Wednesday, March 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

WARBIXIN:-30 ilmiriqsi oo kasta geedaa laga jaraa Soomaaliya oo dhuxul looga dhigo

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Kenya oo mamnuucday ka ganacsiga Dhuxusha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚  𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 oo  𝟓𝟎 𝐁𝐨𝐨𝐲𝐚𝐝𝐨𝐨𝐝 𝐨𝐨 𝐁𝐢𝐲𝐨 𝐚𝐡 𝐆𝐚𝐚𝐫𝐬𝐢𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐃𝐞𝐞𝐠𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐥𝐪𝐚𝐥𝐨𝐨𝐜𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐃𝐡𝐚𝐰𝐚𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐊𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐜𝐝𝐚𝐲 𝐃𝐡𝐢𝐦𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐥𝐚 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐭𝐚 𝐁𝐢𝐲𝐨 𝐋𝐚’𝐚𝐚n

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 oo 𝟓𝟎 𝐁𝐨𝐨𝐲𝐚𝐝𝐨𝐨𝐝 𝐨𝐨 𝐁𝐢𝐲𝐨 𝐚𝐡 𝐆𝐚𝐚𝐫𝐬𝐢𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐃𝐞𝐞𝐠𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐥𝐪𝐚𝐥𝐨𝐨𝐜𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐃𝐡𝐚𝐰𝐚𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐊𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐜𝐝𝐚𝐲 𝐃𝐡𝐢𝐦𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐥𝐚 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐭𝐚 𝐁𝐢𝐲𝐨 𝐋𝐚’𝐚𝐚n

March 4, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo qaabilay James Swan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo qaabilay James Swan

March 4, 2026
Golaha Amaanka ee qaramada midoobay ayaa sanadkii 2012-kii uu meel mariyay sharci mamnuucaya dhoofinta iyo in laga ganacsado dhuxusha dhulka Soomaalida laga gubo.

Mid ka mid ah dadka ololeeya la dagaanka xaalufinta dhulka ayaa sheegay in 80% dhuxusha laga jaro Soomaaliya loo dhoofiyo dalka dibadiisa iyada oo qiyaastii waxa ka yar laga isticmaalo gudaha dalka.

Faarax Mahamuud Mohamed oo ah Guddoomiyaha ururka Badbaadinta Bii’adda Soomaaliyeed ayaa waxa uu Warbaahinta u sheegay in lagu qiyaasayo lacagta laga helo dhuxusha laga dhoofiyo Soomaaliya in ka badan 15 milyan oo doolar sanadkiiba, isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa kaloo uu sheegay in kasta oo Qaramada Midoobay ay soo saareen qaraar mamnuucaya dhoofinta iyo ka ganacsiga dhuxusha in hadana joojinta iyo la dagaalanka xaalufunta dhulka ay tahay arin u taalla dadka Soomaalida ah.
Dalalka ugu badan ee loo dhoofiyo dhuxusha Soomaaliya ayaa waxa ka mid ah Sacuudiga , Imaaraadka Carabta,Qadar,Kuwait iyo wadamo kale.

War qoraal ah oo ka soo baxay Dowlada Federaalka Soomaaliya sanadkii 2012 -kii ayaa lagu sheegay in Dowlada Soomaaliya mamnuucday in wax dhuxul ah laga dhoofiyo Dekedda Kismaayo, qoraalka Dowlada ayaa lagu sheegay in ay Dowladu u hogaansami doonto qaraarkii horay ay u soo saareen Golaha Ammaanku, kaasi oo si cad u mamnuucayay dhoofinta dhuxusha Soomaaliya, waxay kaloo xustay inay ka go’an tahay in la qaado talaabo kasta oo lagu dhaqan gelin karo go’aanka Golaha Amaanka.

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa go’aan ugu gaaray in la joojiyo dhuxusha laga soo dhoofiyo Soomaaliya, kadib markii la ogaaday in Kooxda Al-shabaab ay dhuxushaasi ka hesho sanad walba malaayiin doolar, iyadoo Madaxweynaha Maraykanka ee xilligaasi Mr: Barak Obama ayaa isna saxiixay wareegto mamnuucaysa dhoofinta dhuxusha, taasi oo lagu xoojinayey qaraarka Golaha Amaanka .

Haddaba Shirweyne caalami ah oo looga hadlayo dhuxusha ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho, kaasi oo soconayay muddo labo maalmood ah, waxaana qabanqaabadiisa lahaa hey’adaha Qaramada Midoobay ee UNDP iyo FAO , halka ay hormuud ka tahay dowladda Soomaaliya, iyadoo ay ka qeybgaleen xeeldheerayaal xagga deegaanka ah oo ka kala yimid Caalamka daafahiisa.

Shirka ayaa waxaa diirada lagu saarayaa sidii loo heli lahaa badal ka habboon isticmaalka dhuxusha oo ay dadka wax ku karsadaan, si loo dhimo amaba loo joojiyo guud ahaan jarista dhirta.

Waxaa la sheegay in 30 ilmiriqsi oo kasta geed la jaro Soomaaliya, si dhuxul looga dhigo, dhuxushaasi oo inta badan loo dhoofiyo dalalka Carabta, halkaasi oo aad looga jecelyahay dhuxusha Soomaaliya laga dhoofiyo.

Ra’isulwasaare ku xigeenka Soomaaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo furitaankii shirka ka hadlay ayaa yiri “Waxaan u baahanahay in aan u wajahno si dhab ah arrimaha dhuxusha Soomaaliya, dalabka iyo daabulka waa in wax laga qabtaa labadaba, si ay taas u suurtogasho waxaan u baahanahay iskaashi in la fuliyo qaraaradii Golaha Amaanka , lana hubiyo in laga hortago qasaaraha deegaanka , dhaqaalaha iyo dadkaba gaaraya”, waxa uu intaas ku daray in xaalufka uu horseeday abaaro, daadad iyo in dad iyo duunyaba ay ku naf waayeen saameynta ka dhalatay.

Tirikoob la sameeyay intii u dhaxeysay sanadkii 2011 ilaa iyo 2017 ayaa la sheegay in 8.2 Malyan oo geed laga jaray Dhulka soomaaliyeed, halka 384 Malyan oo Doolarka laga sameeyo sanadkiiba, halka lacagaha ay canshuur ahaan u qaadaan Kooxda al-shabaab ay tahay 25 Malyan oo Doolar, tirikoobkaasi waxaa shaacisay Qaramada Midoobay.

Warbixino isdabo-joog ah oo sanadihii la soo dhaafay uu soo saarayay guddiga kormeerka cunaqabataynta hubka Soomaaliya iyo Eritrea ayaa waxaa lagu sheegay in dhuxusha laga dhoofiyo dekadaha koonfurta Soomaaliya ku yaala, oo ay ka mid tahay Kismaayo, halkaasi oo ay ku sugan yihiin Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlad goboleedka Jubbaland.

Warbixinta kooxda kormeerka waxaa kaloo lagu sheegay in Alshabaab ay dhuxusha ku Canshuurto dhulka miyiga ah ee laga soo jaro, halkaasi oo ah meel ay iyagu ka taliyaan.
Juliette Biao Koudenoukpo, oo ka tirsan Qaramada Midoobay, una qaabilsan arrimaha deegaanka oo shirka ka hadashay ayaa sheegtay in dhuxusha lagu joojin karo marka uu dhaco iskaashi Gobolka Geeska Afrika oo dhan, shirkaasi waxaa sidoo kale ka hadlay Peter de Clercq oo ah ku-xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, isagoo sheegay in Qaramada Midoobay iyo dowladda Soomaaliya ay iska kaashaan doonaan qaabkii loo heli lahaa ilo kale oo lagu daboolo isticmaalka dhuxusha.

Dadka aqoonta u leh cilmiga deegaanka ayaa qaba haddii ay sii socoto jaridda dhirta in ay keeni karto nabaad guur, kadibna sababa in goobahaasi ay isku bedelaan lamadagaan, maadaama warbixin lagu sheegay in 30 ilmiriqsi oo kasta geed laga jaro Soomaaliya oo dhuxul looga dhigo, sidaasi awgeed waa in Dowlad iyo shacab-ba ay u diyaargaroobaan la dagaalanka kuwa caadeystay inay jaraan Dhirta, lana adkeeyo mamnuucidda dhoofinta dhuxusha.

W.Q: C/laahi Ruush

Previous Post

Eng Yariisow: Hoggaamiyihii ay u baahneed Muqdisho.!!!

Next Post

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda JFS oo gaaray Dalka Norway+Sawirro

Next Post
Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda JFS oo gaaray Dalka Norway+Sawirro

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda JFS oo gaaray Dalka Norway+Sawirro

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚  𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 oo  𝟓𝟎 𝐁𝐨𝐨𝐲𝐚𝐝𝐨𝐨𝐝 𝐨𝐨 𝐁𝐢𝐲𝐨 𝐚𝐡 𝐆𝐚𝐚𝐫𝐬𝐢𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐃𝐞𝐞𝐠𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐥𝐪𝐚𝐥𝐨𝐨𝐜𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐃𝐡𝐚𝐰𝐚𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐊𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐜𝐝𝐚𝐲 𝐃𝐡𝐢𝐦𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐥𝐚 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐭𝐚 𝐁𝐢𝐲𝐨 𝐋𝐚’𝐚𝐚n

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 oo 𝟓𝟎 𝐁𝐨𝐨𝐲𝐚𝐝𝐨𝐨𝐝 𝐨𝐨 𝐁𝐢𝐲𝐨 𝐚𝐡 𝐆𝐚𝐚𝐫𝐬𝐢𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐃𝐞𝐞𝐠𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐥𝐪𝐚𝐥𝐨𝐨𝐜𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐃𝐡𝐚𝐰𝐚𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐊𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐜𝐝𝐚𝐲 𝐃𝐡𝐢𝐦𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐥𝐚 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐭𝐚 𝐁𝐢𝐲𝐨 𝐋𝐚’𝐚𝐚n

March 4, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo ay wehliyaan Guddiga Abaaraha Galmudug, kuna guda jira maalintii...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo qaabilay James Swan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo qaabilay James Swan

March 4, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay ergayga...

Labada Aqal ee Baarlamaanka JFS oo ansixiyay Dastuurka rasmiga ah ee Dalka.

Labada Aqal ee Baarlamaanka JFS oo ansixiyay Dastuurka rasmiga ah ee Dalka.

March 4, 2026
0

Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Senatorrada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS) ayaa kulan wadajir ah ku ansixiyay Dastuurka...

DFS oo bixisay US$3.88 Milyan oo Caymis Takaful ah oo gaadhay 17,734 Xoolo-dhaqato

DFS oo bixisay US$3.88 Milyan oo Caymis Takaful ah oo gaadhay 17,734 Xoolo-dhaqato

March 4, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya: Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay bixinta lacag dhan US$3.88 milyan oo ah caymiska Takaful ee xoolaha, taasoo si...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In