Thursday, July 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Agaasime Guud ee Hay’adda Socdaalka oo booqday xarunta Qunsuliyadda guud ee magaalada Jeddah “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Agaasime Guud ee Hay’adda Socdaalka oo booqday xarunta Qunsuliyadda guud ee magaalada Jeddah “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Agaasimaga guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, Col; Maxamed Aadan Koofi  oo uu wehliyo Agaasimaha Waaxda xiriirka dibadda ee HSJ oo Safar shaqo ku jooga Dalka Sacuudiga, ayaa booqdey Xarunta Qunsuliyadda guud ee magaalada Jeddah.

Ujeedka booqashada Agaasimaha ayaa aheyd  u kuurgelidda habsami u socodka howlaha bixinta baasaboorka iyo kaarka Aqoonsiga ee Safaaradda Soomaaliya ee Riyaad iyo Qunsuliyadda guud ee Jeddah.

Related posts

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Taliska Ciidanka XDS oo faahfaahin ka bixiyay howlgalkii ka dhacay deegaanka Teedaan

July 22, 2026
Shir Madaxeedka 25-aad ee Aan Caadiga Ahayn ee Midowga Afrika oo lagu qabtay dalka Ghana

Shir Madaxeedka 25-aad ee Aan Caadiga Ahayn ee Midowga Afrika oo lagu qabtay dalka Ghana

July 22, 2026

Agaasimaha ayaa sidoo kale inta uu halkaasi joogo waxa uu xallin doonaa caqabado iyo cabashooyin soo noqnoqdey oo la xariira arrimaha baasaboorka iyo Kaarka Aqoonsiga, isagoo kulamo la yeelan doona mas’uuliyiinta waaxda socdaalka iyo jinsiyadda ee Dalka Sacuudi Carabiya.

Agaasime Koofi ayaa sidoo kale waxa uu kulan gaar ah la qaatay ku simaha Qunsulka guud iyo Diblomaasiyiinta kala duwan ee ka howlgalla qunsuliyadda guud, waxayna ka wada haldeen ilaalinta sharciyada guud ee Dalka, gaar ahaan hab-raacyada bixinta Baasaboorka, Kaarka Aqoonsiga iyo habraaca bixinta Dal-ku galka (Visaha).

Ugu danbeyn Agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa inta uu joogo Sacuudiga ka dhageysan doona bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Dalka Sacuudiga cabashooyinka ay qabaan, iyagoo usoo jeedin doono  talooyin la xariira Xafiiska ay Hay’addu ku leedahay Safarada Soomaliya ee Dalka Sacuudiga.

Previous Post

Madaxweynaha Puntland oo ka qayb galay aas loo sameeyey Garyaqaanka Guud ee Puntland “SAWIRRO”

Next Post

Maamulka Gobolka Gedo oo ku baaqay in laga hortago dhismaha Darbiga Dowladda Kenya ay ka waddo Xadka labada dal “Dhageyso”

Next Post
Maamulka Gobolka Gedo oo ku baaqay in laga hortago dhismaha Darbiga Dowladda Kenya ay ka waddo Xadka labada dal “Dhageyso”

Maamulka Gobolka Gedo oo ku baaqay in laga hortago dhismaha Darbiga Dowladda Kenya ay ka waddo Xadka labada dal "Dhageyso"

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Taliska Ciidanka XDS oo faahfaahin ka bixiyay howlgalkii ka dhacay deegaanka Teedaan

July 22, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Saaxiibbada Caalamka, ayaa 21-kii bishan fuliyay howlgal duqeyn cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday deegaanka...

Shir Madaxeedka 25-aad ee Aan Caadiga Ahayn ee Midowga Afrika oo lagu qabtay dalka Ghana

Shir Madaxeedka 25-aad ee Aan Caadiga Ahayn ee Midowga Afrika oo lagu qabtay dalka Ghana

July 22, 2026
0

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadam, oo ku matalayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo olole doorasho ku qabtay Degmada Caabudwaq

Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo olole doorasho ku qabtay Degmada Caabudwaq

July 22, 2026
0

Waxaa Degmada Caabudwaq ka qabsoomay kulan iyo olole ballaaran oo lagu taageerayey musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran ee u taagan...

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Koonfurta Kuuriya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Koonfurta Kuuriya

July 22, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In