Sunday, June 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir oo booqday dhaawacyadii la dhigay Cisbitaallada magaalada “SAWIRRO”

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Gobolka Benaadir oo  booqday dhaawacyadii la dhigay Cisbitaallada magaalada “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa xalay saqdii dhexe ku booqday isbitaallada lagu dabiibayo dhaawacyadii ka dhashay qaraxyadii fulaynimada ahaa ee kooxaha nabad diidka ah ay ku beegsadeen dad rayid ah oo aan waxba galabsan maqribkii xalay.

Guddoomiyaha oo kormeeray qeybaha kala duwan ee isbitaalka oo la dhigay dadka qaba dhaawacyada, ayaa caafimaad u rajeeyey dadka ay dhibaatadu soo gaartay, isagoo tilmaamay in qaraxyadani ay calaamad u yihiin cadowtinimada baahsan ee ay kooxaha nabad-diidka u hayaan shacabka Soomaaliyeed, waxuna tacsi tiiraanyo leh u diray ehelada dadkii falkaas ku geeriyooday.

Related posts

Dalka Australia oo looga dabaaldegay maalinta xornimada Jabuuti

Dalka Australia oo looga dabaaldegay maalinta xornimada Jabuuti

June 28, 2026
Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare oo la kulmay Xoghayaha Guud ee Baarlamaanka Carabta

Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare oo la kulmay Xoghayaha Guud ee Baarlamaanka Carabta

June 28, 2026

“Waxaan isbitaalka ku booqanay dhaawacyada ka dhashay qaraxyadii caawa dhacay, waxaana u mahadcelinayaa dhakhaatiirta ku howllaneyd qalliinka iyo daweynta. Hay’adaha Amniga iyo kuwa gurmadkana door weyn ayey ka qaateen badbaadada shacabka”.Ayuu yiri guddoomiye Yarisow oo intaas raaciyey in qaraxa ka dhacay isgoyska baar FIAT ku soo beegmay xili ay dhalinyaro badan ka yimaadeen xeebta Liido maadaama ay Jimco aheyd.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ayaa waxaa booqashada uu ku tagey Isbitaallada ku weheliyey Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Benaadir.

Previous Post

Wasiirka Amniga oo xaqiijiyay tirada Al-Shabaab looga dilay howlgalkii caawa

Next Post

Wasiirada Beeraha Qaarada Afrika iyo FAO oo Suudaan ku soo  gaba gabeeyay shir muhiim ah

Next Post
Wasiirada Beeraha Qaarada Afrika iyo FAO oo Suudaan ku soo  gaba gabeeyay shir muhiim ah

Wasiirada Beeraha Qaarada Afrika iyo FAO oo Suudaan ku soo  gaba gabeeyay shir muhiim ah

Dalka Australia oo looga dabaaldegay maalinta xornimada Jabuuti

Dalka Australia oo looga dabaaldegay maalinta xornimada Jabuuti

June 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Sanad-guurrada 49-aad ee Xornimada Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa si weyn looga dabaaldegay magaalada Melbourne ee dalka Australia, halkaas oo ay...

Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare oo la kulmay Xoghayaha Guud ee Baarlamaanka Carabta

Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare oo la kulmay Xoghayaha Guud ee Baarlamaanka Carabta

June 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdinaasir Ibraahim Guuleed, ayaa maanta kulan la qaatay Xoghayaha...

Guddoomiyaha SoDMA oo gaaray magaalada Baydhaba

Guddoomiyaha SoDMA oo gaaray magaalada Baydhaba

June 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo,...

Taliye Mahad Salaad oo Cabudwaaq ka dhagax-dhigay xero ciidan oo ay leedahay Hay’adda NISA

Taliye Mahad Salaad oo Cabudwaaq ka dhagax-dhigay xero ciidan oo ay leedahay Hay’adda NISA

June 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA Mudane Mahad Maxamed Salaad ayaa magaalada Cabudwaaq ka dhagax-dhigay xero...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In