Wednesday, September 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta oo si rasmi ah xilka ula wareegay, fartana ku fiiqay yoolka Wasaaradda “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta oo si rasmi ah xilka ula wareegay, fartana ku fiiqay yoolka Wasaaradda “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa si rasmi ah xilka ula wareegay, wax yar un kadib markii maanta loo dhaariyay xilkaasi.

Munaasabadda xil wareejinta ooย  lagu qabtay Xarunta Wasaaradda, ayaa waxaa kasoo qeybgalay Raโ€™iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka, Guddoomiyaha Guddiga Warfaafinta Golaha Shacabka, Hanti dhowraha Qaranka iyo Masโ€™uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo kulan doceed la qaatay dhiggiisa Dalka Serbia

Madaxweynaha JFS oo kulan doceed la qaatay dhiggiisa Dalka Serbia

September 1, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ku soo xiray Tababarka Wariyayaasha Nabadda

๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐–๐š๐ซ๐Ÿ๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ ๐๐ก๐š๐ฐ๐š๐š๐ช๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Œ๐š๐๐š๐ฌ๐ก๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ญ๐ข๐ซ๐š๐š๐ญ๐ข๐ข๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐—๐ข๐ซ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐–๐š๐ซ๐›๐š๐š๐ก๐ข๐ง๐ญ๐š ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ”

September 1, 2026

Hanti dhowraha Qaranka Maxamed Maxamuud Caliย  iyo Gudoomiyaha Guddiga Warfaafinta Golaha Shacabka Xildhibaan Khaalid Macoow ayaa bogaadiyay Wasiirkaย  iyo howlaha shaqo ee ka socda Wasaaradda, iyagoo xusay inay diyaar u yihiin la shaqeynta Wasiirka cusub.

Sii hayahii Wasiirka Warfaafinta C/raxmaan Iidaan Yoonis oo xilka wareejiyay ayaa sheegay in Warfaafintu ay heshay Wasiir ku haboon oo u leh qibrad wanaagsan, uuna ku faraxsanyahay in uu maanta xilka wareejiyay.

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Hannuuninta Dadweynaha Mudane Daahir Maxamuud Geelle oo xusay doorkii Wasiiradii xilka kaga horeeyay ayaa sheegay in Wasaaradda ay la dhafar u noqon doonta Nabadda, Wacyigelinta iyo isdhexgalka bulshada si looga hortago kuwa xagjirka ah ee fikradaha qaldan dadka ku marin habaabinaya.

Raโ€™iisul Wasaare kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa tilmaamay in waaya-aragnimada Daahir Geelle ay wax badan kusoo kordhin doonto bahda Saxaafadda, isla markaana magacaabistiisa ay ku soo beegantahay xilli loo baahnaa.

Toddoaad ka hor ayey ahayd markii isku shaandheyn uu sameeyay Raโ€™iisul Wasaaraha Soomaaliya uu ku magacaabay Daahir Maxamuud Geelle oo 8 sano ka hor Wasiir kasoo noqday Wasaaradda Warfaafinta markaasi oo kaalin weyn uu ka qaatay dib u howlinta Warbaahinta Qaranka iyada oo lagu shaqeynayo daruuf adag.

Previous Post

Tababar ku saabsan Waxbarashada Madaniga ee Arrimaha Dastuurka oo ka furmay Baydhabo “SAWIRRO”

Next Post

Tartamayaasha Degmada Jilib oo caawa soo tiigsatay wareegga 3aad ee tartanka “SAWIRRO”

Next Post
Tartamayaasha Degmada Jilib oo caawa soo tiigsatay wareegga 3aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Jilib oo caawa soo tiigsatay wareegga 3aad ee tartanka "SAWIRRO"

Madaxweynaha JFS oo kulan doceed la qaatay dhiggiisa Dalka Serbia

Madaxweynaha JFS oo kulan doceed la qaatay dhiggiisa Dalka Serbia

September 1, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan doceed barbar socday Shir-madaxeedka dalalka dhex-dhexaadka ah ee magaalada Belgrade,...

Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ku soo xiray Tababarka Wariyayaasha Nabadda

๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐–๐š๐ซ๐Ÿ๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ ๐๐ก๐š๐ฐ๐š๐š๐ช๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Œ๐š๐๐š๐ฌ๐ก๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ญ๐ข๐ซ๐š๐š๐ญ๐ข๐ข๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐—๐ข๐ซ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐–๐š๐ซ๐›๐š๐š๐ก๐ข๐ง๐ญ๐š ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ”

September 1, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfitaax Qaasim Maxamuud, ayaa ku dhawaaqay qabsoomidda Shirweynaha Madasha Qaran ee...

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa & wafdiga la socday oo kulamo la qaatay hayโ€™ado iyo shirkado dowladeed oo Qatar leedahay

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa & wafdiga la socday oo kulamo la qaatay hayโ€™ado iyo shirkado dowladeed oo Qatar leedahay

September 1, 2026
0

Intii uu ku guda jiray booqashadiisa rasmiga ah ee dalka Qatar, Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre,...

MADAXWEYNAHA JFS OO KHUDBAD KA JEEDIYAY SHIRKA DALALKA DHEX-DHEXAADKA AH

MADAXWEYNAHA JFS OO KHUDBAD KA JEEDIYAY SHIRKA DALALKA DHEX-DHEXAADKA AH

September 1, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay Shirka Dalalka dhex-dhexaadka ah oo maanta ka furmay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In