Friday, September 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye Yariisow oo dhagax dhigay xarunta deb demis iyo gurmadka deg dega ah ee Hodan

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Guddoomiye Yariisow oo dhagax dhigay xarunta deb demis iyo gurmadka deg dega ah ee Hodan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

September 3, 2026
Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

September 3, 2026

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa dhagax-dhigay xarunta Dabdamiska iyo Gurmadka deg-degga ah oo laga hirgeliyay degmada Hodan, gaar ahaan Waaxda Xaawo Taako, xaruntan ayaa loogu adeegi doono degmooyinka isku xiran ee Qeybta Waliyow Cadde sida Hodan, Waaberi, Howl-Wadaag iyo Xamar Jajab.

Eng. Yarisow oo dhagax-dhigga kadib hadlay ayaa tilmaamay in Hodan ay tahay degmadii ugu horeysay ee mashruucan laga fuliyay, waxuna xusay in furitaanka xarumaha gurmadku ay muhiim u yihiin bulshada deegaanka.

Duqa Caasimadda ayaa xusay in guud ahaan degmooyinka kale laga hirgelin doono mashruucan, si shacabka loogu dhaweeyo dawladnimada, isagoo xusay boqolkii maalmood ee ugu horeeyey maamulka uu hoggaamiyo in guulo wax ku ool ah laga gaaray baahinta adeegyada bulshada ee horey dhibaato shacabka uga haysatay.

Guddoomiyaha ayaa waxaa munaasabadda dhagax-dhigga ku weheliyey Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Xuseen Maxamed Nuur, Guddoomiyaha degmada Hodan Mudane Maxamed Axmed Cantoobo iyo Agaasimaha Xafiiska Duqa Marwo Nimco Axmed.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ayaa kormeeray wadada isku xirta Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha oo meel wanaagsan mareyo dhisamaha laami saarida ah ee wadadani oo in muda ah bur bursaneyd isla-markaana ay marideeda dhibaatooyin ku qabeen bulshada iyo gaadiidka isticmaala.

Gudoomiyaha gobolka Benaadir, waxuu bogaadiyey isku tashiga shacabka, ganacsatada iyo maamullada degmooyinka Hodan iyo Howl-wadaag oo kaalin muhiim ah ka qaatay hirgelinta wadadan, waxuna ku baaqay in loo istaago dhismaha jidadka Caasimadda, lana bixiyo canshuuraha si bulshadu u hesho adeegga ay u baahan yihiin.

Previous Post

Ra’iisal Wasaaraha XFS oo kormeeray xarunta dhexe ee Maamulka Hawada Dalka “SAWIRRO”

Next Post

Taliye ku-xigeenka Booliska gaarka ah ee Galmudug oo gaarey magaalada Hobyo

Next Post
Taliye ku-xigeenka Booliska gaarka ah ee Galmudug oo gaarey magaalada Hobyo

Taliye ku-xigeenka Booliska gaarka ah ee Galmudug oo gaarey magaalada Hobyo

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

September 3, 2026
0

Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa gaarsiisay deeq gargaar raashin ah kumannaan qoys oo nugul oo ku nool deegaanno...

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

September 3, 2026
0

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa maanta kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda, kaas oo diiradda...

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

September 2, 2026
0

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya iyo Jaamacadda Doha ee Sayniska iyo Tiknoolajiyada (UDST) ayaa magaalada Doxa ku...

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

September 2, 2026
0

Shaqaalaha duulista Kenya ayaa Talaadadii soo afjaray shaqo-joojintii laba maalmood socotay, kaddib markii ay heshiis la gaareen dowladda iyo hay’adaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In