Sunday, April 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/W Khayre oo Kullan Afur ah la Qaatay Dhallinyarro Soomaaliyeed oo Xukuumaddu ka soo qaaday Xabsiyadda Liibiya “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
R/W Khayre oo Kullan Afur ah la Qaatay Dhallinyarro Soomaaliyeed oo Xukuumaddu ka soo qaaday Xabsiyadda Liibiya “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, Jun, o2, 2018—-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa caawa kulan Afur iyo soo dhaweyn ah la qaatay dhallinyaro Soomaaliyedd oo maxaabiis ku ahaa dalka Liibiya, kuwaas oo dib ugu soo laabtay dalkooda ka dib markii ay u fududaysay xukuumadda Soomaaliya, gaar ahaan Ergayga arrimaha qaxootiga u qaabilsan Xafiika Ra’iisul Wasaaraha iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Tripoli.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo u mahed celiyay cid walboo ka shaqaysay in dib loo soo celiyo dhalinyaraddan ku dhibaatay sanayd dalka dibadiisa, ayaa cadeeyay in uu aad uga xun yahay dhibka ku dhacay dhalinyaradda Soomaaliyeed meel walba ay joogaan. Isgaoona tilmaamay in mas’uuliyinta dalka looga baahan yahay in ay ka foogaadaan musuq maasuqa, in ay dib-u-dhisaan dalka iyo in la iska ilaaliyo waxyaabihii awoodeena daciifyay, si looga shaqeeyo mustaqbalka jiilka soo koraya.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo xilka u kala wareejiyay Agaasimaha cusub ee Hay’adda Socdaalka iyo Agaasimihii hore

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo xilka u kala wareejiyay Agaasimaha cusub ee Hay’adda Socdaalka iyo Agaasimihii hore

April 18, 2026
Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BJFS oo khudbad ka jeediyay shirka Baarlamaannada Adduunka

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BJFS oo khudbad ka jeediyay shirka Baarlamaannada Adduunka

April 18, 2026

“Haddii aad tahay Soomaali oo aad la baxday Magafe, Waa inaad ogaataa in dawladda Soomaaliyeed ay tahay Madaasho oo ay kaaga daba imanayso meel kasta, caddaaladana ku horgayn doonto. Waxa la rabaa hay’adaha amniga Qaranka inay ka shaqeeyaan sidii loo soo qab-qaban lahaa dadka dhibaateeyey dhillinyaradeena.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Ugu dambayntii, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa dhallinyaradda Soomaaliyeed kula dardaarmay in ay ka shaqeeyaan sidii ay dalkooda uga dhigi lahaayeen wadamadda ay u tahriib tageen, waxuuna u ballan-qaaday in Soomaaliya ay ku socoto dariiqii horumarka, qof walbana ay muhiim tahay in uu qaybtiis ka qaato dib u dhiska dalka.

—DHAMAAD—

Previous Post

Tartamayaasha Degmada Jilib oo caawa soo tiigsatay wareegga 3aad ee tartanka “SAWIRRO”

Next Post

Tartamayaasha Degmada Hodan oo xaqiijiyay inay u soo gudbeen wareegga 3aad ee tartanka “SAWIRRO”

Next Post
Tartamayaasha Degmada Hodan oo xaqiijiyay inay u soo gudbeen wareegga 3aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Hodan oo xaqiijiyay inay u soo gudbeen wareegga 3aad ee tartanka "SAWIRRO"

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo xilka u kala wareejiyay Agaasimaha cusub ee Hay’adda Socdaalka iyo Agaasimihii hore

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo xilka u kala wareejiyay Agaasimaha cusub ee Hay’adda Socdaalka iyo Agaasimihii hore

April 18, 2026
0

Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta xilka u kala wareejiyay Agaasimaha cusub ee Hay'adda Socdaalka iyo...

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BJFS oo khudbad ka jeediyay shirka Baarlamaannada Adduunka

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BJFS oo khudbad ka jeediyay shirka Baarlamaannada Adduunka

April 18, 2026
0

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa maanta khudbad dhinacyo badan taabaneysa...

Wasiirka Maaliyadda oo ka warbixiyay Shir-Sanadeedka Gugga(Spring Meetings) oo Soomaaliya ay ka qayb gashay sanadkan

Wasiirka Maaliyadda oo ka warbixiyay Shir-Sanadeedka Gugga(Spring Meetings) oo Soomaaliya ay ka qayb gashay sanadkan

April 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO(WASHINGTON):-Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Imaan Cige, ayaa ka warbixiyay shir sanadeedka Gugga(Spring Meetings)oo lagu qabtay magaalada Washington....

Ciidanka Xoogga Dalka oo deeq raashin ah gaarsiiyay dadka abaartu ku saameysay degmada Raaga Ceelle

Ciidanka Xoogga Dalka oo deeq raashin ah gaarsiiyay dadka abaartu ku saameysay degmada Raaga Ceelle

April 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gurmad raashin ah gaarsiiyay bulshada ay abaartu saameysay ee ku nool degmada Raaga Ceelle...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In