Friday, July 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hirshabeelle oo ka mahad celisay doorka ay Dowladda federaalka ka geysatay caawinta Dadka ku waxyeelloobay fatahaadda Webiga Shabeelle

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Hirshabeelle oo ka mahad celisay doorka ay Dowladda federaalka ka geysatay caawinta Dadka ku waxyeelloobay fatahaadda Webiga Shabeelle
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Baarlamanka Hirshabeelle, Sheekh Cusmaan Barre Maxamed, ayaa ka mahad celiyay doorka ay Dowladda federaalka Soomaaliya ka geysatay fatahaadda uu Webiga Shabeelle ka geystay Magaalada Baladweyne.

Sheekh Cusmaan , oo Khadka Taleefanka ugu Warramayay Wakaaladda SONNA isagoo ku sugan Magaalada Jowhar, ayaa tilmaamay inay jiraan dedaallo baaxad leh oo ay waddo Dowladda dhexe halkaasna ay gaareen madaxda ugu sarraysa Dalka, balse ayan ku fillayn, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in lasii Laba laabo howsha socota.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyey geerida Wasiirkii Gaashaandhigga Jabuuti

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyey geerida Wasiirkii Gaashaandhigga Jabuuti

July 17, 2026
Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, oo la kulmay dhiggiisa FIFA

Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, oo la kulmay dhiggiisa FIFA

July 16, 2026

Guddoomiye Sheekh Cusmaan Barre ,ayaa sidoo kale sheegay inay jiraan Lacago  badan oo ay ku deeqeen Dowladda Federaalka, Gobolka Banaadir, qaar ka mid ah maamullada Dalka iyo Bulshada Hirshabeelle, wuxuuna intaa raaciyay inay jiraan ballanqaadyo ka imanaya Dowlad Goboleedyada iyo hay’adaha samafalka.

“Runtii gurmad badan waa jiraa Dowladda Soomaaliyaa ugu horreysa oo ku deeqday Lacag badan, Gobolka Banaadir sidoo kale, maamullada kale qaarkood, Reer Hirshabeelle laftooda wey isku gurmadeen, ayuu yiri Guddoomiyuhu.

Sheekh Cusmaan ayaa Dadka ku barakacay daadadkii ka dhashay fatahaadda ku qiyaasay Boqol Kun oo Qoys, wuxuuna intaa raaciyay inay jiraan dhimasho, bur-bur hantiyeed iyo khasaarooyin kale oo sida looga soo kabtaa ay adag tahay.

Hay’adaha gargaarka ayuu ugu baaqay inay sii Laba laabaan dedaallada lagu samata bixinayo Dadka ay saamaysay fatahaadda, isagoo  walaac ka muujiyay Garoonka Diyaaradaha oo ku xirmay Roobab iyo Daadad is biirsaday, taasoo gaabis ku keeni karta gurmadkii loo fidin lahaa Dadka ku tabaalaysan duleeddada Magaalada Baladweyne.

Guddoomiyaha Baarlamanka maamulka Hirshabeelle ,ayaa sheegay inay xallin doonaan cabashooyinka ka yimmaadda Bulshada dhibbanayaasha ah xilliyada ay dhacaan musiibooyinkan oo kale, wuxuuna ballan qaaday inay si habsami leh u gaarsiin doonaan Dadka loogu tala galay deeqaha kala duwan ee ka yimid Dowladda federaalka iyo hay’adaha caalamiga ah ee samafalayaasha ah.

Previous Post

Ra”iisul Wasaare Kheyre iyo Wefdi uu hogaaminayo oo dalka dib ugu soo laabtay

Next Post

Tababar loo soo xiray Ciidan ka tirsan Ururka 60-aad ee qaabilsan Ilaalada Madaxtooyada+Sawirro

Next Post
Tababar loo soo xiray  Ciidan ka tirsan Ururka 60-aad ee qaabilsan Ilaalada Madaxtooyada+Sawirro

Tababar loo soo xiray Ciidan ka tirsan Ururka 60-aad ee qaabilsan Ilaalada Madaxtooyada+Sawirro

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyey geerida Wasiirkii Gaashaandhigga Jabuuti

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyey geerida Wasiirkii Gaashaandhigga Jabuuti

July 17, 2026
0

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA WASIIRKII GAASHAANDHIGGA DALKA JABUUTI   Muqdisho, Luuliyo, 17, 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, oo la kulmay dhiggiisa FIFA

Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, oo la kulmay dhiggiisa FIFA

July 16, 2026
0

Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, ahna Madaxweyne Ku-xigeenka CECAFA, Mudane Cali Cabdi Maxamed, ayaa caawa kulan miro-dhal ah la...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Dowlada Jabuuti ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Dowlada Jabuuti ee Soomaaliya

July 16, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Jabuuti u qaabilsan Soomaaliya...

Hay’adds SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan deegaannada Kabxanleey iyo Deefow

Hay’adds SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan deegaannada Kabxanleey iyo Deefow

July 16, 2026
0

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa maanta bulshada ku nool deegaannada Kabxanleey iyo Deefow ee hoostaga magaalada Beledweyne, xarunta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In