Wednesday, July 2, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidanka Xoogga Dalka iyo AMISOM oo ka qayb qaadanaysa samata bixinta Dadkii ay saameeyeysay fatahaadda Webiga Shabeelle

admin by admin
May 3, 2018
in Wararka
0
Ciidanka Xoogga Dalka iyo AMISOM oo ka qayb qaadanaysa samata bixinta Dadkii ay saameeyeysay fatahaadda Webiga Shabeelle
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

July 2, 2025
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025

Ciidamada nabad ilaalinta Dalka Jabuuti ee qaybta ka ah AMISOM ayaa sheegay inay Magaalada Baladweyne ka daad gureeyeen 10,000 oo Qoys oo ay saameysay fatahaadda Webiga Shabeelle.

Ciidamada nabad ilaalinta AMISOM, ayaa sidoo kale waxaa howl-galladan lagu samata bixinayo Dadka ay saamaysay fatahaaddu  ku wehliya Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Waxanay sidoo kale halkaasi ka wadaan Ciidamadu caawinta Dadka jilicsan ee aan Biyaha ka bixi karin iyo gaarsiinta gargaarka Bini’aaddan-nimo ee ay halkaasi geynayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha sama falka.

Taliyaha Ciidanka Jabuuti ee Gobolka Hiiraan Col; C/raxmaan Riyaale Xareed, ayaa warbaahinta u sheegay inay sii wadi doonaan howlaha ay ku samata bixinayaan Dadka ay dhibaatadu kasoo gaadhay fatahaaddu.

“Waxba kama beddeli doonno dedaallada yada ku aaddan samata bixinta Dadka Soomaaliyeed ee ku waxyeelloobay fatahaadda , kuwaasoo ku dhibaataysan degaanka Ceel jaallae” ayuu yidhi Col; Xareed.

Col: C/raxmaan Riyaale Xareed ayaa intaa ku daray in loo baahan yahay taageero dheeri ah, wuxuuna sheegay inaysan Dadku haysan Biyo nadiif ah iyo Cunno toona.

Magaalada Baladweyne oo 335 Km dhanka Waqooyi kaga beegan Magaalada Muqdisho ayaa ah halka ugu daran ee ay waxyeellada ba’an u geysatay Biya baxadu, markii uu karkaarrada jabsaday Webiga Shabeelle, taasoo ay sababeen Roobab lixaad leh oo ka da’ay Soomaaliya iyo Itoobiya.

Isha/ Daily Nation

Previous Post

Wasiir Iidaan “Warbaahinta Soomaaliyeed waxaan ugu hambalyeynayaa 3-da May maalinta xorriyadda hadalka

Next Post

Madaxweynaha Kenya oo balan qaaday inuu sii wadi doono dadaalada nabad raadinta Soomaaliya

Next Post
Madaxweynaha Kenya oo balan qaaday inuu sii wadi doono dadaalada nabad raadinta Soomaaliya

Madaxweynaha Kenya oo balan qaaday inuu sii wadi doono dadaalada nabad raadinta Soomaaliya

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

July 2, 2025
0

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay si rasmi ah u...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025
0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Sevilla ee uu ka...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

July 2, 2025
0

 Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

July 2, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ka qeyb galaya Shirweynaha 4-aad ee Horumarinta Maalgashiga Qaramada Midoobay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In