Thursday, February 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Maareeye” Wasaaradda Warfaafinta Waa Mashiinka soo celinta Dowladnimada Soomaaliya,”

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Wasiir Maareeye” Wasaaradda Warfaafinta Waa Mashiinka soo celinta Dowladnimada Soomaaliya,”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Soomaaliya iyo Masar oo Yeeshay La-Tashiyo ay ku Xoojinayaan Iskaashiga Istaraatiijiga ah ee Labada Dal

Soomaaliya iyo Masar oo Yeeshay La-Tashiyo ay ku Xoojinayaan Iskaashiga Istaraatiijiga ah ee Labada Dal

February 5, 2026
Guddiga Kheyraadka ee Aqalka Sare oo kulan la qaatay Mas’uuliyiinta Wasaaradda Batroolka

Guddiga Kheyraadka ee Aqalka Sare oo kulan la qaatay Mas’uuliyiinta Wasaaradda Batroolka

February 5, 2026

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdi Xayir “Maareeye” oo khudbad ka jeedinayay Munaasabad lagu xusayay 35- Sana guuradii kasoo wareegatay aas-aaska TV-ga Qaranka Soomaaliyeed  oo xalay lagu qabtay xarunta Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliyeed ayaa sheegay in Wasaaradda Warfaafinta ay tahay Wasaarad muhiim u ah soo celinta Dowladnimada Soomaaliya.

“ Runtii waa la sheegay muhiimadda Wasaaradda Warfaafinta, Waana mashiinka soo celinta Dowladnimada Soomaalliya,waxaa la yiraahdaa nolosha labo ayay ku horumartaa,waxay ku horumartaa Information iyo Aqoon, labadaba Wasaaraddaa ayaa faafisa,Qofka waa inuu Aqoon leeyahay waana inuu Aqbaar helaa markaasi ayuu wax qaban karaa,labadaba sidaan sheegay warbaahinta ayaa laga heli karaa,marka Wasaarad aad iyo aad u muhiim ah weeye,” ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa Yiri” Anigu haddaan Ra’iisal wasaare ahaan lahaa dalkanna halkan uu mari lahaa saddex Wasaaradood keliya operationka ugu weyn xoogga saari lahaa,saddexdaasi oo ah Wasaaradda Warfaafinta,Maaliyadda iyo Wasaaradda Amniga saddexdaasi ayaan muhiimadda siin lahaa,mid quudkii bey keeneysaa,midna dadkey quluubtooda badaeleysaa oo xaqqa ku toosineysaa,nabaddana ku toosineysaa oo nolosha ku toosineysaa waa warfaafinta,midna waa Amnigiyoo marka intaa la helo Qof xun la weyn maayo oo meel socda,markaasi ayay tallaabo ka qaadeysaa.marka saddexdaasi ayaan dhisi lahaa Aniga.”

Wasiir “Maareeye” oo ka sheekeeyay marxaladihii kala duwanaa ay Wasaaradda Warfaafinta,dhaqanka iyo dalxiiska soo martay ayaa sheegay in Wasaaraddani uu labo jeer Wasiir ka soo kala noqday markii ugu horeysay 2005 ilaa iyo 2006-dii iyo sanadkii 2015-tii,isagoona ku amaanay shaqaalihii u soo dhabar adeegay waqtigii adkaa ee ay adkeyd inaad magaalooyinka qaar ku dhex lugeysid.

Wuxuuna ugu hambaleeyay guusha maanta la gaaray,isagoo sheegay in meel adag ay ka keeneen ayna shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta yihiin kuwo naftooda u huray sidii Shacabka u heli lahaayeen warar xaqiiq ah loogana wacyi gelin lahaa qatarta kooxaha nabad diidka ah ee dalka ka jira.

Ugu danbeyntii,ku simaha Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ahna ku-xigeenka Mudane C/raxmaan Iidaan Yoonis ayuu ku booriyay inuu il gaar ah ku eego shaqaalaha wasaaradda Warfaafinta,dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya maadama 24-saac oo xiriir ah ugu shaqeeyaan Bulshadooda.

Taleefishinka Qaranka Soomaaliyeed oo soo maray Marxalado kala duwan ayaa meesha ka baxay wixii ka dambeeyay 1991-kii, waxaana dib loo howl-geliyay Sanaddii 2011-kii, iyadoo ay marba marka ka dambeysa sare usii kacaysay tayadiisa iyo howlaha uu bulshada u hayo.

Previous Post

Waa na wada deeqaaye Nabad ha lagu wada joogo

Next Post

Golaha Ammaanka oo cambareeyay weerarkii Argagixisada Al-Shabaab ku qaadeen Buula-mareer

Next Post

Golaha Ammaanka oo cambareeyay weerarkii Argagixisada Al-Shabaab ku qaadeen Buula-mareer

Soomaaliya iyo Masar oo Yeeshay La-Tashiyo ay ku Xoojinayaan Iskaashiga Istaraatiijiga ah ee Labada Dal

Somalia-Egypt Bilateral Meeting Highlight Strategic Partnership

February 5, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, H.E. Abdisalam Ali held consultations today...

Soomaaliya iyo Masar oo Yeeshay La-Tashiyo ay ku Xoojinayaan Iskaashiga Istaraatiijiga ah ee Labada Dal

Soomaaliya iyo Masar oo Yeeshay La-Tashiyo ay ku Xoojinayaan Iskaashiga Istaraatiijiga ah ee Labada Dal

February 5, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalam Ali ayaa maanta magaalada Qaahira kula yeeshay...

Guddiga Kheyraadka ee Aqalka Sare oo kulan la qaatay Mas’uuliyiinta Wasaaradda Batroolka

Guddiga Kheyraadka ee Aqalka Sare oo kulan la qaatay Mas’uuliyiinta Wasaaradda Batroolka

February 5, 2026
0

Guddiga Kheyraadka Qaranka, Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Aqalka Sare kulan...

Wasiirka Cadaaladda XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Cadaaladda XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

February 5, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macalin Maxamuud ayaa maanta xarunta wasaaradda ku qaabilay Safiirka Dowladda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In