Friday, August 22, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye Jawaari oo iscasilaadiisa uga hor dhawaaqay Golaha Shacabka

admin by admin
April 12, 2018
in Wararka
0
Guddoomiye Jawaari oo iscasilaadiisa uga hor dhawaaqay Golaha Shacabka

????????????????????????????????????

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulanka guud ee golaha oo uu shir guddoominayay kusimaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Mudane C/wali Sheekh Ibraahim Muudey ayaa ugu horeyn waxaa khudbadiisa dhiibista xilka Guddoomiyanimo ee Golaha Shacabka ka jeediyay Guddoomiyihii Golaha Shacabka ee JFS Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ugu mahad celiyay guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed dareenkii wadanimo oo ay muujiyeen, waxaana uu si rasmi ah xilkii Guddoomiyanimo ugu celiyay Golaha oo uu maanta hor tagay.

Guddoomiye Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in dhowr sababood  oo uu u arkay danaha qaranka iyo badbaadada Golaha Shacabka ay keentay inuu ka tanaasulo xilkii Guddoomiyenimo ee Golaha Shacabka.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray Taliska Qeybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray Taliska Qeybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka

August 21, 2025

Soomaaliya oo ka qayb-galeysa Shirweynaha Caalamiga ah ee Horumarinta Afrika (TICAD9) 

August 21, 2025

Waxa uu mahad celin balaaran u jeediyay xildhibaanada Golaha Shacabka,waxaana sidoo kale wuxuu kula dar daarmay in ay iska ilaaliyaan wax walba oo sababaya burburka Golaha iyo in lagu xad gudbo.

Sidoo kale xildhibaanada Golaha ayuu kula dar daarmay in xilka uu isaga baneeyay ee Guddoomiyanimo ee Golaha ay u doortaan qof ka shaqeyn kara horumarka iyo Midnimada Golaha.

Guddoomiye Jawaari waxa uu sheegay inaanu waxba ka jirin warar tan iyo markii uu isagu is casilay lagu qorayay baraha bulshada oo ah inuu lacag ku qaaatay is casilaadiisa isagoo tilmaamay inaanu waxba ka jirin wararkaasi.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay Guddoomiyihii Golaha Shacabka inuusan Golaha meelna uga socon islamarkaana ka xildhibaan ahaan uu ka shaqeyn doono horumarka iyo midnimada dowladnimad Soomaaliyeed.

Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Gudoomiyihii Golaha Shacabka ee JFS ayaa markii ugu horeysay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya loo doortay 28-kii Agoosto sanadkii 2012-kii isagoo ahaa ilaa dhamaadkii 2016-kii, waxaana mar kale 11-kii Bishii Januray sanadii 2017-kii loo doortay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee JFS.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa sida uu qabo xeer hoosaadka Golaha Shacabka mudo 15-maalin ah oo ka bilaabaneysa maalinta uu gudoomiyaha iscasiladiisa Golaha ka hor sheego oo maanta ah kusoo dooranaya Gudoomiye Cusub.

Previous Post

FAALLO:Munaasabadda 12-ka Apriil ee aas-aaska Ciidanka Xoogga Dalka oo Muqdisho ka dhacday

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay Xuska Sannad Guurada 58-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed+sawiro

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay Xuska Sannad Guurada 58-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed+sawiro

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay Xuska Sannad Guurada 58-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed+sawiro

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray Taliska Qeybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray Taliska Qeybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka

August 21, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Madaxweynaha Dowlad...

Soomaaliya oo ka qayb-galeysa Shirweynaha Caalamiga ah ee Horumarinta Afrika (TICAD9) 

August 21, 2025
0

Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo uu hoggaaminayo Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamuud Cabdullaahi Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Hindise Sharciyeedka Dambiyada Saybarka Soomaaliya

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Hindise Sharciyeedka Dambiyada Saybarka Soomaaliya

August 21, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa ansixiyey Hindise Sharciyeedka Dambiyada Saybarka Soomaaliya, oo...

Shirweynaha dhallinyarada Soomaaliyeed ee Isbeddelka Cimilada oo ka furmay Muqdisho

Shirweynaha dhallinyarada Soomaaliyeed ee Isbeddelka Cimilada oo ka furmay Muqdisho

August 21, 2025
0

Shirweynaha Dhallinyarada Soomaaliyeed ee Isbeddelka Cimilada 2025 ayaa si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho, gaar ahaan Hotel Jazeera, maanta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In