Sunday, July 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye Yarisow oo kormeeray goobaha ay ka socdaan howlaha bilic soo celinta Degmooyinka Gobolka Benaadir “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Guddoomiye Yarisow oo kormeeray goobaha ay ka socdaan howlaha bilic soo celinta Degmooyinka Gobolka Benaadir “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 20ka Abriil, 2018– Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Caasimadda Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa kormeeray goobaha ay ka socdaan howlaha bilic soo-celinta iyo nadaafadda Gobolka.

Guddoomiyaha oo goobahaas kula kulmay masuuliyiinta heer gobol iyo heer degmo ayaa faray in ay dardar geliyaan howlaha bilicda iyo nadaafadda, maadama la galay xilli roobaadka, loona baahanyahay in shaqo badan laga qabto gudaha magaalada.

Related posts

Furitaanka Kalfadhiga 8-aad ee Labada Aqal ee BJFS oo la shaaciyay

Furitaanka Kalfadhiga 8-aad ee Labada Aqal ee BJFS oo la shaaciyay

July 19, 2026
Madaxweynaha Shiinaha oo ku baaqay in Sirdoonka Macmalka ah (AI) loo adeegsado horumarka aadanaha

Madaxweynaha Shiinaha oo ku baaqay in Sirdoonka Macmalka ah (AI) loo adeegsado horumarka aadanaha

July 19, 2026

Guddoomiyaha oo tilmaamay mudnaanta ay siinayaan ilaalinta bilicda iyo faya dhowrka Caasimadda ayaa sheegay in Maamul ahaan ay kala shaqeeynayaan degmo kasta oo ka tirsan Gobolka Benaadir sidii ay ugu fududeeyn lahaayeen qalabka iyo taageerada muhiimka u ah howlaha nadiifinta iyo ilaalinta deegaanka.

“Masuuliyad wayn ayaa maamulka degmooyinka ka saaran in ay ka shaqeeyaana nadiifinta goobaha ay biyaha iyo caradu fariisteen kaddib roobabkii da’ay, sidaas darteed waxaan farayaa in ay u gutaan masuuliyaddaas sida ugu haboon uguna macquulsan, sababtoo ah ma aqbali karno in ay hoos u dhacdo bilicda iyo nadaafadda Caasimadda shacabka Soomaaliyeed.”ayuu yiri Eng.Yarisow.

Guddoomiye Yarisow ayaa sheegay in uu si dhow ula socon doono shaqooynka ay ka qabtaan Maamulka Degmooyinku iyo laamaha faya dhowrka heer Gobol ilaalinta bilicda iyo nadaafadda, iyadoona kormeerro joogta ah oo ku saabsan arrinkan uu degmo kasta ku tagi doono.

Guddoomiyaha ayaa ugu baqaay shacabka Gobolka Benaadir in ay la shaqeeyaan howl-wadeennada u taagan habeen iyo maalin ilaalinta bilicda iyo faya dhowrka Gobolka, isagoona si gaar ah uga codsaday gaadiidleeyda in ay dul-qaataan wakhtiyada kooban ee laga shaqeeynayo daryeelka waddooyinka gudaha magaalada.

–DHAMMAAD—

Previous Post

Soomaaliya Oo U Gudubtay Semi Final-ka Cecafa

Next Post

Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya oo sheegtay in 19-ka bisha May 27-kun oo arday ay u fariisan doonaan imtixaanada mideysan ee dugsiyada dalka

Next Post
Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya oo sheegtay in 19-ka bisha May 27-kun oo arday ay u fariisan doonaan imtixaanada mideysan ee dugsiyada  dalka

Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya oo sheegtay in 19-ka bisha May 27-kun oo arday ay u fariisan doonaan imtixaanada mideysan ee dugsiyada dalka

Furitaanka Kalfadhiga 8-aad ee Labada Aqal ee BJFS oo la shaaciyay

Furitaanka Kalfadhiga 8-aad ee Labada Aqal ee BJFS oo la shaaciyay

July 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaaciyey in 1-da Agoosto la furi...

Madaxweynaha Shiinaha oo ku baaqay in Sirdoonka Macmalka ah (AI) loo adeegsado horumarka aadanaha

Madaxweynaha Shiinaha oo ku baaqay in Sirdoonka Macmalka ah (AI) loo adeegsado horumarka aadanaha

July 19, 2026
0

Beijing/Shanghai – 17 Luulyo 2026 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha, Xi Jinping, ayaa ku baaqay in dunidu ka faa’iidaysato fursadaha uu...

Wasaaradda Warfaafinta XFS oo ka tacsiyadaysay geerida marxuum Xasan Bile

Wasaaradda Warfaafinta XFS oo ka tacsiyadaysay geerida marxuum Xasan Bile

July 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfitaax Qaasim Maxamuud, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf...

Taliska Qeybta 27-aad ee CXDS oo digniin adag u diray dadka la shaqeeya Khawaarijta ee Gobolka Hiiraan

Taliska Qeybta 27-aad ee CXDS oo digniin adag u diray dadka la shaqeeya Khawaarijta ee Gobolka Hiiraan

July 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO(HIIRAAN):-Cornel Cali Axmed Xaashi (Cali Cagey), Taliyaha Qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa digniin adag u diray...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In