sharaf kale oo shirka lagu casuumay.

Related posts

Dowladda iyo Hey”adda CARE oo ka wada hadlay taageerada qorshaha Qaran

Dowladda iyo Hey”adda CARE oo ka wada hadlay taageerada qorshaha Qaran

July 24, 2026
Wasiirka Waxbarashada XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Waxbarashada XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

July 24, 2026

Cisman Xasan Cilmi oo ku hadlayay magaca ganacsatada Gaadiidka  ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan sharacigan .

“Halkan in mar kale ay Wasaaraddu noogu yeerto soo bandhigista  xeerkii lagu dhaqayay Gaadiidka noocyadiisa kala duwan, waan soo dhaweyneynaa in dib loo soo celiyo sharcigii  gaadiidka oo dalkan lahaa  waxaana ku dareynaa wixii talo bixin ah”. ayuu yiri Cismaan.

Garyaqaanka  Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Dr Cisman  Cilmi Guuleed  oo ka hadlay kulanka ayaa tilmaamay inay tahay tallaabo lagu farxo.

“Xeerkani wuxuu ka midyahay in dib loo howl geliyo shuruucdii lagu dhaqi jiray Gaadiidka ee dalka horay u lahaa, si loo ilaaliyo dowladnimada,  waxaad  ogsoontihiin markii dowladda la yiraahdo waxaa saldhig u ah in lagu dhaqmo sharciga,  marka xeerkan waa xeer lagu hergelinayo dhamaan sharuucdii dalka u yiilay”ayuu yiri Garyaqaanka Guud ee dowladda.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad ayaa sheegay in sharcigan uu qeyb weyn ka  qaadanayo dhinaca Amniga.

“Sharcigan waxa uu qeyb weyn ka qaadanayaa xaqiijinta amniga, waxaana rajeynayaa in uu sharciga hirgelo” ayuu yiri Wasiirka.

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa mudooyinkan waday  howlo lagu dardar gelinayo horumarinta Gaadiidka iyo hirgelinta sharuucdii gaadiidka u degsanaa.

Previous Post

R/W ku Xigeenka oo Garoonka Muqdisho ku Qaabilay Muwaadiniin Soomaaliyeed oo Xukuumaddu ka soo Qaadday Liibiya “SAWIRRO”

Next Post

Guddoomiyaha G/Benaadir oo Daah-furay kulanka Wadatashiyada Dadweynaha ee Geeddi socodka Doorashooyinka “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiyaha G/Benaadir oo Daah-furay kulanka Wadatashiyada Dadweynaha ee Geeddi socodka Doorashooyinka “SAWIRRO”

Guddoomiyaha G/Benaadir oo Daah-furay kulanka Wadatashiyada Dadweynaha ee Geeddi socodka Doorashooyinka "SAWIRRO"

Dowladda iyo Hey”adda CARE oo ka wada hadlay taageerada qorshaha Qaran

Dowladda iyo Hey”adda CARE oo ka wada hadlay taageerada qorshaha Qaran

July 24, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Cabdifataax Cabdulqaadir Faarax (Abdifatah Hared), ayaa kulan la yeeshay Agaasimaha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Waxbarashada XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

July 24, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda...

Madaxda Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay bahda Caafimaadka

Madaxda Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay bahda Caafimaadka

July 23, 2026
0

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa maanta kulan la yeelatay bahda caafimaadka dalka oo isugu jira Hay’addaha caafimaadka dowladda...

Wafdi uu hogaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug oo gaaray Degmada Baxdo

Wafdi uu hogaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug oo gaaray Degmada Baxdo

July 23, 2026
0

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan, ayaa maanta gaaray Degmada Baxdo ee Gobolka Galgaduud....

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In