Thursday, November 27, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Puntland oo ka qayb galay aas loo sameeyey Garyaqaanka Guud ee Puntland “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Puntland oo ka qayb galay aas loo sameeyey Garyaqaanka Guud ee Puntland “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dawlad goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 23 March 2018 ka qayb galay aas loogu sameeyey magaalada Garoowe ee caasimada Puntland Garyaqaanka guud ee Puntland AUN, Maxamed Muuse Ismaaciil Muuse.

Aaska loo sameeyey maanta garyaqaankii guud ayaa waxaa Madaxweynaha Puntland ku wehelinayey Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdulaahi  Xaaji Cumar Camey, Guddoomiyeha  Baarlamaanka Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi, Masuuliyiin ka tirsan goloyaasha Puntland, saraakiisha ciidamada, saraakiil ka tisan Madaxtooyada iyo qaybaha kaladuwan ee bulshada magaalada Garoowe.

Related posts

Golaha Shacabka ee BJFS oo ka dooday heshiiska aas-aasida ciidanka heeganka Bariga Afrika.

Golaha Shacabka ee BJFS oo ka dooday heshiiska aas-aasida ciidanka heeganka Bariga Afrika.

November 26, 2025
Wasiirka Caddaaladda oo soo xiray kulan lagu qiimeeyay horumarka Caddaaladda iyo Asluubta.

Wasiirka Caddaaladda oo soo xiray kulan lagu qiimeeyay horumarka Caddaaladda iyo Asluubta.

November 26, 2025

Ugu horayn Madaxweyanha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa u tacsiyeeyey shacabka reer Puntland, qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay qaryaqqankii Guud ee Puntland Marxuum Maxamed Muuse Ismaaciil Muuse, isagoo Alle uga baryey in uu u naxariisto denbigiisana dhaafo, qabrigana u waasiciyo marxuumka.

“Waxaan halkaan isugu nimid aaska (AUN) garyaqaankii guud ee Dawlad goboleedka Puntland Marxuum Maxamed Muuse Ismaaciil illaahey ha’u naxariisto. Illaahay danbigiisa ha dhaafo, ehelkii iyo qaraabadii uu ka tageyna samir iyo imaan Allaha ka siiyo iyo  dhamaan shacab weynaha Puntland oo uu u’ahaa mudo garyaqaanka guud ee dawladda, runtiina ahaa nin wanaagsan oo sharqan yar oo qunyar socoda oo runtii aan isleeyahay nin aad u dhibyar buu ahaa AUN, shaqo wanaagsan buu dalka u hayey intii uu u soo shaqeenayey wuxuuna  ahaa nin shaqadiisa ka adag kuna asturan, kuna ceeb yar (AUN) Puntland iyo shacbigeedana waan uga tacsi yadeeynayaa dhammaanteed” ayuu yidhi Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Ugu danbayn, Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxaa uu Illahay uga baryey inuu u naxariisto denbigiisana dhaafo marxuumka, camalkiisa inta wanaagsana Alle ku abaal mariyo, samir iyo iimaana Alle ka siiyo shacabka Puntland, eheladii, qarabadii iyo qoysaskii uu ka baxay.

Previous Post

Safaaradda Jamhuuriyadda Jabuuti ee Suudaan oo baroordiiq u sameysay Ra’sul Wasaarahii hore Barkhad “SAWIRRO”

Next Post

Agaasime Guud ee Hay’adda Socdaalka oo booqday xarunta Qunsuliyadda guud ee magaalada Jeddah “SAWIRRO”

Next Post
Agaasime Guud ee Hay’adda Socdaalka oo booqday xarunta Qunsuliyadda guud ee magaalada Jeddah “SAWIRRO”

Agaasime Guud ee Hay'adda Socdaalka oo booqday xarunta Qunsuliyadda guud ee magaalada Jeddah "SAWIRRO"

Golaha Shacabka ee BJFS oo ka dooday heshiiska aas-aasida ciidanka heeganka Bariga Afrika.

Golaha Shacabka ee BJFS oo ka dooday heshiiska aas-aasida ciidanka heeganka Bariga Afrika.

November 26, 2025
0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga todobaad kulankiisa 15-aad, waxaana shir...

Wasiirka Caddaaladda oo soo xiray kulan lagu qiimeeyay horumarka Caddaaladda iyo Asluubta.

Wasiirka Caddaaladda oo soo xiray kulan lagu qiimeeyay horumarka Caddaaladda iyo Asluubta.

November 26, 2025
0

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah u soo...

Waxaa maalintii seddexaad galay shirweynahan Culimada Soomaaliyeed. 

Waxaa maalintii seddexaad galay shirweynahan Culimada Soomaaliyeed. 

November 26, 2025
0

Shirweynahan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS, ayaa maanta diiradda lagu saaray dood cilmiyeedyo kala...

Wasiirka Warfaafinta oo Qaahira uga qeyb-galaya Shirka 55-aad ee Wasiirrada Warfaafinta Carabta.

Wasiirka Warfaafinta oo Qaahira uga qeyb-galaya Shirka 55-aad ee Wasiirrada Warfaafinta Carabta.

November 26, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In