Mudane Mahdi Maxamed Guuleed(Qadar) Raiisul wasaare kuxigeenka Xukuumadda Soomaaliya oo ka hadlayay furitaanka tartan Qur’aan aqris heer Qaran ah oo sanadkasta la qabto ayaa siweyn ugu dheeraaday ka hadalka muhiimadda uu qur’aanka Kariimka uu u leeyahay dadka iyo in la helo afkaar midaysan oo bulshada dhexdeedi ah si looga gudbo kala ququbnaanta.
Raiisul Wasaare kuxigeenka Dalka ayaa soo hadal qaaday fikradaha xagjirnimada ah iyo kooxaha diinta sida qaldan u adeegsada,hadana banaystay dhiiga muslimiinta,kuwaasi oo uu sheegay in looga gudbi karo oo kaliya in la helo bulsho haysata aragtimidaysan,quraankuna uu dawo u yahay waxkasta.
“Marka hadii aan xadaaran aqoon fikirmidaysan iyo fikir midaysan iyo siyaasad ku salaysan Islaamka,aan ku salaynin manhabkeyna waxbarasho,waxaan ku sii soconaynaa fikirkaa kala duwan oo qaarkayna dhiigayna banaystay qaarna ay leeyihiin ka daaya,waa in aragtida la mideeyaa hadduu rabbi idmo,lagu dadaalo in wada hadal la furo si loo saxo dadka qaldan maskaxiyan maadaama aan qori waxba lagu maquuninkarin”. Ayuu yiri Mahdi Guuleed.
Munaasabadda Daah furka barnaamijkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Diinta iyo Arrimaha Owqaafta ayna maalgelisay hay’adda Qadar Charity ee laga leeyahay Dalka Qadar waxaa sidoo akle goob joog ka ahaa mas’uuliyiinta Wasaaarddaasi,kuwa Dowlada Goboleedyada,Culimaa’udiin iyo Danjirayaasha Wadamada Qadar iyo Turkiga uu fadhiya Soomaaliya,iyadoo dadkii halkaasi kahadlay uu kamid aha SHeekh Bashiir Axmed Salaad guddoomiyaha Hay’adda Culimadda Soomaaliyeed ay soo jeediyeen in la kordhiyo barashada iyo fahamka micnaha Qur’aanka Kariim,islamarkaana loo dhiso xarumo lagu barto oo meelo wanaagsan kuyaala.
Cabdi Nuur Xaaji Cali oo ah madaxa Hay’adda Qadar Charity ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay Dalka ka hirgeliyeen boqolaal xaruumood oo lagu barto dugsiyada qur’aanka,islamarkaana uu yahay Qur’aanka Kariimka mid ay xooga saarayaan’isagoo ka warbixyay qabsoomidda tartankan.
“Maanta waxaa farxadweyn inoo aha in aan daah furno mashruucan tartanka qur’aan aqriska heerka Qaran ah ayna ka qeybgalayaan dowlada Goboleedyada,kaasi oo ay fulinayso wasaaradda Diinat iyo Arrimaha Owqaafta ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ayna maalgelinayso Hay’adda Qadar Charaty,waxaan sanadkasta xoogga saarnaa sidii tartamadan qur’aan aqriska ah loo sii ballaarin lahaa,waxaa jira in boqolaal dugsiyo qur’aan aan hirgelinay”. Ayuu yiri Cabdi Nuur.
Xasan Macalin Xuseen oo ah wasiirka Diinat iyo Arrimaha Owqaafta Dowladad Soomaaliya ayaa balanqaaday in abaalmarino la siidn doona qofkii guuleysta.
“Tartankan qur’aan aqriska ah wuxuu socondoona muddo isbuuc ah,waxaa la qaban dhoonaa markii uu dhamaado xaflad ballaaran oo ay ka soo qeybgalidoonaan madaxda sare ee dalka,waxaana lagu bixindoonaa abaalmarino”. Ayuu yiri Wasiir Xasan Macalin.