Isu so baxaan ballaaran oo ay ka so qeyb galeen qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee ku nool degmadda Baled Xaawo ee gobolka Gedo, laguna taagerayay heshiiskii shalay ka dhacay demada Mandheere ee ku saabsanaa joojinta dhismaha darbiga ay Kenya ka wado xadka labada degmo oo ay ku heshiiyeen masuuliyiin ka kala socotay Jubbaland iyo gobolka waqooyi bari , ayaa maanta ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka gedo.
Shacabka Soomaliyeed, ayaa soo dhoweeyay go’aandii kasoo baxay shirkaasi, islamarkana waxa ay boggaadiyeen dadaalada Dowladda Soomaaliya ay ku doonayso in ay ku dhamayso xaaladda Xuduuda u dhaxayso Baledxawo iyo Mandhera.
Waxaa bulshadda hakaasi kula hadlay Guddoomiyaha gobolka Gedo Mudane Maxamed Muxumed iyo Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Jubaland, waxayna shacabka faah faahin ka siiyeen waxyaabihii ka so baxay shirkii shalay ay wada yeesheen Soomaaliya iyo Kenya, iyaggoona tilmaamay in xaaladda ka taagan soohdinta Baled Xaawo iyo Mandheera ay iska arki doonaan labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya, hayeeshee shacabka Soomaliyeed ay ka shaqeeyaan Xasiloonida labada degmo.
Qaar ka mid ah bulshadda Soomaliyeed oo halkaasi ka hadlay ayaa iyagguna dhankooda boggaadiyay talaabadan ay qaadeen Madaxda dowladda Soomaaliya ee ku aadan joojinta dhismaha darbiga, iyagoo sheegay in ay uga dambayn doonaan go’aanada kasooo bixi doono kulamada ay ku balan san yihiin labada Madaxweyne.