Iyadoo deegaano ka tirsan Hirshabeele ay ka socdaan howlgallo ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab ayaa maanta Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha dhexe waxaa gaaray masuuliyiin ka tirsan Maamulka gobolka iyo Saraakiil ka socotay Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, taasi oo qeyb ka ah qorshe lagu xoojinayo howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Ujeedka ayaa ahaa ka qeybgalka munaasabad uu xilka kula wareegayay Guddoomiyaha cusub ee Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelada Dhexe, iyadoo halkaasina lageeyey ciidamo lagu xoojiyo amniga deegaankaasi, sida uu soo sheegayo wariyeheena Abuukar Maxamed Bacaadle.
Guddoomiyaha cusub ee maamulka Degmada Mahadaay Axmed Xuseen Afrax oo maanta xilka la wareegay ayaa ka codsaday bulshada in ay kala shaqeeyaan amniga iyo horumarka deegaanka.
Taliyaha qeybta 27aad ee Ciidanka Xoogga dalka Maxamed Maxamuud Macalin Koronto oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in la xureyn doono dhammaan deegaannada Hirshabeelle inta ka maqan gacanta Dowladda oo ay ku dhuumaaleysanayaan maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Taliye Koronto ayaa intaasi ku daray in dhawaan ay qaadi doonaan howlgal ballaaran oo Al-Shabaab looga sifeynayo deegaanada ay kaga sugan yihiin Hirshabeele, isagoo shacabka ka codsaday inay sii xoojiyaan la shaqeynta ciidamada Xoogga Dalka.