Monday, December 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaanada Aqalka Sare oo ka dooday weerarkii lagu qaaday Guriga Xildhibaan Cabdi Qaybdiid

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Aqalka sare oo ansixiyay sharciga Isgaarsiinta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Duqa Muqdisho Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

Duqa Muqdisho Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

December 14, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Tacsiyadeeyay Geerida Madaxweynihii Hore Ee Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Tacsiyadeeyay Geerida Madaxweynihii Hore Ee Puntland

December 14, 2025

Kulankii ugu horreeyey Kalfadhiga Saddexaad ee Golaha Aqalka Sare Barlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaa shir guddoominayey Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi Guddoomiyaha Golaha aqalka Sare, waxaana kulanka looga hadlay weerarkii lagu qaaday Guriga Xildhibaan Cabdi Xasan Cawaale (Qeybiid) oo ka mid ah xildhibaanada Aqalka Sare

Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ayaa sheegay in Kalfadhigaan Saddexaad howlo badan oo muhiim ah ay horyaalaan Golaha Aqalka Sare loona baahanyahay in xildhibaanada ay waqti galiyaan.

Intaasi ka dib Xildhibaan Cabdi Xasan Cawaale ayaa Golaha Warbixin ka siiyay weerarkii lagu qaaday gurigiisa 30-ka bishii December ee sanadkii tagay 2017.

Warbixinta xildhibaanka ka dib ayaa mudanayaasha Aqalka Sare waxay ka doodeen in arrintaan loo saaro guddi baaris ku soo sameeya iyo in loo yeero R/wasaaraha xukuumadda Soomaaliya si wax looga waydiiyo.

Qaar ka mid ah xildhibaanada ayaa soo jeediyay in arrintaan loo saaro guddi halka qaar kalana ay soojeediyeen in loo yeero R/wasaaraha, hayeeshee ugu danbayntii ayaa cod loo qaaday labadaasi aragti waxaana xildhibaanadu u codeeyeen in loo saaro guddi soo baara.

Ugu danbayntii xildhibaanada Aqalka Sare ayaa loo qaybiyay xeerka Dhowridda Gobanimada iyo Midnimada Soomaaliya kaas oo shalay ay meel mariyeen xubnaha Golaha Shacabka, waxaana loo balamay in maalinta barri ah ay ka doodaan xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

 

Previous Post

Ururka 60-aad ee CXD oo Lacago ku Wareejiyay Qoysaska Askar Naftooda u huray Difaaca Qaranka

Next Post

Wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya oo shir wadatashi ah ka furtay Garowe

Next Post
Wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya oo shir wadatashi ah ka furtay Garowe

Wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya oo shir wadatashi ah ka furtay Garowe

Duqa Muqdisho Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

Duqa Muqdisho Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

December 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta kaarka codbixinta doorashada Dowladaha Hoose...

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Tacsiyadeeyay Geerida Madaxweynihii Hore Ee Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Tacsiyadeeyay Geerida Madaxweynihii Hore Ee Puntland

December 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, bulshada Puntland iyo guud...

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xarig Jaray Masraxa Cusub Ee Lagu Soo Kordhiyay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xarig Jaray Masraxa Cusub Ee Lagu Soo Kordhiyay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

December 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xalay ka qeyb galay munaasabad xarigga looga jarayey...

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

December 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuridda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u qaatay Kaarka codbixinta ee Dooraahada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In