Thursday, June 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha JFS oo codsaday in habka Dhaqaalo u raadinta Ciidanka Amisom  lagu daro sidii Ciidanka Qaranka loogu heli lahaa dhaqaalo 

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay geerida R/Wasaarihii hore ee Jabuuti Marxuum Barkat Gourad
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

WAR SAXAAFADEED: Ciidamada Dowladda oo howlgal ka fuliyay Masaajid Cali-guduud iyo Buq-aqable

WAR SAXAAFADEED: Ciidamada Dowladda oo howlgal ka fuliyay Masaajid Cali-guduud iyo Buq-aqable

June 3, 2026
Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

June 2, 2026

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa siwadajir ah ula kulamay masuuliyiin ka kala socday  Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika oo ay kala hogaaminayeen Jean-Marie Guehenno iyo Ramtana Lamamra oo loo xilsaaray ka shaqeynta arimaha dhaqaalo u raadinta Howlgalka Amisom ee somaliya.

Masuuliyiintan ka socotay Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika  ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Farmaajo dadaalada dib u heshiisnta uu dalka ka wado, iyagoo soo dhaweeyey talaabadii uu qaaday xalinta qilaafka Baarlamanka Soomaaliya, waxaana ay muujyeen sida ay beesha caalamka uga go’antahay garab istaaga Soomaaliya.

Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen danjirayaasah gaarka ee Qaramada Midoobay iyo Midowaga Afrika u qaabilsan arimaha Soomaaliya M.Keting iyo Francisco Madeira ayuu Madaxweyne Farmaajo wuxuu kaga hadlay ahmiyada Dhismaha Ciidanka u leeyihiin Dowladda uu hogaaminayo oo uu sheegay madaxweynuhu inuu gacanta ku hayo dib u habeynta Ciidamada qalabka sida oo uu xusay Madaxweyne Farmaajo inuu ku rajo weynyahay  inay ku filnaan doonaan Amniga dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka codsaday in habka Dhaqaalo u raadinta Ciidanka Amisom ee ay wada jirka uga shaqeenayaan Midowaga afrika iyo Qaramada Midoobay lagu daro in si la mid ah ay ciidanka Soomaaliya loogu helo dhaqaalo u suuragaliya inay ku filnaada masuuliyada Amniga dalkooda.

Kulanka oo sidoo kale looga hadlay arimaha dib u heshiisnata,tayeenta ciidanka  iyo ladagaalanka Arga gaxisada ayaa Madaxweyne Farmaajo waxa ka hadlay qorshaha ay dowlada soomaliya e ku aadan la dagaalanka aragaxisada ayada oo markasta laga fakaryo yareenta qatar soo gaari karta dadka rayidka ah.

Kulanka Madaxweyneha Soomaaliya iyo Masuuliyiintan ka kala socday Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ayaa kusoo aadaya iyadoo Madaxweynaha Farmaajo uu horaanta Bishii hore u dagay Wasaarada Gashaandhiga si uu waqti badan u galiyo dib u dhiska Ciidanka Xoogga taas oo muujineysa ka go’naashaha Dowlada Soomaaliya dib u dhiska Ciidamadeeda.

Previous Post

R/wasaaraha Soomaaliya oo wasaaradda Maaliyadda ku bogaadiyay kobcinta Dakhliga 3-dii bilood ee la soo dhaafay “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay wafdi ka socda Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay wafdi ka socda Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika “SAWIRRO”

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay wafdi ka socda Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika “SAWIRRO”

WAR SAXAAFADEED: Ciidamada Dowladda oo howlgal ka fuliyay Masaajid Cali-guduud iyo Buq-aqable

WAR SAXAAFADEED: Ciidamada Dowladda oo howlgal ka fuliyay Masaajid Cali-guduud iyo Buq-aqable

June 3, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo qorsheysan oo ka kala dhacay deegaannada Masaajid...

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

June 2, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan, Md. Cali Yaasin Gurbe, ayaa maanta ka qeyb galay shir heer sare ah...

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

June 2, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya – 2 Juun 2026: Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Gen. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa...

Xildhibaannada cusub ee KGS oo loo furay tababar la xariira Doorashooyinka

Xildhibaannada cusub ee KGS oo loo furay tababar la xariira Doorashooyinka

June 2, 2026
0

Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta magaalada Baydhabo loogu furay tababar lagu xoojinayo fahamkooda ku aaddan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In