Sunday, May 18, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shir looga hadlayay dib u habeynta Ciidanka Booliska oo Muqdisho lagu qabtay

admin by admin
May 13, 2018
in Wararka
0
Wasiirka amniga gudaha oo soo saaray awaamiir cusub+Dhageyso
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shir gudoomiyay kulan ay ka qeybgaleen wakiillo ka kala socday caalamka kaasoo looga hadlayay dib u habeynta ciidanka Booliiska.

Kulankan oo looga hadlayay qorshaha dib u habeynta ciidanka booliiska Soomaaliyeed ayna ka qeybgaleen wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, danjirayaasha wadamada safaaradaha ku leh dalka, wakiil ka socday UNDP, wasiirrada amniga maamulgoboleedyada hoosyimaada dowladda F. S. saraakiil ka socotay ciidamada AMISOM ayaa waxaa shirgudoomiyay wasiirka  amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo maanta Baqdaad uga qeyb-gali doona meertada 34aad ee Shirka Jaamacadda Carabta

Madaxweynaha JFS oo maanta Baqdaad uga qeyb-gali doona meertada 34aad ee Shirka Jaamacadda Carabta

May 17, 2025
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Masar 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Masar 

May 16, 2025

Wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, Danjirayaasha wadamada Britain, iyo  Italy oo halkaasi ka hadlay ayaa wasaaradda amniga gudaha ee X. F. Soomaaliya ku bogaadiyay qorshaheeda ku wajahan dib u habeynta ciidanka booliiska , iyadoo danjiraha Britain uu halkaasi ka sheegay in dowladiisu qorshahan ku bixineyso 14 Milyan Doolar.

Wasiirrada ka soocday maamulgoboleedyada hoos yimaada dowladda Federaalka Soomaaliya oo halkaasi ka hadlay ayaa muujiyay sida ay ula dhacsanyihiin qoryayaasha wasaaraddu ay ku horumarineyso ciidamada ammaanka.

Taliyaha ciidanaka Booliiska Jeneraal Bashiir ayaa kulankaasi ka sheegay in lagu guuleystay tirakoobka ciidamada booliiska, isagoo dalbaday in ciidamada laga taageero baahiyaha heysta si ay ugu guuleeystaan hanashada ammaanka guud ee dalka.

Wasiirka amniga gudaha   Maxamed Abuukar Islow oo kulankaasi soo xiray ayaa tilmaamay in kulankani uu qeyb ka yahay qorshayaasha wasaaradda eek u wajahan dib u tayeeynta ciidamada si u gutaan waajibaadka loo igmaday.

Previous Post

Hodan Xasan oo u tartamaysa Xildhibaannimada xaafadda 62A ee Minneapolis oo la kulantay Soomaalida Ohio+ Sawirro

Next Post

Dowladda Shiinaha oo $1.5 Malyan ugu deeqday Dowladda Soomaaliya si fatahaadaha loogu maareeyo.

Next Post
Dowladda Shiinaha oo $1.5 Malyan ugu deeqday Dowladda Soomaaliya si fatahaadaha loogu maareeyo.

Dowladda Shiinaha oo $1.5 Malyan ugu deeqday Dowladda Soomaaliya si fatahaadaha loogu maareeyo.

Madaxweynaha JFS oo maanta Baqdaad uga qeyb-gali doona meertada 34aad ee Shirka Jaamacadda Carabta

Madaxweynaha JFS oo maanta Baqdaad uga qeyb-gali doona meertada 34aad ee Shirka Jaamacadda Carabta

May 17, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Baqdaad ee caasimadda dalka Ciraaq kaga qaybgali...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Masar 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Masar 

May 16, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa Khamiistii kulan-doceed kula yeeshay...

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ah

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ah

May 15, 2025
0

Kulanka Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa....

Madaxweynaha JFS oo dhagax dhigay dhismaha cusub ee Wasaaradda Dhallinyarada 

Madaxweynaha JFS oo dhagax dhigay dhismaha cusub ee Wasaaradda Dhallinyarada 

May 15, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha cusub ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga, xilli...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In