Tuesday, August 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqa Muqdisho oo Madaxda Maxkamadaha G/Benadir kala hadlay horumarinta Caddaaladda Bulshada

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
February 19, 2018
in Wararka
0
Duqa Muqdisho oo Madaxda Maxkamadaha G/Benadir kala hadlay horumarinta Caddaaladda Bulshada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 19 Feb, 2018 — Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) iyo madaxda Maxkamadaha gobolka, gaar ahaan Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Benaadir Mudane Aweis iyo Guddomiyaha Racfaanka Gobolka Benaadir Mudane Salah ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa adeegyada ay u hayaan maxkamaduhu bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Caasimadda.

Eng. Yarisow ayaa si aad ah uga hadlay arrimaha dhulka, sheegeyna in loo baahanyahay in loo cadaalad falo dadka saxda ah, halka kuwa been abuurka wadana loogu baahanyahay in meel looga soo wada jeesto oo si adag loola xisaabtamo, bacdamaa ay danbi tahay in dokumenti been abuur ah la sameysto.

Related posts

Wasiir Fiqi” Kuwa u baahan dhiirigelinta waa Bulshada, idinkuna waxaa tihiin geesiyaal,”

Wasiir Fiqi” Kuwa u baahan dhiirigelinta waa Bulshada, idinkuna waxaa tihiin geesiyaal,”

August 19, 2025
Ciidanka Kumandooska Danab oo hawlgal qorshaysan ku dilay 18 ka tirsan Argagixisadda Al-shabaab.

Ciidanka gaarka ah ee Danab oo howlgal qorsheysan ka fuliyay degmada Awdheegle.

August 19, 2025

Duqa Muqdisho ayaa tilmaamay in maamulkiisu uu ahmiyad gaar ah siinayo horumarinta caddaaladda oo qayb weyn ka qaadan karta nabadgalyadda, horumarka dhaqaalaha iyo kalsoonida bulshada dhexdeeda.

“Shacabka Soomaaliyeed waxay idinka sugayaan garsoor cadaalad ku dhisan, waxaan idin ku boorinayaa inaad sharciga ku dhaqankiisa horseed u noqotaan oo bulshada si siman oo caddaalad ah loogu adeeggo, gaar ahaan arrimaha dhulalka la isku heysto, isla markaana aad iska dhega tirtaan cid walba oo dooneysa in sharciga la hareer maro. Waddankan si uu horumar u gaaro, waxuu u baahan yahay caddaalad, idinkuna kaalin weyn ayaad ku leedihiin sidii caddaaladda loo dhaqangelin lahaa”. Ayuu yiri G. Eng. Yarisow.

Guddoomiyaha ayaa sheegay ujeedka kulankani inuu yahay sidii loo yeelan lahaa iskaashi buuxa, isla markaana loo dhowri lahaa waajibaadka ka saaran ilaalinta shacabka iyo dadka nugul .

Maamulka cusub ee hoggaamiyo Guddoomiye Cabdiraxmaan Yarisow ayaa ka shaqeynaya sidii loo heli lahaa nidaam garsoor casri ah oo baahidda bulshada Soomaaliyeed buuxiya, iyadoo la dhowrayo xuquuqda aadanaha ee caalamiga ah.

–DHAMMAAD–

Previous Post

DAAWO: Taariikh kooban oo ku saabsan Sareeyo Guud Bashiir Maxamed Jaamac

Next Post

DAAWO: Warbixin ka hadlaysa afar bil kaddib maxaa iska badalay xaaladda mid ka mid ah dadkii ilmahooda ku waayay Qaraxii Zoobe

Next Post
DAAWO: Warbixin ka hadlaysa afar bil kaddib maxaa iska badalay xaaladda mid ka mid ah dadkii ilmahooda ku waayay Qaraxii Zoobe

DAAWO: Warbixin ka hadlaysa afar bil kaddib maxaa iska badalay xaaladda mid ka mid ah dadkii ilmahooda ku waayay Qaraxii Zoobe

Wasiir Fiqi” Kuwa u baahan dhiirigelinta waa Bulshada, idinkuna waxaa tihiin geesiyaal,”

Wasiir Fiqi” Kuwa u baahan dhiirigelinta waa Bulshada, idinkuna waxaa tihiin geesiyaal,”

August 19, 2025
0

Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya Amb. Ahmed Macallin Fiqi oo kormeeray furimaha dagaalka ka dhanka Khawaarijta ee gobolka Shabeellaha Dhexe...

Ciidanka Kumandooska Danab oo hawlgal qorshaysan ku dilay 18 ka tirsan Argagixisadda Al-shabaab.

Ciidanka gaarka ah ee Danab oo howlgal qorsheysan ka fuliyay degmada Awdheegle.

August 19, 2025
0

Ciidamada Gaarka ah ee Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay degmada Awdheegle...

Hay’adda SoDMA oo soo saartay wargelin muhiim ah

Hay’adda SoDMA oo soo saartay wargelin muhiim ah

August 18, 2025
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed ee (SoDMA), ayaa raadinaysaa shirkado dhismo oo ka qeyb qaata dhismaha Xarunta Hawlaha gurmadka Degdeg ah...

Wafdi sare oo ka socda Hay’adda SoDMA oo gaaray Belad-xaawo

Wafdi sare oo ka socda Hay’adda SoDMA oo gaaray Belad-xaawo

August 18, 2025
0

Wafdi sare oo ka socda Hay’adda Maareynta Musibooyinka Qaranka ee SoDMA, uuna hoggaaminayo Agaasime Guud Cabdirashiid Maxamuud Xasan ayaa maanta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In